


Ku: Bulshada Ximan iyo Xeeb iyo Galdmudug ee deegankii degan
Ku: Jaaliyadaha GalMudug iyo Ximan iyo Xeeb
Waxaan idinku war gelinayanaa anagoo ka tirsan jaliyada labada maamul ee degan Minnesota in aan ku yeelaynay casha sharaf ay soo agaasintay jaaliyada Ximan iyo Xeeb ee Minnesota, ee Magaalada Minneaoplis 11/25/2009. Casha sharafkaas oo looga wada hadlay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ka jira degaanada Ximan iyo Xeeb iyo GalMudug. Ha noqoto nabad la’aanta, Horumar la’aanta, isku duubni la’aanta. Casha sharafta iyo Shirku waxay oo socdeen mudo 4 saac ah. odayaashii, waxgaradkii, gabdhii, dhaliyaradii labada jaaliyadood ayaa si daacadnimo ah, isku hilow leh iyo is garwaaqsi leh, isku dhaafsaday iswaraysi iyo taalooyin wax ku ool ah, waxaanan isku af garanay qodobadaan:





