Xassan Tarabi ( Garhajis)
Moderator: Moderators
Xassan Tarabi ( Garhajis)
This is 1 of my favourite poem praises dedicated to Garhajis by Abwaan Xassan Tarabi (Ciidagale) ( 1890-1950). AUN , and where the famous phrase comes from " saw cududda Habar Yoonis iyo Ciidagale maaha ".
Carada iyo cerbaha shiisha iyo Dhamal calooshiisa.
Cudbi koriye ceeriga Burraho cadayga Laasdhuure.
Cadaadley carfigaa Tuuyo iyo culayga Maygaagta
Casaha Sheekh caleenti Burco iyo cogalka Oodweyne.
Caglishiriye Ceeg iyo Togdheer harada Ceegaagta
Cayanabo cadaankii Taleex Cal iyo Buur Dhaabo
Halki iyo Ceerigaabiyo badiyo kuraha cawlcawlan
Cagaarweyne coodiga Wardheer Caado iyo faafan
Cosobkii biyeed iyo Gurracan Ceelqod iyo Baarta
Curcurrada Awaare iyo Deyr cawska Digaweyne
Cufka Aroor Calaydh iyo Balaadh Cawlal iyo Qaydar
Gaaroodi labadiisa cidhif Ciinle iyo Tuurta
Ceelkaa Hargaysa iyo Togaan cidii ka guuraynin
udubkaa cidhiidhiga u degey ma cidkalaad mooday
saw cududda Habar Yoonis iyo Ciidagale maaha
Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe
Wadaadkii cadceed iyo cadceed laga cabsoonaayay
Isago cartiisi qaba oon cidina taataaban
Qabiil kale ciyaar uma dhaceen culus hashiisiiye
Guutada camuuda ah kolki caasha loo geliyey
Gabagabaha ciirada markaad cadar xagaa mooday
Cara wiilasheedi kolkaan caynab ku eryaayay
Caamir hooyadii iyo kolkay Calaso ooyaysay
Waakii Caruusa ugu galay caydha barigiiye
Nimankii calqadihii ka riday ma cid kalaad mooday
Saw cududda Habar Yoonis iyo ciidagale maaha

Cafaw nooma galin reer Subeer waagi lays cunaye
Colaad iyo markii Geydh la dilay ciil la degi waaye
Cawadhalad kuwii sheegan jiray cuurka ba Xawaadle
Caroowgeyga gortay maqlaan wey ka cararaane
Kuwii webiga cidhifkaa ka maray coodan laga qaadye
Geeli canjiida iyo lahaa sumad yaro caana
Caroofiga dhagaha dheer wax badan soo cantoobsadaye
Caraale iyo jeeraar waxaan caydh dad ugu diiday
Codcodkii waxaan uga qubay iyo subagii ceegaagey
Carrow dheere iyo bay hayeen culuqi baalgoy e
Cali Rooble geeli badnaa looma soo celine
Cabda kala jid baxay barqabkii cunaha weynaaye
Cifan weydey beeshii sidii Ciise loo miraye
Caanaha ma laasimo ninkaan culus ka qaadnaaye
Meeshiyo colaadii Dirqaan caarid ka xigaaye
Cadawgaanu kaga deyranahay Curubta Reer Shiikhe
Caynkaa hadaanaan ahayn laysma caasiyo'e
Halka iyo caws guduudkii Jigjiga lagama ceesheene
Kolka beesha Cayn loo raraa Cadan u yaacdaane
Cidlaa kaga tagtaan reerahoon cir u irmaanayne
Horweyntiinan caydigu wadaa ma cayilaadeene
Cayuuntiina waxa boobi laa Caliyo Haaruune
Carandhiriye reer Fiqi Cigaal kuma ciseeyeene
Cishadii dhaweytona raggii caawiyaad tahaye
Caynkaana waan kugu ogahay ee calale yeelkaaga

