The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
Moderator: Moderators
- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5296
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
Madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud oo dhowaan soo dhisay xukuumaddiisii u horraysay, ayaa waxa uu magacaabay xil dastuuri ah balse inta badan aan hore looga isticmaali jirin dalka, waxaanay loo magacaaba Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ahaa guddoomiyaha shirkadda SOMTEL oo hoos tagta shirkadda kale ee Dahab-Shiil, isagoo horena u soo noqday guddoomiye ku xigeenka guddigii doorashooyinka ee la baabiyay oo uu baaba’ooda ka hor iska casilay.
Xilkan oo cusaybkiisu gaadhsiisan yahay heer xattaa la waayey ereygii Somaliland lagu macnayn lahaa waa, ‘Chief of cabinet’ in kasta oo ay dad badani ereygan ku macneeyeen agaasimaha madaxtooyada, haddana waxa xiiso leh in talefishanka qaranka SLNTV oo warkan baahiyey markii uu isticmaalay agaasimaha madaxtooyada kadib dib laga saxay, oo qoraal dib u sixid ah oo hoosta lagu soo qoray lagu sheegay in xilka uu madaxweynuhu magacaabay yahay Chief of cabinet.
Dabcan sida aad qoraalkan ka dheehan doontana dib u sixiddaas talefishanku waxa ay ahayd mid meesheedii taalla maadaama oo anaay sinaba isugu mid ahayn agaasimaha madaxtooyada iyo booskan Chief of cabinet. Haddaba wargeysga Geeska Afrika oo la socda in dad badani aanay fahmin xilkan cusub iyo waajibaadkiisa ayaa baadhitaan cilmiya ku sameeyey, macnihiisa, waajibaadkiisa iyo dalalka laga isticmaalo.
Chief of Cabinet waa uu ka darajo sarreeyaa agaasimaha madaxtooyada, ereyga Chief of cabinet haddii aynu soomaali ku sharraxno waxa uu noqonaysaa, ugu horreyn ereyga Chief luuqadda ingiriisida ah macnihiisu waxa uu noqonayaa, qofka ama xubinta ugu muhiimsan, qofka masuulka guud ka ah shay, hoggaamiye qabiil, guddoomiye ama qofka koox ama dad shaqo isugu yimi ugu sarreeya.
Cabinet- macnaheedu waa golaha wasiirrada.
Marka aynu labada erey isku darno, Chief of cabinet- macnaheedu waa horjoogaha, maamulaha ama sida ugu quruxda badan guddoomiyaha golaha wasiirrada.
Marka uu macnuhu sidaa yahay, marka koowaadba waxa niyadda qof kasta ku soo dhacaysa in jagadani tahay mid aad u sarraysa, maadaama oo ay tahay jago ka sarraysa golaha wasiirrada oo dhan, cidda keliya ee dhinaca xukuumadda ka sarreeyaana uu yahay madaxweynaha qaranka. Waxa suurto gal ah in qofku is weydiiyo ma tahay raysalwasaare oo kale, jawaabtuna waa HAA iyo MAYA, waa haa oo waa qofka maamulaya uguna sarreeya golaha wasiirrada, laakiin maya ayaa ay noqonaysaa marka aynu eegno in aanay awoodihii raysalwasaare oo uu ka mid yahay soo dhisidda xukuumaddu u dhamaystirnayn. Isla markaana aanu si toos ah u maamulin golaha wasiirrada.
Erey ahaan Chief of cabinet inta badan lagama isticmaalo dunida, laakiin waxa jira xilal erey ahaan ka magac duwan oo macna ahaan aan ka fogeyn oo dalal badan isticmaalaan.
Dalalka booskan Chief of Cabinet uu ka jiro marka aynu eegno waxa aynu tusaale u soo qaadan karaynaa
Dalka Djibouti iyo dalka Japan:
Djibouti:
Dalka Djibouti oo ah dal da’ ahaan aan weynayn, waxa hadda maamula madaxweynihii labaad ee soo mara dalkaas tan iyo markii u xorriyadda qaatay sannadkii 1977-kii, kaas oo ah Md. Ismaaciil Cumar Geele. Madaxweynihii hore ee dalka, ahaana madaxweynihii koowaad Mr. Xasan Guuleed Abti doon waxa uu nidaamkiisa maamul ku soo daray, xilka ah chief of the cabinet, oo dalka Jabuuti looga yaqaannay guddoomiyaha golaha xukuumadda, waxaana jagadaa ku magacawnaa madaxweynaha hadda ee dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. In kasta oo uu Ismaaciil dawladda Abtidoon ka hayey xil kale haddana marka aynu ku koobnaano xilkan aynu hadda ka hadlayno, darajada chief of the cabinet waxa ay Ismaaciil Cumar Geelleh ka dhigtay masuul awood badan, oo waqti dheer gaar ahaan muddooyinkii dambe ee ka horreeyey madaxweynenimadiisa isagu awoodda dalka ee siyaasiga ah daaha dabadiisa ka waday. Aakhirkiina waxa uu Geelle noqday ninka siyaasiyan ugu cuddoonaaday dalka Jabuuti ee xilkii madaxweynenimo uu uga baydhay madaxweyne abti doon.
