Ciidamo Somaliland ah oo gaadhay degmada Kalabaydh iyo Widhwidh.
Warkii 15-May-2010 iyo Qormadii: NEWS
Ciidamo ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa saaka ilaa maanta ku baxayey meelo badan oo ka tirsan gobolka Sool iyo Buuhoodle,iyaga oo halkaas ka wada hawlgalo amni,si loo sugo amniga degmooyinka iyo deegaanada si ay si nabad ah u qabsoonto kaadhadh bedelida iyo dooroshooyinka dhowaan la filayo inay ka qabsoomaan Somaliland.
Ciidanka ayaa sida aan wararka ku helayno waxa ay saldhigyo cusub ka samaysteen degmada Kalabaydh oo qiyaastii 30-km u jirta magaalada Laascaanood,waxaana ciidamadaasi ay u sii gudbeen dhinaca tuulooyinka Dhumay iyo Dabataag,iyadoo la sheegayo in rasaas lagaga soo riday meel u dhow degmada Dharkangeenyo,halkaas oo ay ku sugan yihiin malayshiyo ka amar qaata hogaanka SSC oo ah hogaan dhowaan lagu soo dhisay magaalada Nayroobi,kaasoo hogaamiyayaashii ay hada ku sugan yihiin meelo u dhexeeya tuulooyinka Dharkayn iyo Balicad oo ah xadka Itoobiya la wadaagto Soomaaliya.
Dhanka kale ciidanka ayaa gaadhay degmada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle,waxayna ciidamadu soo mareen meelo badan oo ka tirsan deegaankaas,iyagoon wax dhib ah kala kulmin.
Dhanka kale ciidamada Itoobiya ayaa gudaha u soo galay degmada Buuhoodle,halkaas oo ay xanibeen isu socodka gadiidka,waxayna xareeyeen gawaadhi badan oo ay leeyihiin dadka deegaanku,waxaana adag in la galo ama laga soo baxo magaalada,iyadoon aan la garan karin waxa ciidamada Itoobiya ku soo beegay,wakhti ay Somaliland hawlgalo ka wado deegamadaas.
Saleebaan Xagla-toosiye ayaa sidoo kale gaadhay degmada Buuhoodle,kadib markii uu ka soo ambabaxay dhinaca tuulada Dharkayn,halkaas oo uu maalmahan ku sugnaa.
Hawlihii bedelida kaadhadhka ayaa si xoogan uga socda degmada Laascaanood,Xudun, Kalabaydh, Widhwidh,meesha aan weli laga bilaabin degmada Taleex iyo Buuhoodle.
Gudoomiye-ku-xigeenka baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Cade iyo wafti la socda ayaa sidoo kale gaadhay degmada Kalabaydh,iyagagoo u kuurgalayey sida ay hawlaha kaadhadhka lagu bedelayaa uga socdaan deegaamada hawdka.
Gudoomiyaha hawlaha doorashada ee gobolka Sool ayaa saxaafada u sheegay inaanay jirin wax dhib ah oo ka jira deegaamada hawdka oo sidii loogu talo galay ay ilaa iyo hada u socdaan hawlihii kaadhadhka aqoonsiga iyo kuwa doorashada loo bixin lahaa.
Isku soo wada duuboo waxa ka taagan gobolada Buuhoodle iyo Sool,dhaqdhaqaaq ciidan,kaasoo keeni kara inay ciidanka Somaliland iyo ciidamo daacad u ah hogaanka SSC ay is fara saaraan,taasoo wax weyn u dhimi karta amniga gobolkaas.
Dureemadii oo mar kale baxday duleedka degmada Kalabaydh.
Duleedka degmada Kalabaydh,Sool.
Masjidka degmada Kalabaydh.
Afnugaal News Desk.
Contact:
info@afnugaal.com
Read this paidmonk
Queen Buhoodle is between the border of somaliland and Ethiopia check the map. oneside is on Ethiopias side and one side is on Somalilands side just like wajaale.