Ciidan Tababar Loogu Soo Xiray Kulliyadda Carmo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Ciidan Tababar Loogu Soo Xiray Kulliyadda Carmo

Post by FBISOMALIA »

Ciidankaan oo tiradoodu ay gaarayso 77-askari qaybna ka ah ciidanka dowladda hoose ee degmada Bossaso ayaa maanta tababar loogu soo xiray kulliyadda tababarka degmadad Carmo ee gobolka Bari,ka dib xaflad ka dhacday kulliyadaasi.

Xafladaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan xukuumadda Puntland,maamulka gobolka Bari,kan degmadda Bosaso,saraakiil ka socotay kulliyadda iyo marti sharaf kale
Image
Taliyaha ciidanka Booliska ee kulliyadda tababarka Carmo Col.Cali Caydiid Faarax oo ka hadlay xaflada ayaa sheegay in ciidankaasi oo muddo ku siman bil iyo bar uu tababar uga soconaayey kulliyadda tababarka ciidanka ee degmadda Carmo ay barteen waxyaabo fara badan oo salka ku haya hawsha looga baahan yahay in ay qabtaan ciidan ay leedahay dowlad hoose.
Image
Wuxuu xusay in waxyaabah ay barteen ay qayb ka tahay:

1,Ururinta cashuuraha
2,La dhaqanka bulshada
3,Iyo barashadda diinta, shuruucda dalka iyo waxyaabo kale

Wuxuu intaasi ku daray in dhaqaalaha ku baxay ciidankaasi inta uu u soconayay tababarku ay bixisay dowlada hoose ee degmada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Duqa degmadda Bosaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo ka hadlay madasha aya shegay in u jeedada tababarka ciidankaasi ay salka ku haysay in dowlada hoose ee degmada Bosaso ay hesho ciidan ka dhisan dhinacyada maskaxda,muuqalka iyo aqoonta,waxaana uu xusay in uu aad ugu farax sa yahay in dowlada hoose ay hesho ciidan tababar hufabn qaba.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in uu filayo in ciidankaasi ay gudan dooonaan waajibaadka shaqo ee horyaala.

Wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan oo ka hadlay xaflada ayaa sheegay in dhowaan ciidanka dowlada hoose ee degmadda Bosaso ay la kulmeen dhibatooyin salka ku haya dilal,waxaana uu xusay in ay ka feejignan doonaan dhacdadaasi madaama buu yiri ay tababar qabaan.

Mudane Cabdi Jamaal ayaa shegay in uu filayo in ciidanka dowlada hoose ee degmada Bosaso ay si wanaagsan ula shaqayn doonaan dadwayanah ku nool magaalo ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Waxaa sheegid mudan in ciidankaasi ay noqden dafcadii sagaalaad oo ka qalin jabisa kulliydaasi muddadii ay jirtay.

Maamulka gobolka bari,saraakiil ka socotay ciidanka asluubta iyo marti sharaf kale oo ka hadlay madasha ayaa si wayn u soo dhoweeyay ciidanka tababarka loo soo xiray maanta.

Ciidanka dowlada hoose ee degmada bosaso ayaa waxaa soo maray muddooyinkii ugu dambeeyay dilal qorshaysan oo lala beegsanayay xilli ay ku guda jirteen hawlahooda shaqo,waxaana dilalkasi ay sahaydeen nolosha ciidan fara badan oo qayb ka ahaa dowolada hoose ee degmada bosaso.

Si kastaba waa markii ugu horeysay oo tababar noocaasi oo kale ah ay qataan ciidanka dowlada hoose ee degmada Bosaso.

Cabdiqani Qalabad
Horseed Media
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Ciidan Tababar Loogu Soo Xiray Kulliyadda Carmo

Post by udun »

Maasha'Allah.

PL :som: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”