Japan:
Japan waxa ka jira booska Chief Cabinet Secretary waxa aanu hoos yimaadda raysalwasaaraha. Waa boos darajo ahaan u dhigma heer wasiir, oo aynu ku macnayn karno wasiirka qaranka, shaqadiisu waa hagista iyo si dadban u maamulista golaha wasiirrada, waajibaadkiisa waxa ka mid ah in uu madax ka yahay, warfaafinta golaha wasiirrada oo macnaheedu yahay in uu noqon karo afhayeenka golaha wasiirrada, waxa ka mid ah in in uu daraasaad iyo cilmi baadhis joogto ah ku sameeyo xaaladaha guud ahaan dalka iyo gaar ahaan dhinaca siyaasadda si wixii muhiim ah uu ugu soo daro ajandayaasha shirarka golaha wasiirrada, oo isagu uu soo diyaariyo ajandayaasha shirkooda. Jagadan waxa nidaamka dawladnimo ee dalka Japan lagu soo kordhiyey sannadkii 1947-kii kadib markii wax ka beddel lagu sameeyey dastuurka dalka Japan, darajada heer wasiirna waxa loo dallacsiiyey sannadkii 1966-kii.
Jagadan Chief cabinet waxa dalka Japan looga tix geliyaa inay tahay biriishka loo maro ama bar bilowga raysalwasaarenimada. Waxa ay is weydiin leh maadaama oo dalka Japan nidaam ahaan yahay boqortooyo, cidda dhinaca siyaasadda ugu sarraysaana tahay raysalwasaaraha, marka aynu barbar dhigno dalka Somaliland oo cidda ugu sarraysaa ay tahay madaxweynaha jagadan sida Japan oo kale ma noqon kartaa jaran-jarrada lagu gaadho madaxweynenimada iyada oo weliba aynu niyadda ku hayno in dalka Djibouti masuulkii xilkan chief of the cabinet soo qabtay uu ku dambeeyey madaxweynenimo. Waxa in hoosta laga xarriiqo mudan in rag badan oo dalka Japan ka soo qabtay xilka Chief of cabinet ayaa aakhirkii u dallacay darajada raysalwasaarenimo. Waa jago aynu ku tilmaami karno dugsi waxbarasho oo uu ka soo aflaxo ninka la doonayo in uu u tababarto hoggaaminta dal, waxaana uu ka dhisaa dhinaca khibradda iyo dhinaca xog ogaalnimada.
Dalalka kale ee dunida badankoodu waxa ay isticmaalaan ereyga Chief of Staff. Oo macnaheedu yahay guddoomiyaha ama madaxa shaqaalaha. Ereygan iyo ka aynu hore uga soo hadalnay kelmado ahaan iyo dhinaca fasiraaddaba farqi yar ayaa u dhaxeeya, laakiin xagga waajibaadka shaqo waa isku mid. Chief of Staff, waa hoggaamiyaha urur ama hay’ad, waa masuul xidhiidhiya, maamulka, kana awood badan shaqaale isugu yimi hay’ad, urur ama mu’asassad kale.
Waa gacan yaraha madaxweynaha ama raysalwasaaraha, hadba kan uu ka hoos shaqaynayo ee soo dhisay golaha xukuumadda. Marka aynu eegno waajibaadka chief of staff aad ayey u badan yihiin, waxa uu si dadban oo daaha dabadiisa ah uga qayb qaataa xallinta mashaakilaadka madaxweynaha soo waajaha, waxa uu dhex dhexaadiye ka noqdaa murannada siyaasiga ah, waxa aanu sii lafa guraa awaamirta iyo tilmaamaha ku waajahan golaha xukuumadda inta aan la soo gaadhsiin wasiirrada, waa la taliye xoog badan oo anau la’aantii madaxweynuhu go’aan gaadhi karin, in badanna ku camal falo soo jeedintiisa.
Haddii aynu tusaale u soo qaadanno dalka Maraykanka oo la sheego in dastuurka dalkaasi uu saambal u ahaa dastuurkeena. Waxa xilkan looga yaqaanna White House Chief of Staff: dalka Maraykanka Chief Staff-ku waa xubinta ugu sarraysa xafiiska madaxweynaha, waa gacanyaraha koowaad ee madaxweynaha, waxa aanu dalka maraykanka ka yahay qofka labaad ee ugu awoodda badan xukuumadda dalkaas, taas macnaheedu waa in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo keliya uu ka dambeeyo

Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
The new chief of cabinet will end up as a president

Darajada chief of the cabinet waxa ay Ismaaciil Cumar Geelleh ka dhigtay masuul awood badan, oo waqti dheer gaar ahaan muddooyinkii dambe ee ka horreeyey madaxweynenimadiisa isagu awoodda dalka ee siyaasiga ah daaha dabadiisa ka waday. Aakhirkiina waxa uu Geelle noqday ninka siyaasiyan ugu cuddoonaaday dalka Jabuuti ee xilkii madaxweynenimo uu uga baydhay madaxweyne abti doon.
- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5296
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
Xilka ah chief of the cabinet, oo dalka Jabuuti looga yaqaannay guddoomiyaha golaha xukuumadda
Jagadan Chief cabinet waxa dalka Japan looga tix geliyaa inay tahay biriishka loo maro ama bar bilowga raysalwasaarenimada. Waxa ay is weydiin leh maadaama oo dalka Japan nidaam ahaan yahay boqortooyo, cidda dhinaca siyaasadda ugu sarraysaana tahay raysalwasaaraha,
- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5296
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
[/b]marka aynu barbar dhigno dalka Somaliland oo cidda ugu sarraysaa ay tahay madaxweynaha jagadan sida Japan oo kale ma noqon kartaa jaran-jarrada lagu gaadho madaxweynenimada iyada oo weliba aynu niyadda ku hayno in dalka Djibouti masuulkii xilkan chief of the cabinet soo qabtay uu ku dambeeyey madaxweynenimo
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
so let me get this straight he used to work for djibouti?
- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5296
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
The_Emperior5 wrote:so let me get this straight he used to work for djibouti?
Waar miyaad waalatay si fiican u akhri. Waxa lagu leeyahay The new cheif of cabinet waxa ka sareeya oo kaliya madaxweynaha oo kaliya. Waxaanu ku danbeeyaa madaxweyne sidii Ismaaciil Cumar Geelle waana biriish loo maro madaxtinimada.
So after Silanyo the new Somaliland president will be Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,

Waa dhaxalka madaxweynaha.
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
Mudane Xirsi Cali will be the Chairman for all the Ministers in This Goverment, his position is one of the most POwerfull positions in Somaliland, any minister that missbehaves, he will report it to the President and the President will take a Drastic Action...
- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5296
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
LiQaaye_TDH wrote:Mudane Xirsi Cali will be the Chairman for all the Ministers in This Goverment, his position is one of the most POwerfull positions in Somaliland, any minister that missbehaves, he will report it to the President and the President will take a Drastic Action...
Waar Liqaaye Mud Xirsi power-ka ayuu ka dhaxlaya madaxweynaha marku wakhtigiisu dhamaado after five years isha allah like the president geelle did earlier period. Ileen isba wuxuu ahaa cheif of cabinet sidaasaanu kursiga ku yimi

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
WalleNorthwind wrote:LiQaaye_TDH wrote:Mudane Xirsi Cali will be the Chairman for all the Ministers in This Goverment, his position is one of the most POwerfull positions in Somaliland, any minister that missbehaves, he will report it to the President and the President will take a Drastic Action...
Waar Liqaaye Mud Xirsi power-ka ayuu ka dhaxlaya madaxweynaha marku wakhtigiisu dhamaado after five years isha allah like the president geelle did earlier period. Ileen isba wuxuu ahaa cheif of cabinet sidaasaanu kursiga ku yimi![]()

- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
shit how come i miss this thread

- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5296
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
LiQaaye_TDH wrote:WalleNorthwind wrote:LiQaaye_TDH wrote:Mudane Xirsi Cali will be the Chairman for all the Ministers in This Goverment, his position is one of the most POwerfull positions in Somaliland, any minister that missbehaves, he will report it to the President and the President will take a Drastic Action...
Waar Liqaaye Mud Xirsi power-ka ayuu ka dhaxlaya madaxweynaha marku wakhtigiisu dhamaado after five years isha allah like the president geelle did earlier period. Ileen isba wuxuu ahaa cheif of cabinet sidaasaanu kursiga ku yimi![]()
![]()
![]()
![]()
Waryaarahenn Nimanki Axmed Faarax wallahi Kaarto Kale ayay Wadaan
(BA Support)

Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
Rightwing wrote:shit how come i miss this thread![]()
![]()
![]()
Rightwing,
ma garanaysa ninkaa axmed farax iska dhigaya lol nacalaa ku yaal anaga gun korinay
- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
guryasame wrote:Rightwing wrote:shit how come i miss this thread![]()
![]()
![]()
Rightwing,
ma garanaysa ninkaa axmed farax iska dhigaya lol nacalaa ku yaal anaga gun korinay
Maya si fiican uma aqaani. Warka isii inaadeer

- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5296
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet
Guryasame:
Ka Axmed Faarax iska dhigayaa waa kee?
Ka Axmed Faarax iska dhigayaa waa kee?
- Cali_Gaab
- SomaliNet Super
- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: The power of the new Somaliland Cheif of cabinet

habar Jeclo = the new kacaan

northwind, adaa lagu jeedaa sxb.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 692 Views
-
Last post by sahal80
-
- 0 Replies
- 402 Views
-
Last post by BuuloXubeey
-
- 150 Replies
- 5365 Views
-
Last post by RuralMan08
-
- 32 Replies
- 4321 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 25 Replies
- 2089 Views
-
Last post by SLJOOFAY
-
- 31 Replies
- 1789 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 870 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 42 Replies
- 5856 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 11 Replies
- 725 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 1 Replies
- 708 Views
-
Last post by FBISOMALIA