Cirroolaha gaboobaa nin ragi ka cilmi qaataaye
Calisalaan Cabdiyo Daahir Magan Carab la sheekayso
Cishadii la gubay qayradii cobosha yaa laayey
Caarshiyo raggay Dawladii ciir ka qubi weydey
Anagaa ka sii ciidan badan cidi ma kaa yeeli
Waraabaa ciyaayee ka soo carara aaboooyin
Caruurtaa sidaa lagu sabaa ka caqli weyn uunku
Haddii ramad candhada jiidayiyo cuud la kala qaado
Coomaadda duuliyo haddii cadal la kooreeyo
Cadaw dile ayaa nagula mida curaddo laayaana
Miyaanaan ka ciilbixin kolkuu rag isu caal waayey
Caska waaga yaanaan rasaas caadka kaga yeelin
Halkiyo Cawda laasaha Cillaan caabud iyo kaafir
Miyaanaan sidii awr cayina keenaduu celinin
Ma cidbaa ku nool dunida waataan cankaa dhigaye

Cishada Iidda laysugu yimaad caadada islaamka
Ama meel caruus laga cammiray laga cayaaraayo
Ama Caynab lagu soo shiriyo ceydbuliyo maydal
Carfi iyo xarrago uunka yaa nagu cillaynaaya
inaan calanka dheer nahay ayaa caawa ka hadlaaya
Abaar caratay cuun lagu dibjirey meel cidliyo soola
Caraafiidka iyo oonka iyo caatadiyo daalka
Dhallinyaro cad duban qaadata iyo guluf carraabaaya
Cimrigii nimaan arag miyaa ii cargaagtamaya
Cabdallahan yaryari xoolahay celin yaqaaniine
Casar weerar iyo mayagaa caydh is garanaaya
Cabbaniyo Makaahiil miyaa cid iska riixaaya
Ma Cismaannadaa kula batay iyo Caliyo reer looge
Cusbadii Jaboutiyo kuwii cawda guranaayey
Dadku waa is wada caayayaa ee Cumar ma noo faanay
Ma cuwaaflahaan qarinayuu caawa ii tiriyey
Cuqaal talisa Boqor caaddila iyo culimo miisaan leh
Ilaahi Carshiga Nuuriyoow kaaga caban mayno
Caddaankaanu wada loollanaa madaw cisaynmayno

- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
wadaadki cadceed iyo cadceed laga cabsoonaye . Do u know who he is refering 2
Xassan tarabi one of the greatest Isaaq poets
This guy could rhyme Like maxa ka galay
This gabay starts from casri jaahiligii wuxu uu libin sheeganaya from The guba time to geel dhac time to ceelki buulaale time To ina cabdullaxassan time , and this little part Sacadmuse Halkaasuu noo qariyey He is talking to Cumar australi oo isna abwaan khatar ah, Cismaanada reer looge and makahil are the reer hawd and he is saying are you guys the majority in the hawd mise waad isla weynateen
Xassan tarabi one of the greatest Isaaq poets
This guy could rhyme Like maxa ka galay
Cabbaniyo Makaahiil miyaa cid iska riixaaya
Ma Cismaannadaa kula batay iyo Caliyo reer looge
Cusbadii Jaboutiyo kuwii cawda guranaayey
Dadku waa is wada caayayaa ee Cumar ma noo faanay
Ma cuwaaflahaan qarinayuu caawa ii tiriyey
This gabay starts from casri jaahiligii wuxu uu libin sheeganaya from The guba time to geel dhac time to ceelki buulaale time To ina cabdullaxassan time , and this little part Sacadmuse Halkaasuu noo qariyey He is talking to Cumar australi oo isna abwaan khatar ah, Cismaanada reer looge and makahil are the reer hawd and he is saying are you guys the majority in the hawd mise waad isla weynateen
Last edited by The_Emperior5 on Wed Mar 17, 2010 12:03 pm, edited 1 time in total.
- kaliil
- SomaliNet Super

- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
The_Emperior5 wrote:wadaadki cadceed iyo cadceed laga cabsoonaye . Do u know who he is refering 2![]()
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan weeye.Garxajiskaa jebiyey Mad Mullah
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
kaliil wrote:The_Emperior5 wrote:wadaadki cadceed iyo cadceed laga cabsoonaye . Do u know who he is refering 2![]()
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan weeye.Garxajiskaa jebiyey Mad Mullah
Haa ina cabdulla xassan bu u jeeda waan ogahay
- hargaysaay
- SomaliNet Super

- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
5000 cidagale and habar yonis horse men aya daraawiish jebiyay. led by xaaji warsame buraale
niyaw hy weli way sii taagantahay, laakiin ciidagalihii waagaas iyo kuwa maanta aad bay u kala duwanyihiin walaahi
faanku ma fiicna laakiin garxajis wa rageedii walaahi mad mulah siday u eryanayeen buu IIMAY gaadhay
niyaw hy weli way sii taagantahay, laakiin ciidagalihii waagaas iyo kuwa maanta aad bay u kala duwanyihiin walaahi
faanku ma fiicna laakiin garxajis wa rageedii walaahi mad mulah siday u eryanayeen buu IIMAY gaadhay
- hargaysaay
- SomaliNet Super

- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
oo emperor haduu cabaniyo makaahiil iyo cismaanada sheegay reer samatar iyo axmed cabdala waa reer hawde muxuu u sheegi waayey tolow 
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
I also like Qaasiim AUNS poems like this 1.
Axmed ismail Dirie "QAASIM" (HY), 1974.
Gabaygan wuxuu abwaanku ka tiriyey markii Afweyne ku dhawaaqay wuxuu ugu yeedhay sinnaanta ragga iyo haweenka.
1. Eeylo iyo Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene
2. Seetada ha ii gaabiyeen sabab la'aaneede
3. Seeddiyo boqnaha hay jareen sab iyo laangaabe
4. Sanqadhyari ha ii dilo Tumaal siiqya looshadaye
5. Sanka hayga mudo inangumeed loo sarrayn jiraye
6. Sawaab iyo Midgaan Guulwadii ha i sudhnaadeene
7. Hadba hay saloosheen sidii geedka saarka ahe
8. Ilaahbaa sidaa noo gartee ha i sadqeeyeene
9. Anagiyo Saleebaanadii waa na sidataaye
10. Seeftii Abgaal bay agtaal saawirta ahayde
11. Habar Gidir sinsaarada ku timi sigay Ugaaskiiye
12. Sixilluu kacaankani u galay Saca raggiisiiye
13. Warsangeli Suldaan iyo ma jiro Boqor la sooraaye
14. Saamee dhammaantii Isaaq salaw colaadeede
15. Soomaalidii waxa ka nool saaka madaxgaabe
16. Wax Siyaasaddii loo egmadey silic ku nooshiiye
17. Markii talada habar saarleh iyo sebiyo lo doortay
18. Ayay sayn-caddaa iyo waxgarad sibiq dhaqaaqeene
19. Dhulkan Suuradii lagu beddelay socodna dhaameelay
20. Waa wada socdaaleen raggii soocanka ahaaye
21. Saadada cadhootee midgaha laga sarraysiiyey
22. Waa sixirradii Bucurbacayr sananka muuqdaaye
23. Inta ay sidaa tahay nin gobi soomman ka ahaaye
24. Qaansaleydu haw sacbbiyeen Siigga qalataaye
25. Naagaha surwaalkali mashxarad ha u safnaadeene
26. Single iyo waxaan dhalad ahayn siidhi haw tumoe
27. Sabaalada ha moodeen in loo sahanshey meel roone
28. Saadaaladaa lagu gartaa sebenka caal waa'e
29. Waa waxa abaar nagu salliday soof ma reebta ahe
30. Saddexguuro waa waxa na baday sadhiyo daacuune
31. Samadii daruur laguma arag Seermaweydadae
32. So'dii ceelka waa waxa biyuhu uga sal guureene
33. Adduunyadu sidaa kuma gudhoo subaxba waa cayne
34. Nin kastoo sallaan dheer u baxa siibashaa xigiye
35. Suuldaaro waw halis ninkay rag isa seegeene
36. Sirqabahana taariikhdu way sahamindoontaaye
37. Maantana Siciidow waqtigu saamaxaad malehe
38. Moorada salkeediyo xalaan sugay malluugtiiye
39. Sufurtaa madow ee dayaxa saaran baan garanne
40. Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye
41. Siigada dhacaysaa ragbay sabibi doontaaye
42. Ilaahay sidaan ka arki jirey way ku socotaaye
43. Duulkii sedkoodii dhammaa saancadka lahaaye
44. Sanbabada gantaalaha ka mudi saadanbay garane
45. Waa nayla kala soocayaa subax an dheerayne
46. Ninki cadho la sooyaamayow sabirka maad dhowrtid

