Reps from China, United States, Europe, and UN were there, as was Puntland's leadership, Galmudug's leadership, and TFG reps. Faroole has backing in and outside of Somalia, it is only reasonable to let Somalis host their own peace & reconciliation conference.
Shirka wadatashiga Soomaalida ee ka socda magaalada Nairobi duleedkeeda ayaa maanta galay wajigii labaad ayadoo halkaasi khudbadihii laga akhriyey ay dowlada Puntland ku baaqday in shirweyne Soomaaliyeed ay diyaar u tahay inay ku marti geliso dhamaan dhinacyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo khudbad dheer ka akhriyey shirka ayaa ka hadlay markii hore dhismihii Puntland iyo sidii dhismaha maamulkaasi ku yimid.
Dr.Faroole oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in Dowlada Puntland ku dadaashay inay sameyso nabadeyn beelaha ku dhaqan deegaanadaas isla markaana ku guuleysatay.
Farole ayaa sheegay in Puntland shacabkeeda u istaageen inay maamul sameystaan si ay uga badbaadaan dhibaatadii dalka Soomaaliya ka dhacday dagaalkii sokeeye kadib, asagoo sheegay in Shacabka Puntland muddo 8 sano ah sugayeen walaalahood koonfur inay nabad iyo wadahadal wada galaan.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha Puntland in nidaamka laga dhisay Puntland iyo doorashooyinkii ka dhacay Deegaanada Puntland ay yihiin horumar kudayasho muddan isla markaana tusaale u noqon kara gobalada kale ee dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa khudbadiisa kusoo qaaday dhibaatada hada ka jirta dalka Soomaaliya asagoo si gaar ah Beesha Caalamka iyo Soomaalidaba ugu baaqay inay mucaawino la gaaraan dadka ku tabaaleysan Abaaraha saameeyey inta badan dalka Soomaaliya.
Maqnaanshaha Madaxda DFKMG
Madaxweynaha Puntland ayaa bilowga khudbadiisa uga hadlay in shirka ay ka maqnaayeen Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha DFKMG, asagoo taasi ku tilmaamay nasiib xumo iyo fursad ay dhumiyeen, wuxuuna yiri;
“….ka maqnaanshahooda waxay markale muujineysaa sida mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka Kumeelgaarka ay Caqabad ugu yihiin Nabad ka dhalata dalka Soomaaliya….” Ayuu yiri Dr.Faroole oo dhaliil kulul dusha uga riday Madaxda sare ee DFKMG.
Nidaamka Federaalka
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in habka kaliya ee Soomaaliya kusii midoobi karto ay tahay nidaamka Federaalka, asagoo xusay in nidaamkaasi uu yahay mid soo celin kara midnimadii dhuntay iyo waliba madax banaanida hoose ee shacabka Soomaaliyeed.
Puntland mar walba diyaar bay u ahayd inay ka qeyb qaadato Soomaaliya midnimadeeda isla markaana federaalka lagu dhaqmo, ayuu yiri Madaxweyne Faroole.
Khatarta Soomaaliya
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dalka Soomaaliya khatarka iyo cadowga ugu weyn ee halista ku ah uusan dibada uga iman balse isla gudaha Soomaaliya ay kasoo dhexbaxeen kooxo ka faa’iideysanaya dagaalada iyo burburka uu dalka galay, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la helo dowlad Awoodleh oo u gurmata shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xeryaha Qaxootiga iyo kuwa kale ee baro kacay oo ku dhimanaya caalamka ayagoo Tahriib ah.
Isbedal lagu Sameeyo DFKMG
Puntland ayaa soo jeedisay in isbedal muuqda lagu sameeyo DFKMG ayadoo laga bilaabayo Baarlamaanka DFKMG.
1- Puntland ayaa dooneysa in Baarlamaanka DFKMG laga yareeyo tirada ah 550, isla markaana laga dhigo tiro kooban oo lagu soo xulay kartidooda.
2- Puntland waxay diiday in nidaamka 4.5 lagusii dhaqo dalka Soomaaliya nidaamkaasi oo ay ku tilmaameen mid aan cadaalad ahayn isla markaana dhibaato badan dhaxalsiiyey Soomaalida.
3- Puntland waxay ku baaqday Shirweyne Soomaaliyeed in la isugu yimaado gudaha Puntland taasi oo ay sheegtay Puntland inay ayadu marti gelineyso, Si ay Soomaalida dhexdooda uga wada xaajoodaan marxalada iyo mustaqbalka Wadanka Somaliya.
Gebagebadii khudbada Madaxweynaha Puntland ayuu sheegay in dhismaha Dowlad Tayo leh oo Soomaaliyeed ay tahay lama huraan. Wuxuuna raaciyey in Puntland ay tusaale u tahay dhismo nidaam iyo kala daneyn Dowlad Federaal ah oo dimuquraadi ah oo noqota mid dib u hanata kaalintii ay ku lahayd Caalamka.
(Halkan ka akhriso Khudbadii Madaxweynaha Puntland oo English ku qoran)
Ahmed Musse
Horseed Media