Logically i can't say hiiraan is right and that is wrong from a clanbackground but so far every thing shows that while hiiraan efforts are locally and officially concentrating on the elections some are trying to confuse them!
The other point they are not worry about hiiraan, they are only worry for the govt, a sign of hiiraan nationalism
Madaxweyne Hasan Shiikh hadii uu ka dhabeyn waayo sida ay hada nagu soo gaarayaan wararka inta ay goori goor tahay waxaa imaan doona xili uusan waxbo ka qaban karin wasiirka arimaha gudaha iyo kan madaxtooyada oo hada la sheegayo in ay meel fiican u mareyso aruursiga hanti malaayiin dolar ah oo ay mustaqbalka ku maamulaan ururka siyaasadeeduu madaxweynaha Soomaaliya gudoomiyaha u yahay.
Dabcan wasiirka arimaha gudaha xitaa hadii xilka laga qaado mudo Soomaali badan wey xasuusan doonaan maamul xumidiisa laakinse waxuu intaan ku soo gaaray madaxweyne difaacayo siyaasad xumudiisa oo umada hortooda ku hayey mudo sanad ah iyo ka badan.
Siyaasadaha wasaarada arimaga gudaha ay ku shaqeyso waxey xitaa meel ka dhac ku tahay baarlamaanka Soomaaliya waayo kumeel gaarkii waa laga baxay wasiirka caasimadii Soomaaliya sidaad aragteen u bahdilay oo shirkii Kenya geeyey si uu beesha caalamka oo la doonayey in Kenya laga soo raro xafiisyada ay ku leeyahiin ugu tagay meeshii ay joogeen si uu aduunyada u tusiyo in aysan amaan aheyn Soomaaliya wali.
Ma moodaa in siyaasadahan Soomaali ka sokow loogu talo falay inba hanaanka dowladnimo la doonayo in meesha laga saaro isagoo wasiirka arimaha gudaha ku xumeynayo madaxweynaha Soomaaliya?
HS:-Inkasta oo madaxweynaha Soomaaliya doonayo inuu uu mar uun arko Soomaaliya oo nabadah si uu taariikh uga tago hadane waxaa dhinaca kale jiray qaladaad muuqda oo siyaasadeed oo ka imaanayey shaqsiyaad uusan marnaba ku faraxsaneyn r/wasaare Saacid oo ka mid ah golaha wasiirada xukumada hada jirta.
Sida aanu ku heleyno warar sugan waxaa si lama filaan ah u fashilmay shirkii labada maalmood ka socday Kenya kaasi oo sida warar kala lagu helayo uu fashilkiisa yimid kedib markii ninkii madaxda ka ahaa CRD uu fadeexad xoogan kala kulnay shirkaas dad telefonkiisa waceyna uu ka qaban waayey iyadoo ay wararka qaarkood sheegayaan in uu arintaas iskaka gaabsaday walow loo maleynayo in ay dowlada la soo xariirtay.
Waxaa sidoo kale fashilka soo dedejiyey shirkii uu maalintii shaley aheyd ku qabtay gudaha wadanka madaxa maamulka Hiiraan oo shirkiisa jaraa'id ku soo aadiyey waqti muhiim ahaa kedib markii dadkii ka soo qeybgalay shirka ee cadaanka ahaa loo sheegay in ay maamulka la dhisayo ku jiraan reer Hiiraan oo uu masuulkii madaxda ka ahaa howlo ku maqan yahay iyadoo goobta lagu soo bandhigay sawiro shirkii Mogdishu ka dhacay ee uu horey gudoomiye Laqanyo uga qeybgalay.
Laakinse beesha caalamka ayaa halmar maqlay warbixinta gudoomiyaha gobolka Hiiraan waxeyna ka baaqsadeen shirarkii danbe oo dhan ka sokow fashilka shirka wararka aanu ka heleyno xarunta villa Soomaaliya ayaa sheegaya in uu ku dhaxmaray shir saacado qaatay madaxweynsha Soomaaliya iyo R/wasaare Saacid.
