Boodh iyo Torre wrote:Forget, about labada gab gab yar ee Reer Isaaq, we took both the Maxamed Subeyr (Reer Abdeli & Reer Isaaq) and the Makahill land and
xoolo along with those two gab gab yar ee Reer Isaaq, thats the entire Maxamed Subeyr and Makahill, maxa cagdheer ka haday?
Gabaygii -'Masaare; ee abwaanke Cabdi Saahid oo ah nin Makahill (Ogaaden), Dagaalkii Reer Caynaashe iyo Makahill
"Madaxdii Reer Amaan iyo Gunbur, ma hindisoodaane" -The Makahill are complaing about the loses they faced againts Reer Amaan a sub/sub....clan of Sugulle
"Iidoor majiiraha dagaal, ma hungureeyaane"
"Korjooguhu wuxuu soo maraa, miirtii Ceel Baxaye" - Ceel Baxay is currently a town inhabit and run by Reer Sugulle its about 30-km from Qabri Dahari.
Gabaygii - Jawaabtii Quule Indhoole (Reer Sugulle) ee Maxamud Cumer Dege (OG), dagaalkii dhexmaray Habar Yoonis iyo Reer Cabdille. Maxamud Cumer Dage waxa ahaa nin Reer Abdeli sibaa Reer Warfaa.
Anoo gaban ah baan joogi jirey, gobolladiinaase
Adba Dalalka waad soo gashaaye, gaag yar baad tahaye
Giddigoodba Reer Muxumed Dalal,[4] gogol ma buuxshaane
Nimankaa gamuunyeyn lahaa, iima soo geline
Gobta Khalaf guryaha Xaaji Cali, go’bada Reer Yuusuf
Ina Xayle gaaskuu watiyo, gaanka Bah Xawaadle
Waxaad garan lahayd Reer Xirsoo, godobu noo taale
Thats two gabays about dagaaladi, Habar yoonis haud (Reer Sugulle, Reer Caynaashe, and Xirsi Cisman)oo ah sadex jilib oo HY iyo Maxamed Subyr (Reer Abdeli iyo Reer Isaaq) and Makahill oo ah 80% of Ogaaden.

Boodh iyo Torre it seems as you are trying to rewrite history to make ur laangab clan look all powerful

first of all the garxajis has never met the entire OG family such as cawlyahan-abudwaaq-cabdalle that settle in NFD and Jubaland.The whole of H.Y were fighting against small jilibs of Makaahil and Reer Isaaq, the Abrahim of Makaahil and Reer Cali of Reer Isaaq, not even Reer Haroun was involved yet they managed to keep you maggots at bay

Qiiq baan labada dhagood ka sii daaysan Keep fantazising and day dreaming of what your incapable of doing.
Reer Cali (Ogaadeen) iyo Ciidagale (Isaaq) ayaa dagaalamay. Doorar badan ayaa dagaalkaa ku go'ay, haseyeeshee guushii waxay raacday Reer Cali oo si ba’an birta uga aslay Ciidagale.
Arab (Isaaq) ayaa soo hiiliyey oo lasoo saftay Ciidagale. Reer Cali ayaa Arabkiina ka daba geeyay Ciidagale. Gabayo badan oo labada dhinacba ah oo dagaalkan si hufan uga sheekaynaya ayaa isla xilligaa la tiriyey. Gabayadu, xataa kuwa nimanka Isaaq tiriyeen, waxay isku waafaqsan yihiin in Isaaq darbad xumi gaadhay.
