TFG soldiers killing each other

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
omar07
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 566
Joined: Mon May 07, 2007 3:48 pm

TFG soldiers killing each other

Post by omar07 »

Sabti, 01 Jannaayo, 2011 (HOL) − Ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay meel ku dhow Madaxtooyada, waxayna iska dileen laba askari, afar kalena way iska dhaawaceen sida uu sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya u sheegay saxaafadda.
Dagaalka, askarta ayaa yimid markii ciidammo ka carooday mushaar la'aan ay xireen jidka gala madaxtooyada iyo xarunta golaha shacabka oo baarlamaanka fariisinka u ah, waxaana dagaalka uu yimid markii ay halkaas gaareen ciidamo kasoo horjeeda gadoodka askarta kale.
Khasaaraha dagaalka, ayaa ku ekaa ciidammada dagaalamay, waxaana dagaalka ku guuleystay inay joojiyaan saraakiil dowlada ka tirsan, iyadoo ay xaaladdu kusoo laabatay caadi.
Ciidammada gadoodka sameeyay, ayaa la sheegay inay iska waayeen liiska askarta dowladda ee mushaaraadka la siinayay maanta iyo shalay, taasoo keentay inay xiraan jidadka gala xarumaha dowladda, gaar ahaan madaxtooyada.
Madaxda DKMG ah, ayaan ka hadlin gadoodka cidamada, wuxuuna imaanayaa iyadoo ay shalay, xalay iyo maanta ay ka socdaan Muqdisho dagaallo u dhexeeya dowladda iyo Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo labada dhinac ay khasaare kasoo gaartay.
Dowlada Soomaaliya, oo ka talisa qaybo yar oo Muqdisho ka tirsan, ayaa bilihii ugu dambeeyay waday qorshayaal ay dib ugu habeynayso ciidamada, iyadoo tirada ciidamada lagu sheegay inay yihiin kuwo aan si rasmi ah loo ogeyn.
Ciidamada maanta gadoodka sameeyay, ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo sameeya gadood noocan oo kale, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo arintan, sida ay sheegeen saraakiil dowlada ka tirsan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Is not too late to stop supporting these wild animals .. :lol:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”