Waryaa Qudhac

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
qudhac-m
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2593
Joined: Sun Apr 13, 2003 7:00 pm
Location: somaliland

Post by qudhac-m »

[quote="Gogarad"]Ina,

Wallahi bel caani ayaan inta oo yidhi, i know iney xishood badantahaay..and she is probably thinking.."luggoyo was better off leaving, markeedi hore tani kalaaxad babi ahayd ee" Laughing Laughing[/quote]

Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing

Walaahi waa ka naxaa bahalkaa caaro ayaaba ka fuushay hadaan ilaa maanta oo ay 37 tahay dhalfo afka loo saarin.
Wax kala garan maynee ILAAHAY HA U GAARGAAROO DOOB MILIXDA KAGA SOO DAADIYA HA U SOO DIRO.

Suldaan qudhac miskiinadaaa u qiirooday MAYGAAG
User avatar
Gogarad
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3450
Joined: Thu May 03, 2001 7:00 pm
Location: SSM 4 Life!!

Post by Gogarad »

Suldanka,

War iskada miskiinada..Iney xishood badantahaay ayaa ogtahaay thats why aya oo duun duunata..lol
qudhac-m
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2593
Joined: Sun Apr 13, 2003 7:00 pm
Location: somaliland

Post by qudhac-m »

gogo
oo waaban u duceeyee

qudhac maygaag
User avatar
Gogarad
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3450
Joined: Thu May 03, 2001 7:00 pm
Location: SSM 4 Life!!

Post by Gogarad »

qudhac,

Tani duco mey ahayn..diigo aye ahayd..ha ku digaan..
qudhac-m
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2593
Joined: Sun Apr 13, 2003 7:00 pm
Location: somaliland

Post by qudhac-m »

[quote="Gogarad"]qudhac,

Tani duco mey ahayn..diigo aye ahayd..ha ku digaan..[/quote]
Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing
User avatar
Sir-Luggoyo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7827
Joined: Thu Feb 17, 2005 1:18 pm
Location: Baar Luga Baxsi

Post by Sir-Luggoyo »

Qudhacow

Oo hadda ma waxaad leedahay waxan ay wadaadu sheegeyso waxba kama jiraan oo habeena ma huluulan jiifka? Waan ku aamini lahaaye, sheekhaddii baaba leh waa la ii jimciyaye seen kugu aaminaa.

Kambuli,

Nin waxaa lagu ogaa sidiisaba inuu reerka u soo shaqeeyo una sahmiyo, Islaantaa waxaan ku idhi, naa Dhuuxo, waan inoo sahmin oo noloshani caymad beeshaye bartaa sii fadhi oo iga war dhawr, haddii ay wax kaa kala go'aana, wadaadka macdaarka yar agteena ku haysta een marmar BBCda agtiisa ku dhegeysto ee Qudhac ah, ka sii qaado anaa dib ka siin doonee, waa yahay bay tidhi, ballanna ku qaaday inaanay nin kale dabnaha u furin intaan maqanahay. Sahanku wax yarna waa qaataa wax badanna waa qaataa, kani wuxuu noqday mid dabo dheeraaday oo gobolba gobol siduu iigu dhiibayay, ayaan arkay anoo ilaa Alaska socda, nin aanu xidid nahay oo Ina Baxar la yidhaah oo Dhuuxo ay walaalo yihiin baana igu yidhi, halkaasaa ugu naq roon.

Hadde soo noqodkaygiina waadigaa arka halka xaajo marayso, oo odeygii gaabnaa oo macdaarka haystay baa reerkii isku jajabsaday. Islaanta sideedaba odey iyo iyada aragtidaa ka dhexeysa
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Post by kambuli »

Gogo iyo S. Luggooyo,

Kaddib markii aan labada dhinacba dhegeystey,
Kaddib markii aan si fog u dhuuxey arrinka idin dhexyaal,
Kaddib markii aan baadhitaan badan sameeyey,
Kaddib markii aan soo xuuransadey xogogaalka,
Sidan ayaan ku go'aamiyey.

