
BELED XAAWO - Banaanbax looga soo horjeedo derbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka Soomaaliya la wadaagto ayaa waxay ka socdaan tan iyo shalay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.
Idiris Aadan Nuur oo ah nabadoon degan Baled-Xaawo ayaa sheegay in dibadbaxa uu billowdey kadib markii ciidanka Kenya gudaha magaalada ka billaabeen calaamadeynta dhulka laga dhisayo derbiga.
Dadka Shacabka ah ayaa isagu soo baxay goobaha ay Ciidamada Kenya soo galeen ee ka socda Dhul Calaamadeynta, waxaana wararku ay sheegayaan in uu socda iska hor-imaad u dhaxeeya labada dhinac.
Dibadbaxayaasha ayaa dhagxaan ku tuuray ciidamada Kenya, oo iyaguna dhankooda rasaas kusoo jawaabey, taasi oo dhowr qof ay ku dhaawacmeen, sida qof Goobjooge ah uu u sheegay Garowe Online.
Mas'uuliyiinta gobolka iyo kan degmada wali kama aysan hadlin dibadbaxayada iyo dhul-boobka ciidamada Kenya ay kawadaan xuduuda Soomaaliya.
Kenya ayaa wado mashruuc ay derbi dheer uga dhisayso xadka ay lawadaagto Soomaaliya, si ay uga hortagto Weerarada Al Shabaab ay ka fulinayso Gudaha dalkeeda.
GAROWE ONLINE

Talk about misplaced priorities. They rather cry about some mentally retarded guy who is unwanted in the Horn and too scared to go to his own relatives in his colonised region than defend their useless region which is split between three nations.


ng the border