Fadeexadi Ugu Weyneed ee 18may Party in London

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Fadeexadi Ugu Weyneed ee 18may Party in London

Post by LiQaaye_TDH »

Fadeexadii ugu weynayd ayaa habeenkii xallay waxay ku habsatay boqolaal qof oo usoo diyaar garoobay inay ka qayb gallaan munaasabad loo sheegay in loogu debaal degaayey sannad guuradda 19-aad ee madax banaanida Somaliland 18 May oo si horudhac ah loogu beegay habeenkii xallay.




Boqolaal qof oo iskaga kala yimid magaalooyinka, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka boqortooyada ingiriiska ayaa habeenkii xallay waxay iskugu soo biyo shubteen hool lagu ballamiyey oo loogu sheegay inay xafladaasi ka dhacayso oo ku yaalla xaafadda Manor Park ee degmada Newham ee beriga magaalada London, waxaana ay dadkaasi galleen safaf dhaadheer iyadoo halkaasina mid kasta oo ka mid ah lagaga qaaday lacag qadarkeedu dhanyahay sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah dadkaasi £25 oo lacagta ingiriiska ah una dhiganta 40 dollarka maraykanka ah.

Dadkaasi oo safafkaasi ku jiray ilaa habeen dhexdii ama saqdii dhexe ee xallay abaaro 12:30 habeenimo ayaa markii lacagtaasi laga qaatay waxaa loogu yeedhay Booliiska magaalada London si ay u kala dareeriyaan iyadoo loo sheegay inaanay jirin wax xaflad ah oo loo qabanaya sabab la'aan, dadkani oo u badna dhalinyaro haween iyo ragba lahaa ayaa muraaradilaac iyo u qaadan waa ay ku noqotay arrintaasi, iyadoo markii lacagta laga qaatay loo sheegay inay kala dareeraan.

Guud ahaanba xafladaha noocani ah oo aan magac iyo maamuus midnaba usoo kordhin madax banaanida iyo qaranimada Somaliland marka laga reebo aakhiro seeg iyo wax aan qiimo ku fadhiyin ayaa waxaa ku soo biiray in sannadahii ugu danbeeyey laga baayac mushtareeyo arrintani isla markaana ay noqotayba meel dhaw oo laga heli karo lacag si fudud loo helo.

Kooxo budhcad ah ayaa waxay dadkani u maleegeen inay u samaynayaan xafladdani oo ay warbaahinta ku xayaysiisinayeen todobaadyadii ugu danbeeyey balse arrintani ayaa waxay noqonaysa fadeexad ka dhacday dal ilbax ah oo dadka ku nooli ay ku hoos noolyahiin sharci iyo kala danbayn, waxaana boqolaalka qof oo lacagahooda xallay boobka lagaga qaaday ay xaq u heli karaan inay sharciga la tiigsadaan kuwii sida cad u boobay isla markaana waxay kooxahani budhcadda ahi ay si badheedh ah u magac dileen sharaftii, karaamadii iyo wanaagii qaranimada Somaliland oo ay tuuganimo iyo fadeexad ula badheedheen
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Fadeexadi Ugu Weyneed ee 18may Party in London

Post by Rightwing »

Maxammed Caabi ayuu ahaa ninka maamulayey. Bal caawaan telephone u diri weydiina waxa dhacay. bloody Budhacad xafladeed dheh :lol:
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Fadeexadi Ugu Weyneed ee 18may Party in London

Post by ToughGong »

The Somali is a bit hard to follow for me could you guys condense it
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Fadeexadi Ugu Weyneed ee 18may Party in London

Post by Rightwing »

Maxammed Caabi
Wuxuu sheegay in HY ashkateysay tidhina xafladaas qasbaa ka dhici doona :lol: markaan idhi waayo wuxuu yidhi miyaanad ogayn in HY and HJ bisad iyo jiir yihiin :lol: :lol: . Wuxuu yidhi policka ayaa ila soo xidhiidhay iguna xidhay in ugu yaraan 25 security with 6 dogs ka yar aanay xaflada ku furi karin waayo they got tip from other soamlis. Wuxuu yidhi security companygii ayaa balan qaaday inay fulinayaan hawshaas, hase ahaatee soo diray 15 security with only 2 dogs iyagoo ka cawday staff shartage. Ka dibna 11 habeenimo ayay policku telephone igula soo hadleen amara igu siiyeen inaan cancelgareeyo xaaflada dadkii oo kumayaan gudaha ku jiraan, kun kalena kiyuuga ku jiraan. Lacagtii meesha laga qabtay oo dhan £16.000 waxaan u dhiibay odaygii hindiga ahaa ee meesha lahaa dadkiina waxaan ku idhi ku kala dareer ayuu yidhi Maxammed caabi. Oadaygii hindiga ahaa lacagtii wuu ku dhegsan yahay :lol: Wuxuu ku andacoonayaa that he lost his business license sidaa daraadeed inaanu lacagtan dhiibayn :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”