Maxamed Cumar Dage ayaa haddaba ka mid ah dhinaca Ogaadeen ragga dagaalkaa ka gabyey, wuxuuna tiriyey gabay sifayn, goodi iyo dhaadasho miidhan ah. Tahniyad iyo boggaadin ayuu u diray Reer Cali, Ciidagale iyo Arabna wuxuu jabkii soo gaadhay u raaciyey dhalleeco iyo bagga. Arab ayuu waliba si gaar ah hadalka ugu goday isagoo gundhiciisu yahay maxay kasoo dooneen gumaca Reer Cali. Wuxuu yidhi:
Warkii xalay Awaariyo ka yimid, aradka Gaaroodi
Iidoor galbeed iyo warkii, idhan ka soo duulay
Eraygii xaqiiqoow hadaad, alalad moodeen e
Ooftuu dhigay Ciida Gale, sidii ugaadheede
Siddii aaran geel oo dideey, ooda jabiyeene
Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane
Afkii Ina Warsame Baashe iyo, amarkii beenoow ye
Ayaan iyo ayaan buu, sanguhu daba ulaysnaaye
Oon baa ku daayimay kuwii, daba aasnaaye
Abshir dhaha Isaaq iilay oo, aarsay Reer Caliye
Aartaa sidii alifka iyo aaayad, ma u sheegay
Ma anafacay ilama adeeraday, waa u abaal gudiye
Inyar kalana waa iiladkii, uunka kala gaadhay
Irdaha Reer Mataan iyo Cabdoow, ururta reer Muummin
Siddii Orobadii Yurub haday eedi kala gaadhay
Midkood ilanka qaataba haddii, dirir la eegaayey
Edeb xumo waxaa u soo hormaray, ey lasoo diraye
Umalkii waxay kula dhaceen, adhi salaaxdiiye
Ido-maaladii baa go’iyo, uuskii Guulane e
Asad iyo ubad dhurwaa haddii, la isku aaheeyay
Waraabuhu afmeer iyo hadduu, idhan kasoo qaylyey
Wuxuu uubateeyaba markii, la isu soo ururay
Arihii madoobaa hadduu, uurka ka higooday
Orodka iyo boodababa hadduu, ayda kala jeexo
Onkod iyo siddii roob, loola amakaagye
Ma adkaysto adhi gaadka, oo aar ku duufsadaye
Goortuu intaa abasaxshaa, fiintu oloshaaye
Waxaa u aaraha lagu dilaa, uufanaha weer e
Araayaha maroodiga ninkii, agab usoo qaata
Ma anfaco atoor guuyo oo, soo agjoogsadaye
Gaaniga markuu ku ajaluu, ayaahiis bogane
Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale
Uubuu galaa inan gumeed, ururta laa caaye
Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe
Asxaan ma laha Alamaan hadduu, aaladii hale e
Aji iyo midgaba waa dilaa, uustar buuxsamaye
Waxaa ololoy uubadii Samane eegadii hore e
Aabig markay ula tageen, ururta Caynaanshe
Anshigay Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey
Waxaa ololay oobadii Samane eegadii hore e
Damal Aadan iyo ha is arkeen, owrta Reer Caliya
Ugaasyadu ha geelgeetamaan, amarka seegtaaye
Bal muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey?
Bood iyo Torre u make it seem as if u fought the entire makaahil sub clans, it was only a small jilib called Abrahaim that made u surrender.
Abraahiin iyo waxaa dagaalamay Habar Yoonis. Abraahiin ayaa ku gacansareeyey dirirtaa oo nimankii Isaaq libtii iyo qalabadii ka qaatay. Abraahiin dagaalku wuxuu ku ahaa kali oo iyagoo goloyo ah oo xataa Makaahiilka kale uusan ka ag dhawayn ayey, sida la wariyey, Habar Yoonis dharbaaxo xun ku dhufteen.
Maxamed Cumar ayaa warkii la gaadhsiiyey oo looga xogwaramay baqihii, diiftii iyo darxumuadii goobtii dagaalka ka dhacday. Gabaygan hoose ayuu dabadeed tiriyey isagoo Abraahiin ku boggaadinaya siday iyagoo kaligood ah uga adkaadeen Habar Yoonis, guusha tolkii usoo hoyatay ku dhaadanaya, Daarood dhammaantiina warka dagaalkaa gaadhsiinaya.