Ciidagales ragedii leaders of isaaqhargaysaay wrote:5000 cidagale and habar yonis horse men aya daraawiish jebiyay. led by xaaji warsame buraale
niyaw hy weli way sii taagantahay, laakiin ciidagalihii waagaas iyo kuwa maanta aad bay u kala duwanyihiin walaahi
faanku ma fiicna laakiin garxajis wa rageedii walaahi mad mulah siday u eryanayeen buu IIMAY gaadhay
- HooBariiska
- SomaliNet Super

- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
I heard of this gabay. nice weeye.
Laakin i think the greatest poet was Salaan Carrabay. Followed my Gamuute.
Laakin i think the greatest poet was Salaan Carrabay. Followed my Gamuute.
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
Timocase, there was another great poem which included all sub clans of Garhajis but i can't seem to remember who the poet was.
- HooBariiska
- SomaliNet Super

- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
Siciid85 wrote:Timocase, there was another great poem which included all sub clans of Garhajis but i can't seem to remember who the poet was.
Loodh?
- HooBariiska
- SomaliNet Super

- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
Does any body knw xuseen taraabi, the singer of that song indha deeraleey
he has this song i once heard, its goes like.....
madax muuqda iyo ...miso? degay..maaweeliyaa
magacaygiiban misanuuniyaa
maandhow qadhaadh .....kay mukharatay...muulsooliyaa?
Any body heesta maqlay? ama haya/
he has this song i once heard, its goes like.....
madax muuqda iyo ...miso? degay..maaweeliyaa
magacaygiiban misanuuniyaa
maandhow qadhaadh .....kay mukharatay...muulsooliyaa?
Any body heesta maqlay? ama haya/
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
Timo_Case wrote:Siciid85 wrote:Timocase, there was another great poem which included all sub clans of Garhajis but i can't seem to remember who the poet was.
Loodh?![]()
![]()
I think it was Yawle but not sure.
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
Timo_Case wrote:Does any body knw xuseen taraabi, the singer of that song indha deeraleey
he has this song i once heard, its goes like.....
madax muuqda iyo ...miso? degay..maaweeliyaa
magacaygiiban misanuuniyaa
maandhow qadhaadh .....kay mukharatay...muulsooliyaa?
Any body heesta maqlay? ama haya/
Was xussen tarabi the brother of hassan tarabi AUN?
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Xassan Tarabi ( Garhajis)
I liked qaasims gabay about the gudubuurs
Now that was one good gabay i can recite that gabay like its quran 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 2910 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 30 Replies
- 2523 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 2 Replies
- 793 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 403 Views
-
Last post by noer
-
- 0 Replies
- 405 Views
-
Last post by TheLoFather
-
- 89 Replies
- 5322 Views
-
Last post by AwRastaale
-
- 13 Replies
- 972 Views
-
Last post by Advo
-
- 13 Replies
- 120 Views
-
Last post by Advo
-
- 27 Replies
- 2682 Views
-
Last post by AwRastaale