Baaq ay soo saareen jaaliyadaha Woqooyiga mareykanka ee Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Bari, kaasoo ku wajahan maamulka cusub ee Puntland….
Minneapolis: Kadib markii aan aragney qaabkii loosoo magacaabay wasiirada maamul goboleedka Puntland oo awood qeybsigii wasaaradaha ku dulmiyey beelaha SHB, kadib markii aan aragney in aanu madaxweynuhu wax la tashi ah la sameynin jaaliyadaha SHB ee ku sugan Garoowe. Kadib markii aan aragney in madaxweynuhu ay gacmo fara badan wax la maamulayeen awood qeybisga.
Anagoo ah jaaliyadaha Puntland ee woqooyiga Mareykanka gaar ahaan kuwa Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Bari waxaan uga digeynaa madaxweynaha cusub Mudane C/raxmaan Faroole in uu dib u habeyn ku sameeyo qaab dhismeedka dowlada cusub, kuna saleeyo awood qeybsigii iyo wax isku darsashadii beelaha walaaalaha ah ee Puntland.
Madaxweyne Faroole oo magacaabay 9 Wasiir iyo 12 wasiir ku xigeen oo beeshiisa ah, iyo 2 wasiir oo beelaha Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Bari loo magacaabay. Taas oo ah mid lagu dulmiyey beelaha SHB. Madaxweyne Faroole ayaa halkaasi marsiiyey tub eexeed lamid ah tii Cade Muuse.
Hadii aan madaxweynuhu aan 48 saacadood ee soo socda wax ka badali waayo qaab dhismeedka awood qeybsiga, in beelaha SHB ay gabi ahaanba kalsoonida kala noqon doonaan maamulka cusub.
Waxaa ku saxiixan:
Garaad Cali Aw-Yuusuf
Caaqil Caabi Faarax
Prof. Abshir Aw-Yuusuf
Prof. Maxamed Jibriil
Dr. Siciid Faahiye
Dr. C/fataax Xuseen Dheere
Dr. Maxamuud Geeldoon
Dr. Cali Shire
Dr. C/qaadir Xirsi Faroole
Dr. Ismaaciil Geeldoon
Col. Mohamed Abdi qaac
Col. Jamac Shire Dariqo
Col. Cabdi Daad
Col. Maxamuud Cali Ciid
Col. Cabdiraxmaan Xirsi
Col. Cawil Axmed Xersi
Nuur Saalax Doonyaale
Axmed Saalax Dhoodi
Maxamed Salaad Ruqur
Cusmaan Maxamed Ali
Ibraahin Aw-Caduur
Maxamed Cabdulaahi Dubeys
Saalax Nuur Saalax
Axmed Ismaaciil Jaamac Gadhweyne
Faysal Maxamuud Cumar
Yaasiin Sharmaake
Siciid Ali Geldoon
Gurey Hure
Maxamed Isse Aar
C/laahi Saalax Geeljire
Hilaal Aduur
C/risaaq Bulxan
Sugulle Warsame Sugelle
Cabdi Cali Guuleed
Maxamed Cumar Cashuur
Axmed Cabdi Cabdalle
Sahal Indha Caad
Maxamed Aadan Daad
Maxamed Xuseen Gurxan
C/risaax Daahir Aadan
Siciid Maxamuud Cismaan
Samatar D. Maxamed