Rag hadaad dakano kala qabtaan, dil iyo qaad gaadhay
Waa lagu digtaa maalintay, xagashu daacdaaye
doollo iyo warkii Bari, waan ku diirsaday e
Waataan dabaaldagay markay, soo dawariyeen e
Farxad baan la duubnaa intuu, kheyrku soo dagaye
Iidoor duliga gaadhay waa, roob gu’u oo da’aye
La durduuray doog iyo siddii, daribta caanoode
Daarood Ismaaciil na waa, u doogsin galabeede
Afartaa digtaan odhan jiriyo digashadaydii dheh
Rag baa gabayga deelqaafiyee digasho wayeel dheh
Darib iyo dibaax iyo amaan diiran oo kulul dheh
Malab dibnaha gaadhiyo waxaan badanku diidayn dheh
Deeqii Ilaahay iyo raxmaad da’ay masaalkii dheh
Diin iyo quraan waxaan ahayn, hal ugu duug roon dheh
Damiin hadalka waa lagu dacshee, kaygu waa dahab dheh
Tixdaa daayey oo waan dabraye, dood kalaan celine
Gaaskii la soo dumay colkii, duman ka soo duulay
Dabka guutadii loo shidee, waayo lagu daalay
Dirka Sugule Caynaanshe Dalab, duuda Habar Yoonis
Dunji Habar Magaadlaba colkuu, soo diyaar gariyey
Wareegada haddii lagu dilay, halable daanteeda
Goortuu ducaystee la yidhi, daawo aan u yeelo
Rag ilaalo loo diray haddii, dibada loo saaray
Dal yaqaan la aaminay haddii, dowga lagu joojay
Degmo gibin ah beel dagan hadday, dooyaddii aragtay
Dib salaan hadday ugu cesheen, hadal la doonaayey
Dagdagsiinyo loo qabay haddii, duhur la yaanseeyay
Duqaydiyo ninkii culus haddii, laga dawaareeyay
Cirkoo dadan habaynkoo dam yidhi, curashadii deyrta
Duul nabad usoo galay hadduu, caddow dul gowriiray
Dildilaaca waaberi haddii, weerar lagu daacshay
Oo laga dareersaday wareeg, dagalkii loo ooday
Darbigii iyo Idiin iyo hadday, Daawad ololaysay
Waa darajadeedee haddii, dumarku booyaayey
Dun carbeed la mood yeey cilaan, rag isu dayn waaye
Dab ayeey yaa lahaayeey markii, daawo laga yeeshay
Dabka qiiqa waxaa loo dhax galay, ololkii Dooyeyse
Ogaadeenku wuu durugsanaa, daayinkuu yahaye
Dalka kama dhawayn reer Subeer, laysku dilayaaye
Makaahiilna uma duul dhanayn, doodankii shalay e
Danwadaage iyo reer Cabdaa, dayro ku ahaaye
Dango lama amaanee Xirsoow, dirir Abraahiine
Nasab bay ka doorteen inay, dib uga laabtaane
Daliilkiyo waxaa loo cuskaday, diinta xoogga lehe
Dunbuqiyo markii laysku riday, danane dhowr qaad ah
Waa tay dulaameen kuwii, dabada aasnaaye
Nimankii adhxaha daacsanaa, damac ku beenoowye
Waa tuu waraabuhu dibxaday, daribtii Iidoor e
Dibjiraha dhurwaagii ahaa, Diiqa ka ibaadye
Dugaagii cunaan ugu jeclaa, dowladdii bahale
Danbaa marisay deyr oodan iyo, xagarkii Doolood e
Dariiqii qorraa iyo arliga, looga dacareeye
Habar Yoonis Hawd inay degaan, uma daymoodaane
Bari uma dabjeedaan haddii, dayr xumaad dhaca e
Dabra kale inay soo ceshaan, diiday rubadiiye
Ku didsade duleedada raggii, daadsanaa shalay e
Ku dareersha furihii Danood, dilla horweynkeeda
Ha durduriso deerooy kobtii, doogu uu u yiilay
Iidoorku inuu soo didshaa, loo dan lee yahaye
Dalka gaamay doolada baxdaye, dili ka dheeraatay
Haradaan diraacdiyo gudhaynin, duraha jiilaalka
Mar haddaan la daan daaninayn, dacarta doogeeda
Oo dabin iyo laguu rogay, digadii Oodweyne
Dubaax weeye geeridu haddaan, damug nidhaahnaaye
Alleelahay bagaa laysu dilay, Daahiroow sabanka
Xidid loo daryeeliyo bagaa, darajo loo waayey
Dagaal aan qarsoonayn bagaa, loogu kala duugay
Bagaa Dir iyo Daaroodba, qiiqu uga duulay