Hobollada Waayaha Cusub ee saldhigoodu yahay Nairobi oo maanta soo gaadhay magaalada Gaalkacyo. [Akhris ...]
Galkacyo, July 15 - Hoobollada da'da yar ee kooxda Waayaha Cusub oo ay wadashaqayn leeyihiin idaacadda Daljir ayaa maanta ka soo dagay gagida dayuuradaha ee magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ay martigalinayso idaacadda Daljir.
Kooxda Waayaha Cusub ayaa inta ay joogaan degaannada Puntland waxa ay fan ku soo bandhigi doonaan heeso isugu jira waddaniyadda oo si gaar ah u gudbin doona nuxurka dhawridda iyo adkaynta nabadda iyo kala dambaynta, waxana ay socdaallo ku wada mari doonaan xarumaha kala duwan ee idaacadda Daljir ay ku leedahay magaalooyinka Puntland, waxana sidoo kale ay hawada kala hadli doonaan dhagaystayaasha Daljir, iyagoo uga jawaabi doona su'aalo ay dhagaystayaashu ka waydiin doonaan nabadda ay kooxdaas aalaaba kaga turjumaan heesohooda.
Guddoomiyaha koox faneedka Waayaha Cusub Shiine Akhyaar oo idaacadda Daljir u warramay kaddib markii ay magaalada Gaalkacyo soo gaadheen, waxa uu sheegey in ay aad ugu faraxsanyihiin isaga iyo hobollada safar nabadeedkan ku weheliya soo dhawaynta diirran ee ay kala kulmeen masuuliyiinta iyo waxgaradka Gaalkacyo, waxana uu si gaar ah ugu mahadceliyay idaacadda Daljir ee ay wada shaqaynta leeyihiin oo si gaar ah soo dhawayn ballaadhan oo diyaargarow sare leh u muujisay.
Waayaha Cusub waxa ay idaacadda Daljir si mug leh uga soo wada qayb qaateen barnaamijkii Da'yarta Soomaalida iyo Doorka Nabadda, kaas oo dhalinta Soomaaliyeed loogu gudbin jiray ka digtoonaanta marin habawga dhalinta loo adeegsado falalka nabadda lidigga ku ah, iyo dagaalladda hubaysan.
Ururada bulshada ee magaalooyinka Puntland ayaa haatan isku diyaarinaya in ay Waayaha Cusub la barbar istaagaan doorkooda nabadeed iyo wadaniyadeed ee ay ku gudbinayaan safar faneedkooda ay ku joogaan Puntland, kaas oo ay idaacadda Daljir-na door wayn kala qaadanayso bah-faneedka Waayaha Cusub.
Idaacadda iyo mareegta Daljir waxa aad kala socon doontaan haddii Eebbe idmo barnaamijyo ay wadajir idinkugu soo gudbin doonaan Daljir iyo Waayaha Cusub oo istaageersanaya.
Adam Shardi Axmed
Radio Daljir
Waayaha cusub group visit Gaalkacyo
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super

- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 942 Views
-
Last post by gemini07
-
- 0 Replies
- 4 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 4 Replies
- 626 Views
-
Last post by precious_dyme
-
- 23 Replies
- 1492 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 51 Replies
- 4123 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 2 Replies
- 659 Views
-
Last post by barakaboy10
-
- 0 Replies
- 390 Views
-
Last post by reer_boqor
-
- 45 Replies
- 3100 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 496 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 2 Replies
- 679 Views
-
Last post by Gifted
