Galmudug aya biyo qeybin ka bilabay degmoyinka abaraha kdhac

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Galmudug aya biyo qeybin ka bilabay degmoyinka abaraha kdhac

Post by Somaliman50 »

Gudiga abaaraha Galmudug aya biyo qeybin ka bilabay 15 barood oo ka mid ah meelaha abaarta xoogani ay ku dhufatay ee degaanada Galmudug.

Guddiga oo muddo dhoor maalmood ah ay ku qaadatay safarkooda ayaa wuxuu uqeybiayay 38 booaydood oo biyo ah deegaanadii ay ka fuliyeen biyo qeybintaas oo ay ka kid yihiin

Bajeelo, Wargalo, Qeydaro, Dowqaab, Kalasooc, Kaldhurwa, lafaale, Shimbiraale, Dibirka baardheere, Saaxo, laba ceel, Mirjiicleey, Jiicdheere, Saleemeco iyo tuulooyin kale oo fara badan.

Guddigaas biyo qeybinta ka waday degaanadaas ayaa waxay kala ahaayeen Axmed Maxamuud Xasan (Baasto), Xildhibaan Tahliil Maxamed Colow iyo Ganacsade Shariif Maxamed Cabdi.

Markii ay ka soo noqdeen safarkooda warbaahin Gobolka uga warbixiyay waxyaabihii ay soo arkeen ayaga oo sheegay in ay soo arkeen dad iyo duunyo baaba'ah oo ay biyo la 'aan aafaysay iyadoo ay la sugayo in ay roobab da'aan abaaro dabo dheeraday ka dib xilliga Gu'a oo fooda nagu haya.

Guddiga wuuxuu mahad celin u soo jeediyay Jaaliyadaha ka qeyb qaatay biyo dhaamiskaas gurmadka abaarha Sida Jaaliyadaha Wadamada Ingirriska, Maraykanka iyo Kanada oo deeq aan wax badan ka tarin dadka abaaruhu aafeeyeen gacan ku siiyay guddigu in ay biyo u dhaamiyaan.


Waxuuna guddigu ka codsaday in Jaaliyaduhu gacan biixda ka geestaan u gargaaridda walaalahooda dhibaataysan xiligaan adaga ay ku jiraan

Image

Image

Image

Image

Image

Image

C/risaaq Yaasiin

Gaalkacyo, Galmudug
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Galmudug aya biyo qeybin ka bilabay degmoyinka abaraha kdhac

Post by zingii »

Allaha qeyr siiyo dadka ummada rafaadsan ee abaaraha faraha kulul ku hayyaan iyo kuwa qaxootiga dalkood ku dhex ah u gar-gaaraya.

amin amin amin
Somalia ha noolaato :som: :up:
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: Galmudug aya biyo qeybin ka bilabay degmoyinka abaraha kdhac

Post by Somaliman50 »

zingii wrote:Allaha qeyr siiyo dadka ummada rafaadsan ee abaaraha faraha kulul ku hayyaan iyo kuwa qaxootiga dalkood ku dhex ah u gar-gaaraya.

amin amin amin
Somalia ha noolaato :som: :up:
:som: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Mudug”