1. Gogo wax dhib ah (Damage) ah kuma dhicin.
Waayo Odeyga bidaarta leh ee guriga kuusoo weydaartey maha mid
cidna wax yeeli kara. Waa iska Odey ay afkii kaga hadhay. Haddaad u fiirsato dhaqankiisa ama qoraaladiisa, waa Odey miskiin ah oo afka hawlaha sariirta ku macaansada. Sad Tabartiisu waa intaa. Marka Sidaa darteed wax shil ah oo dhacay ma jiro.

2. Sababta ay Gogo u leedahay gogol dhaaf ayaan samayeyna waxaa weeye. Waxay dhibsatay maqnaashahaagii badnaa, marka way kugu gilgileysaa. Ee waa Marwo iskala weyn inuu gurigeeda soo galo nin sakhraansan. Ma iyada matagiisaba taag u haysa Twisted Evil

3. Haatan iyo dan. Mr Lugguuyo waxaan leeyahay.

a) Xaaska mar dambe ha cidleyn, iskaga hadh Truck jinni ee aad saaran tahay. Haddiise ay dantu kugu khasabto inaat u Xamaal tegto ha raagin, naagaha gobolada joogna ha eegin. Xaaskana waa inaad qalbiga u dhistaa, oo aad tusta inay iyada uun tahay ta qalbigiisa ku taalaa. Iminkana cadhada kasoo bi'i oo kaxee oo waxoogaa dalxiis ah soo marsii; Dibadda iyo gudahabaa, meelaha la daawadoo ee dalxiiska loo tego ha il doogsatee gee.......Sidii uu yidhi, marxuum Yamyam. Weliba hadiyad xaal ahna ugu dar. rose Inleyn waa hooyo aad caruurtii ku cidleysey muddo dheer eh.

Gogo waxaan leeyahay;

Khatar weeye, nimanka laguma gilgilo nin kale ayaa raarta soo galay. Shocked Waxaaba dhici karta inuu masayr dartii ninkaa awelba iska tacbaanka ahaa uu dilo oo la yidhaahdo " Nin baa la diley".

Xeeshii naag fiican lagu yiqiin waa inaan lagaa waayin, waana inuuna adiga mooyee naag kale tebin. kiss Dhowr caruura markaad dhashayna aadan isku dhex yaacin ee waa inaad iska giijisaa shaqalada. Runtana u sheeg inaan Shil dhicin intii uu maqnaa....Xumeynta iyo xaalka lagu siiyeyna qosol iyo farxad ku guddoon. Smile

Shuushow bax, alkoliiste dambena gurigiina ha u oggolaanina. Laughing Laughing
qudhac-m
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2593
Joined: Sun Apr 13, 2003 7:00 pm
Location: somaliland

Post by qudhac-m »

[quote="kambuli"]Gogo iyo S. Luggooyo,

Shuushow bax, alkoliiste dambena gurigiina ha u oggolaanina. Laughing Laughing[/quote]
Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing
User avatar
Ina Baxar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10796
Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
Location: Arabsiyo, Somaliland

Post by Ina Baxar »

Laughing Laughing Laughing Laughing
Kambuli , Exceptional ruling, bravo!
User avatar
Gogarad
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3450
Joined: Thu May 03, 2001 7:00 pm
Location: SSM 4 Life!!

Post by Gogarad »

[quote="kambuli"]Gogo iyo S. Luggooyo,

1. Gogo wax dhib ah (Damage) ah kuma dhicin.
Waayo Odeyga bidaarta leh ee guriga kuusoo weydaartey maha mid
cidna wax yeeli kara. Waa iska Odey ay afkii kaga hadhay. Haddaad u fiirsato dhaqankiisa ama qoraaladiisa, waa Odey miskiin ah oo afka hawlaha sariirta ku macaansada. Sad Tabartiisu waa intaa. Marka Sidaa darteed wax shil ah oo dhacay ma jiro.

