BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND
Berbera (SDWO 16/04/2010) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Daacaale, ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, ka dib markii uu in ka badan muddo saddex bilood ah safar caafimad ugu maqnaa waddanka Faransiiska.
[imghttp://www.sdwo.com/IMG_6401.jpg][/img]
Madaxweyne ku xigeenka oo maanta gelinkii hore ka soo degay garoonka diyaaraha ee magaalada Berbera, ayaa waxa halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo uu horkacayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somlailand Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Ciro], Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole Baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtida, madax ka kala socotay saddexda xisbi Qaran ee UCID, UDUB iyo KULMIYE, Salaadiin masuuliyiinta heer gobo iyo heer degmo ee Gobolka Saaxil iyo dadweyne kale oo aad u tiro badnaa.

Markii uu Madaxweyne ku xigeenku ka soo degay diyaarada, ayaa waxa uu si naxariis iyo kal-gacal ku jiro u wada-gacan-qaaday dhamaan masuuliyiintii isugu jirtay muxaafidka iyo mucaaridka ee ku soo dhawaynaysay madaarka.
Madaxweynaha ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ay hore xukuumadu u sheegtay in qaliin looga soo samaynayay caloosha gaar ahaan Xameetida, ayaa la soo guryo-noqday xaalad caadimaad, isaga oo laga dareemayay jewi fiican oo caafimaad qaba.
Mud. Axmed Yuusuf waxa uu ayaamihi ugu danbeyay ku sugnaa Magaalada Dubai, isagoo oo kulamo la soo yeeshay jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan isu taga Imaaraatka Carabta, gaar ahaan Magaalada Abu Dabi. Madaxweyne ku xigeenka waxaa loo soo gudbiyay guriga martida ee Magaalada Berbera, halkaas oo uu ugu yaraan hal Maalin joogi doono.






