

Hargeysa(HWN):- Ciidanka laanta Socdaalka Booliska Gobolka Saaxil,ee ka hawlgala Madaarka Berbera ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi [Dakhare],isaga oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo magac faalso ah ku soo raacay Diyaarada African Airline ee uu la socday.
Sida ay tibaaxayaan Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Berbera ee la xidhiidhay Xadhiga Boqor Raabi ayaa Sheegay ka hor intii aan Xabsiga loo taxaabin Boqorka ay Saxaafadu kula kulantay Xafiiska laanta Socdaalka ee Berbera, ayaa ka gaabsaday inay wax iska bedeleen Mowqifkiisii uu hore ugu Taageersanaa Dawlada Ku meelkaadhka ee lagu soo dhisay Embeghati.
Sidoo kale Boqor Raabi Wax tafaasiila kamuu bixin inuu Dawlada Somaliland Wax Cafisa ka helay iyo in kale,hasayeeshee Waxa uu sheegay inuu Gurigiisii ku soo noqday.
Taliyaha Guud Ciidanka Booliska Somaliland Col Maxamed Saqadhi Dubad oo ay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews khadka Mobile-ka kula xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyey Xidhiga Boqor Raabi inay Ciidanka Boolisku ku qabteen gegeda Diyaradaha ee Magaalada Bebera,isaga oo ka yimi Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, isla markaana Dayuurada ku soo raacay Magac faalso ah,ayuu yidhi taliyuhu.
“Waxa uu ninkani [Boqor Raabi] ka qeybgalay Shirkii lagu magacaabay dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee badhtamihii Sanadkan [2007] lagu qabtay Magaalada Muqdisho,isaga oo Boqor Raabi ogsoon yahay in qofkii u dhashay Somaliland ee ka qeybgala Shirarka Soomaaliya uu yahay Danbiile Khiyaamo qaran ku kacay”ayuu yidhi Col Maxamed Saqdhi Dubad oo ka hadlayey Xidhiga Boqor Raabi.
Col Maxamed Saqdhi Dubad waxa uu sheegay in Markii hore dadka u dhashay Somaliland ee ka qeybgala waxa loogu yeedhay Shirarka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya inay Dawlada Somaliland hore Cafis ugu fidin jirtay, balse imika aan la cafin Karin ilaa inta ay Maxkamad ka xukumayso.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col Maxamed Saqadhi Dubad waxa uu intaa ku daray in Boqorka Si deg dega loo horgeyndoono Maxkamad Xukunta,waxaanay Wararku sheegayaan in loo soo gudbiyey Boqorka Xabsiga Magaalada Hargeysa.
Labada Gole Baarlamaan ee Somaliland [Guurtida Wakiillada] ayaa hore uga soo saaray qodobo iyo Xeerar Sharciya oo xaaraantimeynaya ka qeybgalka Waxa lagu sheegay Shirarka dib u heshiisiinya Soomaalida, isla markaana Cidkasta oo u dhalatay Somaliland oo ka qeybgasha Shirarka dib u heshiisiinta Soomaalida inuu yahay danbiile khimaayo Qaran ku kacay. Sharcigana la horgeyn-doono.
Raabi Yuusuf Cabdilaahi [Dakhare] ayaa la sheegay inuu Boqornimada iska sheegtay,isla markaana Boqornimadiisu lagu muransan yahay.