Ceelwaaq down
Baardheere down
Buurdhuubo down
now Garbahareey
Only Beled-Xaawo, Luuq, and Dollow (the 90's bases of Al itihaad) left of Gedo's 7 districts
Ciidamo Ka Tirsan Maxkamadaha Oo Soo Gaaray Magaalada G/haarey Ee Xarunta Gobolka Gedo
Oct 29,2008
by Garbaarey-GEDO-NN
Maleeshiyo ka tirsan xoogaga maxkamadaha ayaa maanta galinkii danbe gaarey magaalada G/haarey ee Caasimada u ah Gobolka Gedo, kuwaa oo watay tiro gaadiid ah.
Kooxdani ka tirsan maxkamadaha ee galabta soo gashay magaalada caasimadda gobalka Gedo ee Garbahaarey ayaan ilaa haatan aysan jirin cid ay kula kulmeen gudaha magaalada, hase ahaatee waxay fariisin ka sameyseen duleedka Koofureed ee magaalada halkaa oo ay caawa ku sugan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee imaanshiyaha maleeshiyadani maxkamadaha ayaa ku soo beegmeyso xili degmooyin badan oo katirsan Gobolka uu gacanta u galay kooxaha dowladda Kmg ah ka soo horjeedo gaar ahaanna degmooyinka B/dheere, B/dhuubo, Ceel-waaq iyo G/haarey.
Gedo News Network
G/haarey Gedo Soomaaliya


