Written by A/Rahman Bouh
Jul 17, 2009 at 10:36 AM
Waxaynu nahay abti iyo seedi,gacal iyo sokeeye,dhal iyo dhasheed,ul iyo diirkeed aan kala maarmi karin,wax kasta oo dhaca,waxaynu isku hayno waxaynu isku nahay baa ka weyn.Berri baa waxa dhacay laba reer oo sidan oo kale ah ay dhexmartay arrintan oo kale tu la mid ah,markii fooda la isdaray baa qolo gacan dhimasho badani gaadhay,nin ka mid ahaa kuwa guusha sheeganaya{waa guuldaree},ayaa arkay seedigii oo ilaa carruurnimadii ceeshow milix ahaayeen oo ku jira ragga dhintay,markuu soo hoyday ee ay maqleen carruurtiisii iyo xaaskiisii,ayey oohin qaylo iyo murugo iskugu timid,wuxu u tagay saaxiibadii oo leh guulaysanay,wuxu yidhi ninkii WAARYAADAHEEN WAXAN IDIN WAYDIIYEY GUUSHA LAGA OOYAYO GURIGAAGII WAA GUUL SIDEE AH{SIDAA WAXA KA DHIGAN WAXA KA SOCDA ARRINTAN FOOSHA XUN EE KA DHACDAY KALABAYDH IYO DILLA DHEXDOODA}. Walaalayaal dadkani waa kuwii ay gaadhsisanayd xiisihii ay isku qabeen Faarax iyo Maxamuud waa midig iyo bidix ee keebaan xumeeyaa,ninkii laga soo doontay inantiisii ee isku maalin u yimaadeen laba nin oo kala ah REER FAAXAX iyo REER MAXAMUUD labadiiba wuu siiyey markii lala yaabayna wuxu yidhi kee andiidaa miyaanay ahayn labadaydii gacmood,waxase badbaadiyey inantiisii oo mid dooratay,waxy ka ahayd kalgacalo ku dhisan niyadsami .walaalnimo,isqadarin,xiise dadnimo ku dheehantay iyo xushmadii darisnimo ee soo jireenka ahayd eey beelahani ku caano maaleen intii dunidu soo jirtay.Walaalayaal wixii dhacay waa qadar rabbi,waxa inla gudboon in si dhab ah loo galo arrinta lana dhameeyo,Waxa la yidhi wali ragga waxan qabsan oo keli ah ka dhaliya,waxagaradka waxan ka codsanayaa inay si dhab ah u waajahaan xaqiiqda iyagoo eegaya cadaaladda,garsoonimadda iyo aayaha dambe ee beelahan oon kala maarmi karin sinaba.
BY ABDIRAHMAN IBRAHIM BOUH, LIECESTER UK.
bouhwajale@hotmail.co.uk
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=65
Waxaynu isku nahay baa ka weyn waxaynu isku hayno
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 1288 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 3 Replies
- 1158 Views
-
Last post by Typhoon
-
- 7 Replies
- 1447 Views
-
Last post by Togdeer
-
- 16 Replies
- 2747 Views
-
Last post by zidane88
-
- 11 Replies
- 1362 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 18 Replies
- 1873 Views
-
Last post by Turbulence
-
- 0 Replies
- 260 Views
-
Last post by Eigth
-
- 18 Replies
- 1750 Views
-
Last post by Hibonuraa
-
- 7 Replies
- 783 Views
-
Last post by Kismaayo21
