



Dhinaca kale Boqolaal qof oo ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan caasimadda Hargaysa oo aad u xamaasadaysan ayaa saaka mudaharaad ay ku taageerayaan guddoomiyaha Golaha Guurtida isugu soo baxay jidka hor mara xarunta Golaha Guurtida iyo Xarunta Madaxtooyada, kuwaasi oo ku dhawaaqayay "Saleebaan Nuur ha noolaado, waxaanay sacab iyo mushxarad ku soo dhaweeyeen Mudane Saleebaan Markii uu ka soo baxay golah iyada oo mooshinkaasina halkaas uu ku jabay.