Inkasta oo aan dhab ahaan banaanka loo soo dhigin rasmiyan waxa ay ka wada hadleen maadama aysan mediyaha la hadlin hadane waxey wararku sheegayaan in waxyaabaha laga hadlay ay ka mid ahaayeen in aan haba yaraatee xukumada cusub lagu soo derin wasiirka arimaha gudaha walow r/wasaare Saacid laga yaabo inuu wasiirka madaxtooyadana ku daro maadaama madaxweynaha Soomaaliya wasiiradii uu dowlada ku soo darsaday ay yahiin kuwa siyaasad ahaan dhinaca maamulka ka aradan maadaama aysan waligood arag maamul dhaafsiisan schoolo iyo hayado lagu shirkoobo wax dhaafsiisan.
Laakinse marka aad xaalada dhinaca wasiirka arimaha gudaha ka eegto waxuu xitaa ku dadaalayaa si uu ugu yaraan xitaa wasiir ku xogeen u helo si uu siyaasada ugu sii jiro ilaa 2016 si mudadaas inta ka horeeysa saxada siyaasada loogu sii arko si uu maamulka ururka uu ka tirsan tahay nadaxweynaha Soomaaliya oo uu wasiirka arimaha gudaha xubin firfircoon ka yahay ula wareego siyaasad ahaan iyo maskax ahaan si meesha looga saaro madaxweynaha Soomaaliya waxaana arintaan heshiis ku ah wasiirka arimaha gudaha iyo kan madaxtooyada.
Hadaanse siyaasada Soomaaliya dib u jaleecno heerka ay maanta mareyso madaxweynaha Soomaaliya iyo r/wasaare Saacid iyagoo ka duulayo guuxa shacabka siweyn ayey u dareensan yahiin in ay wasaarada arimaha tahay meesha kaliya ee ay xukumadan hada jirto kala kulanto siyaasad xumo bashsan sidaasi daraadeed madaxweyne Xasan Shiikh safarkii Kismaayo inuu dib u dhigo waxaa ugu wacan baa ka leeyahay arimaha golaha wasiirada cusub oo heer gabo gabo maraya.
Madaxweyne Hasan Shiikh hadii uu ka dhabeyn waayo sida ay hada nagu soo gaarayaan wararka inta ay goori goor tahay waxaa imaan doona xili uusan waxbo ka qaban karin wasiirka arimaha gudaha iyo kan madaxtooyada oo hada la sheegayo in ay meel fiican u mareyso aruursiga hanti malaayiin dolar ah oo ay mustaqbalka ku maamulaan ururka siyaasadeeduu madaxweynaha Soomaaliya gudoomiyaha u yahay.
Dabcan wasiirka arimaha gudaha xitaa hadii xilka laga qaado mudo Soomaali badan wey xasuusan doonaan maamul xumidiisa laakinse waxuu intaan ku soo gaaray madaxweyne difaacayo siyaasad xumudiisa oo umada hortooda ku hayey mudo sanad ah iyo ka badan.
Siyaasadaha wasaarada arimaga gudaha ay ku shaqeyso waxey xitaa meel ka dhac ku tahay baarlamaanka Soomaaliya waayo kumeel gaarkii waa laga baxay wasiirka caasimadii Soomaaliya sidaad aragteen u bahdilay oo shirkii Kenya keeyey si uu beesha caalamka oo la doonayey in Kenya laga soo raro xafiisyada ay ku leeyahiin ugu tagay meeshii ay joogeen si uu aduunyada u tusiyo in aysan amaan aheyn Soomaaliya wali.
Ma moodaa in siyaasadahan Soomaali ka sokow loogu talo falay inba hanaanka dowladnimo la doonayo in meesha laga saaro isagoo wasiirka arimaha gudaha ku xumeynayo madaxweynaha Soomaaliya?
Isku soo duuboo howlo culus ayaa baarlamaanka horyaalo si ay u xakameeyaan una meel mariyaan xukumada cusub midabkeeda iyo in ay tahay mid wax badan ka duwan mida hada jirta oo ay la hareen wasiiradii ka yimiid dhinaca madaxweynaha Soomaaliya badankood walow marka laga reebo wasiirada madaxtooyada iyo kan arimaha gudaha kuwa kale yahiin dad ugu yaraan howsha loo ikmaday yaqaana.