Shariif Sakiin oo isbaaro u dhigtay mudane Farmaajo

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Moguul21
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2804
Joined: Tue Jul 15, 2003 7:00 pm
Location: 10,000 lakes
Contact:

Shariif Sakiin oo isbaaro u dhigtay mudane Farmaajo

Post by Moguul21 »

Xildhibaanada DF oo eedeeyey Gudomiyaha Barlamanka
21 Oct 21, 2010 - 12:09:44 PM

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DF oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ku eedeyay Shariif Xasan Sh. Aadan inuu mas’ul ka ahaa murankii sababay inuu baaqdo ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Max’ed [Farmaajo].

Mudanayashan oo tiradodu ka badnayn 200-xubnood, ayaa kulankooda kasoo saaray warbixin ay ku sheegeen inay ansixin doonaan Ra’iisul wasaaraha, iyagoo xildhibaanada kale ee Baarlamaanka ugu baaqay inay ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha.

Xildhibaan Ibrahim Xabeen Nuur oo saxafada la markii uu kulankaas soo xirmay, ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu mas’uul ka ahaa khilaafkii soo dhexgalay xildhibaanada baarlamaanka.

“Gudoomiyaha Baarlamaanka, wuxuu la saftay koox ka mid ah labadii kooxood ee soo bandhigay mooshinka codeynta wuxuu la saftay koox ka mid ah,” ayuu yiri Xil. Xabeeb, isagoo intaas ku daray:

“Waxay ahayd, inuu cod la geliyo mooshinada lasoo bandhigay ee ku saabsanaa qaabka loo codeynayo, waxaase Shariif Xasan uu la saftay koox ka mid ah labada kooxood, taasoo la mid ah inuu ka careysan yahay Ra’iisul wasaaraha cusub,” ayuu yiri Mudane Xabeeb.

Mudanahan, wuxuu sheegay inay isla garteen iyaga in baarlamaanku uusan xaq u lahayn inuu farageliyo Ra’iisul wasaaraha lasoo magacaabay, waxaana Shariif Xasan uu u muuqdaa mid la diiday Ra’iisul wasaarihii uu watay.

Qoraalka ay soo saareen, xildhibannadu ayaa lagu sheegay inay waddo kasta u mari doonaan sidii ay ku ansixin lahaayeen Ra’iisul wasaaraha cusub, iyadoo kulankii shalay uu kusoo xirmay muran.

Xildhibannada baarlamaanka, ayaa u muuqda kuwo ka kala aragti duwan meel marinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif, iyadoo aan la ogeyn sida uu xaal u noqon doono maalinta Sabtida ah oo lagu balansan yahay kulanka labaad.


:lol: :lol:
User avatar
Moguul21
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2804
Joined: Tue Jul 15, 2003 7:00 pm
Location: 10,000 lakes
Contact:

Re: Shariif Sakiin oo isbaaro u dhigtay mudane Farmaajo

Post by Moguul21 »

A lot folks underestimated Shariif sakiin's power including shariif dameer and his puppets, now he is showing the world without his approval there will be no prime minister :mrgreen:


Power to D&M :up:
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Shariif Sakiin oo isbaaro u dhigtay mudane Farmaajo

Post by Voltage »

Shariif Sakiin is a reer baadiye, he already turned the president and his crew against him, now the prime minister who will control administrative duties plus kooxaha xildhaabanada ninkaan taageersan. The only way a the speaker can survive power struggle is haduu u kala safto raysul wasaaraha iyo madaxweynaha, lakin labadooba adigu haday kaa saftaan boorsadaada diyaarso :lol: :lol:
User avatar
Moguul21
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2804
Joined: Tue Jul 15, 2003 7:00 pm
Location: 10,000 lakes
Contact:

Re: Shariif Sakiin oo isbaaro u dhigtay mudane Farmaajo

Post by Moguul21 »

Voltage,


Raiisal wasaarahee? Markii iigu danbeysay adeerkaa lama ansixin :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”