http://kismaayo24.com/?p=13657
Warar inaga soo garaya Magalada Cabudwaaq ee Xarunta Maamulka Ahlusunna ayaa tibaxaya in Shirki lagu waday in uu furmo manta in u dib u dhacay Sababo lagu macneyay Wufuud ka kala imanaysa Dhowr Wadan oo Afrika ah.
Sido kale waxaa la filaya wafdi Baralan oo u hogaminayo Siyaasiga weyn ee Bare Adan Shire Col. Bare Hiraale wafdigaas ayaa waxaa ay ka soo kicitimayaan Gobolka Gedo Halkaas oo ah Xarunta Maamulada Ahlusunna ee Gobolada Konfureed.
Col:Bare Hiraale aya Waxaa la filaya in u ku sugnan doono Magalada Cabudwaaq inta u socda Shirka Maamulka Ahlusunna Waljaamaaca ka dib na uu dib ugu soo labanayo Gobolka gedo.
Shalay Magalada Cabudwaaq waxaa soo garay Wafdi u hogaminayo Gudomiyaha Ahlusunna ee Wadanka Somalia iyo Wafdi kale oo ka socday Urur Goboleedka IGAAD Waxana si weyn logu soo dhaweyay Magalada Cabudwaaq .
Manta Waxaa la filaya Wafdi kale oo ka socda UN ka kuwaas oo goob joog ka noqonaya Natijada ka soo baxda Shirka mudada la abaabulayay ee ay qabsanayaan Maamulada Ahlusunna .
Magalada ayaa waxaa laga dareemaya Saxmad aad u badaan waxaan siweyn lo adkeyay Amaanka Guud ee Magalada ayado aad wadoyinka waweyn ee magalada ku arkaysiid Ciidamo aad u qalabeysan oo gaaf waregaya guud ahaan Magalada Waxaa sido kale Ciidamo qaas ah la dhigay Xarunta u shirku ka dhacayo iyo waliba Hotelada aya daganyihiin Wufuuda ka qayb galaysa Shirweynaha Ahlusunna Waljamaaca.

