Garowe, Janu, 23 - Dawladda Turiga ayaa dawladda Puntland ugu deeqday dhisme ballaaran oo masjid kaasi oo dhawaan laga dhisi-doono magaalada Garowe.
Wasiirka caddaaladda Puntland C/kariin Shiikh Xassan ‘Ajaayo’ oo waraysi gaar ah siiyay radio Daljir ayaa shaaca ka qaaday intaan la bilaabin dhismaha masaajidka in dalka Turkiga gaar ahaan caasumadiisa Istabul tababaro lagu soo siin doono culumaa'udiin iyo qaar-kamida shaqaalaha wasaaradda caddaaladda Puntland, si ay fikir iyo aragti fiican uga heleen masaajid-ya Turkiga iyo habka looga faa'iidaysto.
Wasiir Ajaayo, ayaa sheegay in masjidkaasi uu ka koob-naan doono dhismayaal kale duwan oo u kala baxaya, sida goobo lagu cibaadaysto, goobo lagu shiro, goobo wax-lagu akhristo, goobo jimicsi, goobo waxbarasho, iyo goobo meherado ah.
Wasiirka cadaalada Puntland C/kariin Shiikh Xassan 'Ajaayo' ayaa tilmaamay in mashaariicda dhismayaasha masaajida uu yahay mid ay dawladda Turkigu ugu yaboohday guud ahaanba dalka Soomaaliya maamulada ka jira, balse arrintaasi ay kala tashanayso DFKS.
Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Turkigu waxaa ay lagu xasuustaa taariikhda dawlaha islaamka dhismayaasha masaajida, tusaale ahaan dhismaha masjidka Maka Al-mukarama ee barakaysan iyo dhismayaal qadiimiya oo masaajid kuwaasoo ay ka dhistay qaaradaha dunida.
Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.
turkey donate PL by building a mosque
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 3193 Views
-
Last post by Museyusuf
-
- 4 Replies
- 667 Views
-
Last post by Nomand
-
- 20 Replies
- 2621 Views
-
Last post by SummerRain
-
- 8 Replies
- 4990 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 3346 Views
-
Last post by Coeus
-
- 8 Replies
- 1458 Views
-
Last post by Titanium
-
- 9 Replies
- 2237 Views
-
Last post by waayeel101
-
- 8 Replies
- 2110 Views
-
Last post by Lancer
-
- 20 Replies
- 2441 Views
-
Last post by AbdiJohnson
-
- 8 Replies
- 3498 Views
-
Last post by abodu