east africa Imtixaankii Sanadka 2010-2011 oo loo Fariistay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

east africa Imtixaankii Sanadka 2010-2011 oo loo Fariistay

Post by FBISOMALIA »

Image

Ku dhawaad 250 ardey oo wax ka barta Jaamacadda Bariga Soomaaliya[East Somalia University] ayaa si rasmi ugu fariistay[Sabti] Imtixaankii sanadlaha ah ee 2010-2011 kuwaasi oo ka kooban qaybaha kala duwan ee Kuliyadaha Shareecada,Maamulka iyo dhaqaalaha.

Ardayda ayaa intii ay ku jireen imtixaanka waxaa booqasho ugu yimi qaar ka mid ah Aqoonyahanada,Odayaasha,Masuulyiinta Dowladda iyo Isimadda Puntland, kuwaas oo hadal kooban oo ay arday u jeediyeen kula dardaarmay in ay waxbarshadda xooga saaraan isla markaana ogaadaan in ay yihiin Iftiinka umadda ay sugayso Kulan dhex maray Maamulka iyo Wafdiga.

Intaas ka dib ayaa kulan saacado qaatay waxa uu si gaar ah Xarunta Jaamacadda ugu dhex maray Masuulyiinta Jaamacadda iyo wafdigii soo booqday Jaamacadda kaas oo si weyn looga hadlay xaalka Jaamacadda.

Maxamed Maxamuud Ciise, Maamulaha Jaamacadda ayaa Warbixin dheer uu siiyey Masuulyiintii soo booqday Jaamacadda ESU ayaa kaga hadlay habka jaamacadda loo asaasay iyo weliba sida ay u shaqeeyso, isaga oo xusay in ESU ay gartay horumar mudada sanadka ah oo ay jirtay taasina ay abaalkeeda leeyihiin dadkii lahaa fikradda lagu furay.

Maxamed waxa kale oo xusay in haatan ay ku howlan yihiin sidii loo heli lahaa dhisme rasmi ah oo ay Jaamacadda yeelato mustaqbalka dhow, isaga oo u gudbiyey Masuulyiinta in laga shaqeeyo sidii Qardho Jaamacadeeda u noqon laheyd mid la jaanqaada kuwa Soomaaliya.

Prof. Axmed Maxamed Barre oo ka mid ah Masuulyiinta ugu sareysa Jaamacadda Bariga Soomaaliya ayaa waxa uu si kooban uga hadalay hadafka ay la damacsan yihiin in ay gaarto Jaamacadda, isaga oo xusay in laga rabo in ay noqto mid guud ahaan Soomaaliya ugu sareysa.

” Bilowgii Jaamacadda waxa uu ahaa mid wanaagsan, sanadkii koowad waanu ka gudubnay si guul ah Alle ayaana mahadeeda leh, hadda waxaa na sugaysa sidii kan labaad loo sii wadi lahaa iyo weliba dhismaha jaamacadda oo aanu jecel nahay hadii dadka waxgaradka ah gacan ka geystaan in uu hirgalo, waxaa kale oo aan aaminsanahay hadii guri walba oo ku yaal Qardho $ 0.5 ( Nus Dollar) uu bixiyo in la dhisi karo dhisme ay leedahay Jaamacadda waxa ay dan u tahay caruurteena oo dhan in ay wax ka bartaan” ayuu yiri Prof. Axmed Barre.

Waxaa sidoo kale hadal ka jeediyey Odayaasha degaanka oo sheegay in ay baaq u jeedinayaan Jaaliyadaha dibadda ee u dhashay Qardho sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha Jaamacadda, iyagga oo sheegay in Qardho ay tahay meel waxbarsho isla markaana dadkeeda laga rabo in ay ka shaqeyaan sidii taasi ay u hirgeli laheyd.

Odayaasha ayaa sidoo kale Wasiiradda iyo masuulyiinta dowladda ee ka soo jeeda gobolkan ku canaantay in aysan ka soo bixin kaalintii kaga aadneyd horumarinta Gobolka, iyagga oona ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii Jaamacadda u noqon laheyd mid horumarta.

Xildhibaan C/laahi Dhaqaaje oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Puntland ayaa isaga waxa lagu farxo ku tilmaamay horumarka Jaamacadda gaartay sanad ka dib, isaga oona ka codsaday cid walba oo jecel horumarka Qardho in ay gacan ka geysto sidii loo heli lahaa dhismaha jaamacadda, waxa uuna kula taliyey ardayda in ay muujiyaan dhabar adeeg inta ay ku jiraan waxbarshada heerka Jaamacadeed.

Xoghahay Dowladda Hoose Qardho Maxamuud Maxamed Afgub iyo Siciid Maxamed Faahiye gudoomiyaha Waxbarshadda degmadda iyo ayaa waxa ay si wada jir ah u sheegeen in la rabo qof walba in uu tilmaamo taladda iyo fikradda, Jaaliyadda dibadda iyo dadka degaankana ay ogaadaan in aysan jirin cid iyagga u maqaan loogana rabo in ay degaankooda ka shaqeeyaan horumarkiisa.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka karkaar Cabdi quraan Maxamed Aadan oo isagana hadalka ku dheeraaday…… ayaa in badan ka hadal sida ay dadka Qardho uga gaabiyeen horumarka dalka intiisa kale ka socda.

” Reer Qardhood waxaa laga rabaa in ay iyagga isku tashadaan, oo mid baadiye jira iyo kan magaaladda joogaba xataa hadii ay isku dar daraan midkiiba $ 1 Dollar wax weyn ayeey qabneysaa, hadii Jaaliyadda dibadda ay rabaan horumarka degaankooda waxaan leenahay ka shaqeeya, oo ku dayda kuwa kale ee Magaalooyinka Puntland jooga sida ay degaankooda horumarkiisa uga shaqeeyeen” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Degmadda Qardho ayaa sanadkii 2010 waxaa si rasmi ah looga hirgeliyey Jaamacadda Bariga Soomaaliya taasi oo ay fikradeeda lahaayeen Aqoonyahano u dhashay degaanka, iyadda oo sanadkii koowaad si guul ah ku dhameystay, sanadka labaadna laga filayo in lagu kordhiyo kuliyado kale haduu Alle Idmo, waxana mahad balaaran loo jeediyey intii gacanta ka geystay horumarka Jaamacadda.

Xafiiska Warfaafinta Jaamacadda
info@eastsomaliauniversity.com
www.eastsomaliauniversity.com

Horseed Media
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: east africa Imtixaankii Sanadka 2010-2011 oo loo Fariist

Post by FBISOMALIA »

is that in right pic taking exam pinky boy :lol: :lol:
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: east africa Imtixaankii Sanadka 2010-2011 oo loo Fariist

Post by quark »

:som: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”