
Muqdisho Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu wehliyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xariga ka jiray Isbitaal la dayactiray oo kuyaala gudaha Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.
Kadib Xaflad gaaban oo kadib salaadihii Jimcaha lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu halkaasi xariga uga jiray isbitaal lagu magacaabo Medical Health Center kaasi oo horay ugu yaalay xarunta Madaxtooyada balse mudooyinkii u dambeeyay dib loo dayactirayay.
Goobata dib loogu howlgalinayay Isbitaalka ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga Xukuumada KMG C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Isbitaalka Madaxweynaha uu maanta xariga ka jaray ayaa waxaa uu ka koobanyahay dhowr qoybood oo isugu jira Gargaarka deg deg ah,Shaybaarka, Farmashiye iyo qeybka bukaanka la jiifoyo.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dib u dhiska isbitaalka ay qeyb ka tahay qorshe dowladda KMG Soomaaliya ay dib u dayactir ugu sameyneyso goobaha muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG iyo ku xigeenkiisa ayaa iyana soo dhaweeyay talaabada dib loogu howlgaliyay isbitaalka ku dhexyaala xarunta Madxatooyada ee Villa Soomaaliya iyagoo si weyn ugu mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dib u dhiska isbitaalka.
Inkastoo aysan fududeyn in bukaano dad rayid ah oo ku waxyeeloobay la jiiyo isbitaalkaan cusub maadaama uu ku dhexyaalo xarunta Madaxtooyada oo amaankeeda ay si weyn u sugayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa hadana qaar ka mid ah saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya waxaa ay si hoose Shabelle ugu sheegeen in isbitaalka lagu dabiibi doono Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku waxyeelooba dagaalada ka dhaca Magaalada Muqdisho.





