http://www.dalkanews.com/images/runningmanspin.gif
Dagaalkii maanta ka dhacay goobweyn iyo Buulo gaduud oo Goojaar lagu qabtay, Afgaduudna lagu dhaawacay.
(22-06-2007) Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalladii ka socdey nawaaxiga Buulo gaduud iyo goobweyn, ayaa la soo sheegayaa in ciidanka beesha Sade ay gacanta ku dhigeen Aaden Goojaar oo ahaa abbaanduulihii maleeshiyada laga soo xawiley Puntland oo ku heybta ah Col Cabdulahi Yusuf.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dhaawac aan la xaqiijin inta uu la,eg yahay soo gaarey Col. Afguduud oo ahaa taliyaha maleeshiyada reer Puntland uguna orodka dheer marka dagaal dhaco.
Wariye ka tirsan Dalkanews oo goor dhoweyd nagala soo xiriirtay Magaalada kismaayo, ayaa inoo xaqiijisey in xilligan oo galab ah ay dhammaan nawaaxigii maanta lagu dagaallamay ay deggan tahay, gacantana ay ku hayaan ciidamada Beesha Sade iyo beelaha kale ee ay wada degaan, iyadoo bey tiri wariyuhu maleeshiyadii uu hor boodayey Afguduud la la,yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, marka laga reebo 36 ka tirsanaan jirey maleehsiyada Afgaduud oo isasoo dhiibey loona gudbiyey Magaalada Kismaayo.
Waxaa kaloo wariyuhu sheegtay in maleeshiyadii Cabdulahi yusuf ku heybta ahayd laga qabsaday 13 baabuur oo ah kuwa loo yaqaan Teknikada oo qoryo waaweyn saaran yihiin, iyo hub kale oo noocyo kala duwan isugu jira, kadib markii maleeshiyadii loo qorsheeyey iney ku dagaallamaan hubkaas qaarkood isdhiibeen, qaarna ka firxadeen dagaalaka.
Waa Markii toddobaad oo maleeshiyada reer Puntlaand lagu baacsado degaannada Jubbooyinka, iyadoo dhacdadaan ay ka horreysey Gen. Morgan iyo maleeshiyad uu wato in tiro ka shan jeer laga raacdeystay Kismaayo iyo nawaaxigeeda, iyadoo laga xusi karo Dagaalkii la magac baxay (Xiddigaha).
Wixii nagu soo kordha waan idinla socodsiin doonaa