Rayaale Iyo Ku Xigeenkiisa Oo La Sheegay Inay Isku Qanciyeen In Mar Kale Ay U Ordaan Madaxtinimada Dalka, Siyaasiyiin Miisaan Ku Leh UDUB Oo La Filayo Inay Ka Dhaqaaqaan Dhawaan
Hargeysa, April 19, 2012 (Haatuf) – Madaxwaynihii hore ee Somaliland iyo ku xigeenkiisii, isla markaana ah Guddoomiyaha iyo ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen in mar 3-aad ay u ordaan Musharaxnimada Madaxwayne-nimo hadii xisbigoodu ka soo gudbo doorashadda golayaasha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto.
Sida uu Wargeyska Haatuf uga xogwarantay Masuul ka tirsan xubnaha sarsare ee xisbiga UDUB, kaas oo ka cudurdaartay in magaciisa la shaaciyo, ayaa tilmaamay khilaaf mudo dhexmiranayey Rayaale ku xigeenkiisa ay ka heshiiyeen, isla markaana ay isku afgarteen inay muquuriyaan siyaasiyiinta Udub ee damacu kaga jiray inay xisbigaas iska soo dhex sharaxaan.
Sidoo kale Masuulkaas ayaa waxa uu intaas ku daray in tan iyo maalintii uu Daahir Rayaale laalay Musharaxnimadii golaha dhexe ee UDUB u doorteen Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, isla markaana dad badani sheegeen inuu garabka saaray Wasiirkii hore ee duulista Cali Maxamed Warancade ee lagaga adkaaday tartankii Musharaxnimada ee xisbigaas dhexdiisa in mawqifkaasi isdalay ka dib markii lagula taliyey inay labadoodu mar 3-aad isa-soo sharaxaan Musharaxiinta Udub u tartami doonta Doorashada Madaxtooyada.
Dhinaca kale Masuulkan ayaa sheegay in Rajada kaliya ee Xisbiga UDUB uu u lahaa in bulshada reer Somaliland mar kale dib u soo doorataa ay ku jirtay oo kaliya Jamaal Cali Xuseen oo loo ogolaado inuu hogaamiyo xisbigaas, hadii kalese aanu ka soo bixi doonin doorashada golayaasha deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomi doonta. Ugu horayna Masuulkaasi isaga oo ka hadlaya heshiiska Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu yidhi “Waxay ku heshiiyeen Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin inay mar sadexaad u tartamaan Musharaxnimada xisbiga UDUB, waxaanay damacsan yihiin in doorashada deegaanka wixii ka danbeeya ay ku dhawaaqaan, sababta oo ah hadii ay imika ku dhawaaqaan damacoodaas Musharaxnimo cid ka aqbalaysaa ma jirto iyaguna kalidood waxba ma qabsanayaan”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Jamaal imika wuu ka niyad jabay xisbiga UDUB, sababta oo ah isagu waxa uu doonayey inuu difaaco karaamada xisbigaasi ummadda reer Somaliland ku dhex leeyihiin, oo uu muujiyo inuu yahay xisbiga ugu wayn ee Somaliland ka jira. lacagtiisii waxyar oo la isticmaalay mooyaane intii badnayd wuu la baxay oo wax aan ka badnayn ilaa $70,000 ayaa laga isticmaalay oo uu inta ugu badana isaga ku baxday, intii kale wuu qaatay oo xisbiyada kale kii uu u arko inuu ummadda dani ugu jirto ayuu ka dhex ifi-doonaa”.
Masuulkan UDUB ka tirsani mar uu ka hadlayey rajada laga qabo in xisbigaasi uu mar danbe ka mid noqdo saddex xisbi qaran, waxa uu yidhi “Xisbiga UDUB rajada kaliya ee u banaan ee ummadu mar danbe ku aqbali karaysay waxa ay ahayd iyaga oo ogolaada Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen, sababta oo ah xisbigayagii kor ayuu u soo kacay markii uu Jamaal ku dhawaaqay inuu u tartamo jagada ugu saraysa xisbiga, taasise waxay u cuntami wayday Wasiiradii Rayaale ay iskugu dhawaayeen oo dhan, hadii ay xataa Wasiiradii Rayaale hogaanka UDUB loo dhiibo xisbigaasi ka mid noqon maayo saddex Xisbi ee tartanka doorashada deegaanka ku guulaysta”.
Daahir rayaale and A.Yasin to run again for President and VP
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
- SultanOrder
- Posts: 21695
- Joined: Thu Mar 26, 2009 10:10 pm
- Location: Peace!
Re: Daahir rayaale and A.Yasin to run again for President an
I applaude the man, if every leader in africa that wanted to be just a dictator would just step down and try again at the ballot, Africa would be much better off

- SultanOrder
- Posts: 21695
- Joined: Thu Mar 26, 2009 10:10 pm
- Location: Peace!
Re: Daahir rayaale and A.Yasin to run again for President an
I applaude the man, if every leader in africa that wanted to be just a dictator would just step down and try again at the ballot, Africa would be much better off

- abdikarim86
- SomaliNet Super

- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
- Rightwing
- SomaliNet Super

- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Daahir rayaale and A.Yasin to run again for President an
Perfect_Order wrote:I applaude the man, if every leader in africa that wanted to be just a dictator would just step down and try again at the ballot, Africa would be much better off![]()
![]()
I agree with you 100% Africa has to learn and use of ballots instead of bullets
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 710 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 547 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 18 Replies
- 1046 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 50 Replies
- 2987 Views
-
Last post by ModerateMuslim
-
- 44 Replies
- 2453 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 13 Replies
- 2172 Views
-
Last post by Leopard2
-
- 14 Replies
- 935 Views
-
Last post by SummerRain
-
- 28 Replies
- 1721 Views
-
Last post by Khalid Ali