** Wa ruunta walal, wax khatare sana ah meeshan mo dhiciin.
----------------------------------------

2. Sababta ay Gogo u leedahay gogol dhaaf ayaan samayeyna waxaa weeye. Waxay dhibsatay maqnaashahaagii badnaa, marka way kugu gilgileysaa. Ee waa Marwo iskala weyn inuu gurigeeda soo galo nin sakhraansan. Ma iyada matagiisaba taag u haysa Twisted Evil

** Afka caano lagugu qabey..wan oga inaad gabadh rageedi ah tihid wale. rose
----------------------------------------

3. Haatan iyo dan. Mr Lugguuyo waxaan leeyahay.

a) Xaaska mar dambe ha cidleyn, iskaga hadh Truck jinni ee aad saaran tahay. Haddiise ay dantu kugu khasabto inaat u Xamaal tegto ha raagin, naagaha gobolada joogna ha eegin. Xaaskana waa inaad qalbiga u dhistaa, oo aad tusta inay iyada uun tahay ta qalbigiisa ku taalaa. Iminkana cadhada kasoo bi'i oo kaxee oo waxoogaa dalxiis ah soo marsii; Dibadda iyo gudahabaa, meelaha la daawadoo ee dalxiiska loo tego ha il doogsatee gee.......Sidii uu yidhi, marxuum Yamyam. Weliba hadiyad xaal ahna ugu dar. rose Inleyn waa hooyo aad caruurtii ku cidleysey muddo dheer eh.

**** Wa hadal wacaan oo fiicaan kani.
--------------------------------------------

Gogo waxaan leeyahay;

Khatar weeye, nimanka laguma gilgilo nin kale ayaa raarta soo galay. Shocked Waxaaba dhici karta inuu masayr dartii ninkaa awelba iska tacbaanka ahaa uu dilo oo la yidhaahdo " Nin baa la diley".

** LOOOOOL@ iska tacbaanka aha..walaley ma anaga aya fatatiir ah hada? anagaba masyr iyo wax kadaranba nugu dhacye..
---------------------------------

Xeeshii naag fiican lagu yiqiin waa inaan lagaa waayin, waana inuuna adiga mooyee naag kale tebin. kiss Dhowr caruura markaad dhashayna aadan isku dhex yaacin ee waa inaad iska giijisaa shaqalada. Runtana u sheeg inaan Shil dhicin intii uu maqnaa....Xumeynta iyo xaalka lagu siiyeyna qosol iyo farxad ku guddoon. Smile

*****Waruunta waxad tidhi walal..Aniga mahaani ino indho kale lahado ma'aha..Anigona ya xabata lows ayan iska dhiga, oo jidhkaygu ka adag malintu imihersadi ino isku dhaca daayo Very Happy Lakin isaga aye balwaad oonoqotaay ino hablaha yar yar hoosta ka khaawiso khasiiska xuuni.. Evil or Very Mad

Shuushow bax, alkoliiste dambena gurigiina ha u oggolaanina. Laughing Laughing

***Loool..tuuba ya raabi taani mara aye yidhahiin islamihi jiraay..dib dambey hada qudhac oo midhan agagaarka gooriga ka so dhawaadan wale Ruqaya Khamiis layma dhaho Very Happy

Aad iyo aaaaaaaaaaaad ayaad oo mahad santahaay walal kiss woxo layimadana odaygani aan shushubkiisa ahayna bal han aragno!!! Smile
User avatar
Sir-Luggoyo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7827
Joined: Thu Feb 17, 2005 1:18 pm
Location: Baar Luga Baxsi

Post by Sir-Luggoyo »

Islaantan Ruqaya Aweis ihi waa jirjirroole, kolba dhinac bay kaa soo galaysaa oo cid ka gar hesha horaa loo waayay, saddexdii wadaad ee hore ee soo qabi jiray, mid waliba isagoo mudh iyo adariir ah ayuu albaabka ka baxay, aniga ayuunbaa caqli iyo sasabaad ku waday, bal horta intaa ha la ila ogaado. Tan labaad, bal hadda haddaan intaan golxobkaygii saawirka ahaa qaato oon wadaadkaa yaree Qudhaca labo u kala jaro isagoon waxba geysan, maxay samayn lahayd?

