04 March 2012 Waagacusub.com- Inkastoo beesha Daarood arrimaha qaar ku kala aragti duwan yihiin oo loolan dhexdooda ka jiro hadana marka la qiimeeyo waxay horumar weyn ka gaareen dhinacyada Siyaasadda,dhaqaalaha,gaashaandhiga iyo degaanka.
Qadiyada Daarood ka siman yihiin waxay tahay inay dadkooda iyo degaanadooda ilaashadaan halka Hawiye iyo Isaaq 22 sano u muuqdaan kuwa ku mashquulsan gumaadka shacabkooda,iskala gur dhexdooda iyo siyaasad xumo ku dhisan qiyaali iyo huuhaa.
Horumarka Beesha Daarood iyo Degaanada ?
Madaxweynaha iyo Saraakiisha ugu sareeysa Degaanka Ismaamulka Somalida ee Killinka 5-aad waxay ka soo jeedaan beesha Daarood gaar ahaan Ogaadeen,iyagoo kuraas badan ku leh Golayaasha Dowladda dhexe ee Ethiopia.
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin wuxuu ka soo jeedaa Beesha Daarood oo saami balaaran ku leh awoodaha dalka Kenya sida Golayaasha oo laga xusi karo Wasiirka Difaaca Kenya Yusuf Xaaji.
Daaroodka Kenya waxaa la dhihi karaa iyagaa ka arrimiyo dhulka Somalida ee NFD.
Beesha Daarood oo siyaasada Somalia awood balaaran ku dhex leh waxaa u gooniya Maamuladda Puntland State,Khaatumo State iyo AZANIA.
Sedexdaan maamul ma jiraan qabiilo ka baxsan beesha Daarood oo golayaasheeda iyo hogaanka sare ku jira halka Beesha Daarood kuraasi waaweyn oo heer Wasiiro ku leeyihiin Maamuladda Somaliland iyo Galmudug oo ka dhigan labada Maamul ee Isaaq iyo Hawiye ku magacaaban yihiin.
Wasiiradda Gaashaandhiga iyo Warfaafinta Somaliland oo kala ah Cadami iyo Xaabsade waxay u dhasheen Beesha Daarood gaar ahaan Warsangeli iyo Dhulbahante,waxaa dheer Abaanduulaha Ciidamadda Somaliland oo isagana ah Dhulbahante iyo Golayaasha oo ay xubno fara badan ku leeyihiin.
Wasiiradda Dekadaha,Kaluumeeysiga iyo Warfaafinta Galmudug waxay u dhasheen beesha Daarood gaar ahaan Mareexaan iyo Carab Saalax.
Gudoomiyaha Maamulka Ahlusuna Wal Jameeca ee gobolada dhexe ninka ku magacaaban wuxuu ka soo jeedaa beesha Daarood gaar ahaan Mareexaan.
Dowladda dhexe ee Somalia waxay beesha Daarood ku leedahay awood ka badan inta Isaaq ama Dir ku leeyihiin!
Anigoo soo bandhigi doono saamiga muuqdo ee beesha Daarood ku dhex leedahay Dowladda dhexe hadana waxaan jecleeystay inaad ila daawataan sawirkaan la qaaday xilli Madaxweyne Shariif,Ra’isulwasare Gaas iyo Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole gelayeen Xafiiska Ra’isulwasaaraha Ingiriiska ee 10 Downing Street.

Sawirka wuxuu muujinayaa Cabdiwali Gaas iyo Cabdi Raxmaan Faroole oo safka hore socda halka Madaxweyne Shariif iyo Wasiirkiisa Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise socdaan meesha nidaam ahaan loogu tala galay Ilaalada Madaxda.
Faroole iyo Gaas oo ka soo jeeda beesha Daarood gaar ahaan Majeerteen wuxuu sawirkooda muujinayaa sida uu Faroole u rumeeysan yahay inuu yahay Madaxweynaha Somalia halka Shariif Ahmed iyo Xuseen Carab Ciise oo u kala dhashay Isaaq iyo Hawiye u muuqdaan ilaalo ama Wasiiro la socda Madaxda Somalia.
