Aswell as Somaliland police chief arrive in dhahar.
Xoogaga Atam Oo La Wareegay Saldhigya Horleh, Isgaarsiinta Dhahar Oo La Jaray Iyo Taliyaha Booliska Sanaag Ee Somaliland Oo Dhahar Soo Gaaray
Written by Admins
Dhahar (SPR): Wararka nagasoo gaarayo jiidaha dagaaladu ay kasocdaan ee Galbeedka Gobolka Bari ayaa sheegaya in xoogaga taabacsan Maxamed Saciid Atam, ay gebi ahaanba lawareegeen magaalooyinka Galgala, Maraje, Afurur iyo Xumur kadib markii ciidamada Puntland ay faaruqeeyeen guud ahaan degaamada galbeedka kaxiga dhanka laamiga.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in xoogaga Atam ay shirar saakay kula qaateen odayaasha dhaqanka degaamadaasi, walow aan la ogayn waxyaalaha ay kawada hadleen. Dadka shacabka ayaa lasheegay in ay bilaabeen in ay ka qaxaan degaamadaasi, kadib markii ay dib usoo cusboonaatay dagaalada u dhaxeeya maamulka Puntland iyo xoogaga mucaaradka. Maxamed Cismaan Cali, oo kamid ah odayaasha haatan kasoo barakacay degaamada galbeedka gobolka Bari, ayaa idaacada SPR u sheegay in bulshada rayidka degaamadaasi ay soo wajahday cabsi , inbadan dadkaasina aysan haysan rakaab ay kusoo baxsadaan.
Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa sidoo kale dad farabadan sanadkii hore usoo barakaceen, iyadoo dadkaasi qaar aysan wali kunoqan degaamadooda. Dadka barakacayaasha ayaa lasheegay in ay la ildaran yihiin nolol xumo iyadoo goobaha ay soo dageen aysan lahayn suuliyo iyo biyo nadiif ah. Duqa degmada Dhahar, mudane Kilwe oo arintani walac ka muujiyey ayaa ugu baaq hay’adaha caalamagi iyo qurba joogta reer Maakhir in ay kaalmo lasoo gaaraan dadku ay dagaaladu aa’feeyeen.
Dhanka kale, Magaalada Dhahar ayaa Gabi ahaanba laga Jaray Isgaarsiintii ka hawl geli jirtay gaar ahaan shirkadaha Golis iyo Telecom, kadib markii uu amar ku bixiyey madaxweynaha Puntland, Faroole. Sidan oo kale ayaa sanadkii horena looga jaray isgaarsiinta Dhahar, xilli la saadaalinaayey in maamulka Puntland uu weerar u qorshaysnaa. Arintani ayaa dhalisay xasaasiyad aad u wayn, iyadoo shirkadahaasi hore loogu ee’deeye in aduun lacag ay kasameeyaan degaamadaasi, weligoodna aan wax dib ugu celin.
Sacaado kadib markii isgaarsiinta lajaray, waxaa magaalada Dhahar soo gaaray taliyaha ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag, Coronel Caydiid Axmed Nuur. Idaacada SPR oo ku booqatay Coronelka xerada duuleedka magaalada Dhahar ee Somaliland ayaa sheegay in halkaasi uu soo gaarsiiyey qalab isgaarsiin casri ah oo isugu jira taarar iyo teleefanada satteliteka. Corneelka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu heegan ay kujiraan, kana hortagi doonaan weerar kasta oo uu yimaada.
Arimahani oo idil ayaa imanaya, xilli maalmo kahor dagaal ba’ani kadhacay degmada Galgala oo u dhaxeeyey xoogaga Atam iyo maamulka Puntland. Dagaalkani ayaa dhaliyey saan saan colaadeed haatan’na saamaysay gobolka Haylaan oo la jaar ah gobolka Bari oo dagaaladu kasocdaan
Chaos unfolding in Puntland as Atam advances further..
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 14 Replies
- 1896 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 5 Replies
- 940 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 709 Views
-
Last post by Monk-of-Mogadishu
-
- 39 Replies
- 3693 Views
-
Last post by Shirib
-
- 35 Replies
- 274 Views
-
Last post by kambuli
-
- 57 Replies
- 4938 Views
-
Last post by melo
-
- 1 Replies
- 865 Views
-
Last post by vangandi
-
- 4 Replies
- 1131 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 3 Replies
- 36 Views
-
Last post by Xaaji_Waraabe-
-
- 13 Replies
- 948 Views
-
Last post by kalia
