


SSC Students Graduation Ceremony (Xafladdii Qalin-jabinta Ardayda SSC Ee Ka Baxay Jaamacadaha Dalka India) (Sawirro).
Thursday, 28 July 2011 02:58
Qalinjabin4
Hyderabad(Jidbaale):-Xaflad ballaadhan oo ay isku yimaadeen ardayda SOOL SANAAG CAYN ee wax ka barata dalka INDIA, gaar ahaan magaladda Hyderabad. Xafladdaas oo ay soo agaasintay jaalliyadda SSC ee dalka INDIA, laguna maamuusayey Ardayda SSC ee sannadkan qalin-jabisay, xafladdaas oo ka dhacday Hotelka Taj Banjara. Dhagayso
Xafladdan Qalin-jabinta Ardayda SSC ayaa waxaa, khadka Telephone-ka kaga la qayb qaatay.
1. Garaad Jaamac Garaad Cali
2. Ibraahim Axmed Guure (Xoghayaha Dastuurka iyo Xidhiidhka Fedraalka Maamulka SSC).
3. Cumar Jaamac Saleebaan.. (Xoghayaha Warfaafinta Maamulka SSC).
Kulankan Balladhaan, oo ay ardaydu isugu yimaadeen ayaa wuxuu ahaa mid ku Bilowday Jawi Degan iyo Farxad. Waxaana Ardayda Qalin-jabinaysay Guddoonsiiyey Shahaadooyin-ka Prof. Balarama Varansi. President and Founder The Philosophical Society of Perspective Independence.
Ardayda ayaa kulaankaas kaga wada hadleen Qodobo fara badan oo ay ka mid ahaayeen.
1. In Tayada waxabarasho kor lo qaado.
2. In Bulasha waynta SSC lagu Baaraarujiyo Wax barashada.
3. In Ahmiyad gaar ah la siiyo Arimaha bulshada sida. Caafimaadka, waxbarashada, Deegaanka, Nabadgalyada.
4. In laga wada shaqeeyo midnimada SSC iyo Somaaliwayn-ba
5. In dhalinta lagu wacyi galiyo Wax-barashada iyo Muhiimadda ay ku leedahay Deegaanka.
Kulaankaas ayaa waxaa si toos ah kaga qayb-qaatay khadka Telephone-ka Garaad Jaamac Garaad Cali. Garaadka ayaa u hambalyeeyey, una Duceeyey Ardayda qalin- jabisay iyo dhamaan Jaaliyadda SSC ee magaalada Hyderabad.
Garaadka ayaa ardayda aad ugu Booriyey wax barashada iyo muhiimadada ay leedahay.
Sidoo kale Waxaa iyana hadalo kooban ka jeediyey Ibraahim Ahmed Guure iyoCumar Jaamac Saleebaan, oo ay ardayda ku baraarujiyeen Waxbarshada. iyo midnimada Gobolladda SSC. Allaaah mahad iska Leh.
Dhowaan haddii Allaha Weyni Ogolaado waxaanu Idiinsoo Bandhigi Doonaa Xafladan Oo Leh Sawirro Iyo Maqal.
Ahmed Mohd. Ahmed
Hyderabad.
India.