Kuraasta muuqato ee beesha Daarood ku leeyihiin Dowladda dhexe ee Somalia waxaa ugu muuqaal weyn.
1- Cabdi wali Gaas Ra’isulwasaaraha Somalia, Daarood Majeerteen
2- Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha, Daarood,Ogaadeen
3- Dr Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta.Daarood,Mareexaan
4- Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta,Daarood,Leelkase
5- Axmed Caydiid Ibraahim Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare Daarood Dhulbahante.
Beesha Daarood horumarkeeda dhinaca siyaasadda maaha in laga xumaado maxaa yeelay waa qabiilo Somalia laakiin qormadeena waxaanu ku eegeeynaa maxay ku kala duwan yihiin Hawiye ,Daarood iyo Isaaq.
Madaxda Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Hawiye iyo Isaaq halkii laga rabay inay dadkooda iyo degaanadooda horumar gaarsiiyaan waxay ka doorbideen inay ku noolaadaan SHEEKO BARALEEY, ISNACEYB DHEXDOODA,INAY DADKOODA DILAAN.
Madaxweynaha Somalia Shariif Sheekh Ahmed wuxuu ogol yahay in Puntland,Khaatuma iyo Azania noqdaan maamul goboleedyo la aqoonsan yahay laakiin ma ogola in Shabeelada dhexe,Hiiraan iyo Gobolka Banadir laga dhiso maamul goboleed metela beesha uu ka dhashay ee Hawiye,sidoo kale ma ogola inuu aqoonsado ama wax taro Galmudug iyo Awdal State.
ISAAQ IYO HAWIYE waxay ogol yihiin IN DAAROOD TIISA GAAR U LAHAADO,TAN HAWIYE IYO ISAAQNA UU WAX KU LAHAADO. “TEEYDANA ANAA LEH,TAADANA ANAA KULA LEH”
Boqor Cismaan Buur Madoow oo aan Wareeystay laba todobaad ka hor wuxuu sheegay inuu aqoonsan yahay Maamulka ay dhisteen Beesha Dhulbahante Daarood laakiin wuxuu yasay,oo libin u diiday Maamulka Beesha Gadabuursi ee AWDAL STATE.
Boqorka wuxuu Gadabuursi u arkaa qabiil la dhashay oo Dira ,hadii ay rabitaankooda diidaana aysan jirin cid ay uga baqayaan inay laayaan laakiin Dhulbahante waa DAAROOD.
BEESHA ISAAQ Waxay 21 sano kobaha uga dhamaadeen Ictiraaf raadin halka sanadkii ugu dambeeyayna uu halgankoodii ku biyo shubtay XISBI FURIS,iyo yooyootan dhexdooda ah.
HUUHAA IYO HADAL QIYAALIYA HAWIYE IYO ISAAq U DAA; HORUMAR SIYAASADEED IYO HOWLKARNIMO U DAA DAAROOD. sidaas waxaan ku iri Hawiye waxay ku habsaameen Habargidir yeey wax noqon iyo Abgaal yeey wax noqon balse ka dar oo dibi dhal maanta waxaa yimid Madaxweyne Shariif oo u dagaalamaya Habargidir daayoo,Waceeysle iyo Wacbuudhan yeey wax noqon,waa Abgaal laga soo tag halka Isaaqna ay ka tahay Garxajis waa xoolo beelay,Habar Awal waa galafaatay iyo Habar jeclo waa gaartay geedkii haraca weynaa.
WAA SIDII UU YIRI,SIYAASIGII GADABUURSI CALI XAAJI XERSI “SOMALI IRIRBAA UGU NASIIB DARAN,DAAROOD RAG DHEH”
Dahir Alasow.
http://waagacusub.com/news/04.03.12.1daarood.htm