Madaxweynaha JSL Oo Caawa Qasriga Madaxtooyada Kula Kulmay

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Madaxweynaha JSL Oo Caawa Qasriga Madaxtooyada Kula Kulmay

Post by AsadSL »

Madaxweynaha JSL Oo Caawa Qasriga Madaxtooyada Kula Kulmay Wefti Ganacsato Ah Oo ka Socda Dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Caawa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ka socda Wadanka Ingriiska oo ka koobna Ganacsato iyo Maal-gashadayaal. '
Image
Weftigaas oo ka socday Ururka loo yaqaan Anglo-Somaliland Chamber of commerce oo Dalka u yimi inay dhamaystir ku sameeyaan xidhiidh hore oo uu Madaxweynuhu kula yeeshay Wadanka Ingriiska markii uu Booqashada ku tegay badhtamihii bishii December ee sanadii 2010 ee Ina dhaafay.

Waxa kale oo ay u yimaadeen Weftigu inay helaan xaqiiqooyin ku saabsan sidii ay u abuuri lahaayeen fursado ay maal-gashi ku sameeyaan dalka.
Image
Kulanka Weftigan oo jewi wanaagsan laysku qaabilay waxa ay Madaxweynaha u sheegeen in ay ka sidan Xafiiska Arrimaha Debeda Ingiriiska Casuumad Saddex Wasiir oo Xukuumada Somaliland ka Tirsan oo ka qayb gala Shir balaadhan oo Ganacsi iyo Maal-gashi ku saabsan oo dhex-mara labada Dal oo ka dhicidoona Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska dhamaad ka Bisha March ee Fooda inagu soo haysa Arrintaas oo ah tii ugu horaysay oo Heer Laba Dawladood ah aynu wax u wada qabsano.

Madaxweynuhuna Waxa uu Dhiniciisa Faah-faahin Balaadhan oo mugleh ka bixiyey Halka uu Maraayo Huru-marka Dalkan Somaliland isaga oo ku soo Dhaweeyey kuna Dhiiri geliyey inay Maal-gashi ku sameeyaan Dalka.

Madaxweynaha waxa kulankan ku Wehelinaayey Wasiirada Kaluumaysiga Khayraadka Bada, Macdanta iyo Biyaha, Beeraha, iyo Qorshaynta Qaranka.

Weftigan oo dalka ku sugnaan Doona Shan maalmood waxay kulmo la yeelan donaan Gacnasatada Dalka iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada.



Allaa Mahad Leh





Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Madaxweynaha JSL Oo Caawa Qasriga Madaxtooyada Kula Kulm

Post by abdisamad3 »

go post this on the s-land section. :arrow:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Madaxweynaha JSL Oo Caawa Qasriga Madaxtooyada Kula Kulm

Post by The_Emperior5 »

Weftigaas oo ka socday Ururka loo yaqaan Anglo-Somaliland Chamber of commerce oo Dalka u yimi inay dhamaystir ku sameeyaan xidhiidh hore oo uu Madaxweynuhu kula yeeshay Wadanka Ingriiska markii uu Booqashada ku tegay badhtamihii bishii December ee sanadii 2010 ee Ina dhaafay.

Waxa kale oo ay u yimaadeen Weftigu inay helaan xaqiiqooyin ku saabsan sidii ay u abuuri lahaayeen fursado ay maal-gashi ku sameeyaan dalka.
:up: :up: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”