Naayaa Ina Aweis, waad ogtahay inaanu nin kale ku hayn karine aayar ma joogi oo cagaha dhulka ma ku hayn, mise raafafka xunxun baan kaa jabiyaa?
User avatar
Gogarad
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3450
Joined: Thu May 03, 2001 7:00 pm
Location: SSM 4 Life!!

Post by Gogarad »

[quote="Sir-Luggoyo"]

saddexdii wadaad ee hore ee soo qabi jiray, mid waliba isagoo mudh iyo adariir ah ayuu albaabka ka baxay

** Wa iga wale iyo bile hadad saaxiga keeni weydid, halke kowe hore mareeen ayaad mari doonta. **

Tan labaad, bal hadda haddaan intaan golxobkaygii saawirka ahaa qaato oon wadaadkaa yaree Qudhaca labo u kala jaro isagoon waxba geysan, maxay samayn lahayd?

** Waxba ma sameyiin, fiibar (favor) ayaad ciida xafada oo samayn lahayd, hadanuu aniga wax iga dayiina, koliiba dumar jaarka jariyadohooda ayo isaga oo samada mariiya wax ka daye laha.***

Naayaa Ina Aweis, waad ogtahay inaanu nin kale ku hayn karine aayar ma joogi oo cagaha dhulka ma ku hayn, mise raafafka xunxun baan kaa jabiyaa?

** Tolay oo Tolaaaaaay..Bal hadaan nin inadeerkay aha gursan laha matana ee dambyn lahayd? Oo manta ayu mid faqash ahi ee hanjabi laha? Crying or Very sad

War ii fur wad ii furey ee, fur iyo xaanjo lugu galiye Evil or Very Mad
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Post by kambuli »

Gogo,

Horta furka iyo xanjada ka daa Sad Haddii kale waxaad ku odhan doontaa,
"Maxaad caruurta caanaha uga cabtay"

Sir,

Oo maxaa ku dhacay go'aankeygii? Oo inleyn ninyahow laguma yaqaanee,
gar maqaataad tahay Shocked
User avatar
Gogarad
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3450
Joined: Thu May 03, 2001 7:00 pm
Location: SSM 4 Life!!

Post by Gogarad »

Maxaan ku yidhi..na wad mid dabeecada ka dhintaay kani..oo waliba aniga oo ee leyahaay nin kale kuma hayn karo.. Rolling Eyes
User avatar
Sir-Luggoyo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7827
Joined: Thu Feb 17, 2005 1:18 pm
Location: Baar Luga Baxsi

Post by Sir-Luggoyo »

Kambuli,

Anaa kaa badiya Islaanta, saasaan ku hayay tan iyo Gugii aan soddon jirsaday ilaa maantoo shaarubahaygii cadaadeen, markay saa isu waashani, waan aqaanoo waxaan feedh jilib ahayn ooy ku nafistaa ma jiro, iska daa anaa air-ka ka sii deyn markay isu buufiso sidii tyre-kii Michellin-ka. Waa qofta ku leh hadaanu wadaadku u garaacin ma isagaaba i jecel? Ma waxaasaad waligaa iyo Allahaa maqashay, an waa u turaayo waxaan leeyahay, hadday gowso la'dahaye, inte yaree ay hilib adhiga ku rifrifato ha ka daadinin, iyaduna maantoo dhan jaqjaq ma dayso. Iskaga baydha idinku anakaa is naqaane, ka baxa dhexdayada. I furtan iyo waxan ha u bixin, markaan laba jubad iyo hal tantoomo isugu daro ayaad maqli tiiyoo leh Xabiibi, shaaha dhamayso aan kuu duugduugee
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”