Dagaalo cusub oo ka qarxay Galguduud, Cumar Xaashi oo B/weyne soo gaaray, Ciidamo taabacsan maamulkii hore ee gobolka Bay oo dhaqdhaqaaq ka wada Bakool iyo cabsi lagu qabo dagaalo ka dhaca aaga Gedo (Wararkii ugu danbeeyey)
Wararka ka imaanaya tuulada la yiraa Dabxarar oo u dhow deegaanka Wabxo ee gobolka Galguduud ayaa laga soo sheegayaa in halkaasi maanta uu iska horimaad culus ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Xarakada Alshabaab iyo kuwa Ahlusunna, dagaaladaaso ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus ee madaafiicda iyo qoryaha ku rakiban baabuurta tiknikada ah, waxaana dagaalkani oo bilowday maanta duhurnimadii la soo sheegayaa in ciidamada Ahlu suna ay dagaalka billaabeen, iyadoo dagaalkuna ilaa haatan uu soconayo, lamana oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo qolada lagu soo jebiyey, waxeyse wararku sheegayaan in ciidamada Ahlu sunna ay dib u soo riixeen kuwa Alshabaab, mana jiraan warar si dhab ah u faahfaahinaya dagaalkaasi, maadaama goobta dagaalku ka dhacay ay tahay deegaano aan laheyn isgaarsiin.
The cowards shabaab run away from the brave ahlesunnah al mujahideen mashallah
Dhinaca kale, iska horimaad aan sidaa u buurneyn ayaa ku dhexmaray degmada Ceelberde oo ka tirsan gobolka Bakool, waxeyna wararka qaar sheegayaan in weeraro ay magaalada Xudur ku soo qaadeen ciidamo taabacsan maamulkii hore ee gobolka Bay in ku soo dhowaadeen magaalada, waxaana laga dareemayaa tuulooyinka u dhexeeya Ceelberde iyo Xudur dhaqdhaaq ciidamo, iyadoo ciidamada maamulkii hore oo ay horkacayaan xubno uu ku jiro C/fataax Geeseey oo ahaa Guddoomiyaha maamulkii gobolka Bay ujeedadoodu tahay dagaalo ay kala hor tagaan kooxda Alshabaab.
Sidoo kale, wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ciidamo uu horkacayo wasiirka amniga Col. Cumar Xaashi oo ku sugnaa xalay halka lagu magacaabo Kala beyrka in ay saacado ka hor soo gaareen magaalada B/weyne ayna halkaasi kulamo kula leeyihiin maamulka Islaamiga ah ee gobolkaasi ka taliya, waxaana labada dhinac ay abaabul dagaal ugu jiraan sidii ay dagaalo kala hortegi lahaayeen ciidamo Alshabaab ah oo ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne iyo deegaanada ku teedsan degmada Buulo-burde.