
Jidka Wadnaha ee dhex mara gudaha badhtamaha faras Magaalaha ayaa cidhiidhi iyo saxmad culus la ceeryooma barqada ilaa duhurkii ,oo kubeegan saacadaha rawaxaada Xafiisyada Wasaaradaha ,iyo kuwa kala duduwan ee Hay,adaha Samafalka Caalamiga ah,gaadiidka yar-yar ee sida madaxa banaan loo wato,oo ah kuwa ugu badan ee inta badan dhex socda Magaalada iyo weliba gaadiidka safarka ee galbeedka iyo bariga oo socdkoodu kusoo beegmo jidkani wadnaha ee dhex mara badhtamaha Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Sida aynu kawarqabno waxa maalin walba dhibaatooyin kala duduwani kala soo darsaan cidhiidhiga jidka Wadnaha ee dhex mara badhtamaha faras Magaalaha Hargeysa qeybo badan oo kamid ah bulshada kunool Magaalada Hargeysa ha ugu yaraato xanibaada jidka ee kusiman saacad wax yar la, oo baabuurtu ku xanibnaato inta u dhexeysa marka laga soo bilaabo Huteelka Baar Hargeysa, Baanka Dhaxe ee Somaliland hortiisa ilaa inta laga gaadhayo Xarunta D/hoose ee Magaalada Hargeysa,Waxa kale oo dhibaatooyinka joogtada kunoqday jidkaasi kamid noqday shilalka halista ah ee inta badan sida moogaanta ah uga dhaca jidkaasi gaar ahaan, isu-dhaca baabuurta oo khatar badan kuheysa islamrkaana,galaafta dadweynaha ka ag dhaw dariiqyada gudaha Magaalada Hargeysa,iyadoo mararka ay qaarna dhacdo in shil ka dhex dhacay laba baabuur ay daafaha jidka ku doontaan qof aan iska war haynin oo darifka kamaraya jidka kuwaas,oo aanay qaarkood kasoo noqonin koomaha ay ku galaan shilkaasi kuna nafwaaya taas,oo aan dhicin mar iyo laba balse,joogta ku ah jidka badhtamaha Magaalada Hargeysa iyo kuwa kale oo ku jajaba meelo halis ahna wax ka noqda ama ay kasoo gaadhaan nabaro culus oo saameyn kuyeesha noloshooda .

Waxa kale oo dhibaatooyinka jidkani,ee dhaliya shilalka halista ah kamid ah xadgudubyada baabuurta mustacajilka ah oo sifo sharci daro ah inta badan ugu wareega haadka aanay laheyn ee khaladka ah kuwaas, oo fursad badan kahela duruufta Ciidanka Nabedgelyada Wadooyinka Somaliland,oo culays badani kaheysto kutakrifalka Masuuliyiintooda,iyo gunahooda aan ku filnayn iyo howsha adag ee ashaqada ay hayaan oo aan isu miisaaneyn

Sanad kasta xagaagii xiligan oo kale saxmada iyo cidhiidhiga jidka ee socdka gaadiidku waxey,kor uga sii korodhaa xadigii hore iyadoo sababata ugu weyni tahey dadka kasoo guryo noqda dalalka dunida ee wakhtigan fasaxyadooda ku qaata inta badan Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland,oo xiisa badan uleh dadkaasi qurba-jooga ah Waxeyna inta badan iyagu kireystaan gaadiidka macradyada Baabuurta Caasimada oo ay qaarna ka iibsadaan intooda badana ka kireystaan ,sidoo kale saameynta culayska jidka wadanaha Hargeysa waxa qeyb weyn ka ah Basaska gaadiidka Dadweynaha ee ukala baxa xaafadaha Degmooyinka iyo qeybaha Magaalada Hargeysa oo iyaguna intooda badani kasoo baxaan badhtamaha faras-Magaalaha Hargeysa.

Sikastaba ha ahaatee Mushkilada iyo dhibaatooyinka is barkan ee ka taagan Jidka wadnaha ee Badhtamaha Hargeysa ,oo aan weli laga badelin sidii uu ahaan jiray bilowgiisii,xaga balaca hadaan wax ka gu,in ayaanay jirin xataa wax uhadal haya in xal loo helo saameynta dhibaatooyinka kajira taas,oo mar laysku dayay sanadkii 1995kii xiligii uu Maayarka Caasimada kanoqdey Hargeysa Eng Maxamed Xaashi Cilmi haseyeeshee,aanay suurta galin in uu meel mariyo qorshihiisii balaadhinta jidka wadnaha Hargeysa.


