Amisom bans Farmaajo protests

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Amisom bans Farmaajo protests

Post by Sagaashan »

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galabta looga yeeray Xarunta Xalane oo Talis u ah Ciidamada AMISOM.

Sida ay sheegayaan wararka kulankan oo ahaa mid looga hadlayay ammaanka ayaa waxaa uu dhex maray Mr Farmaajo iyo Kuxigeenka Ergeyga Midowga Afrika Wafula Wamunyinyi iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM, iyadoo kulanka uu ahaa mid muddo badan qaatay oo ay albaabada u xirnaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadlay shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, markii banaan baxayaal taageersanaa Farmaajo lagu rasaaseeyay agagaarta Taalada Sayidka, iyadoo shaqaaqadaas ay ku dhinteen labo ruux oo mid uu ahaa askari ka tirsan dowladda, halka labo kalena ku dhaawacmeen.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Jowhar.com in Saraakiisha AMISOM ay ku wargeliyeen Farmaajo in aanu adeegsan mar kale dadweyne isaga taageersan oo magaalada isu soo bax ka dhiga, :shock: si aanay amniga magaalada u qal qal gelin, isla markaana wixii shalay dhacay oo kale aanay mar kale imaan.

Sidoo kale waxaa looga codsaday in arrimaha socda gaar ahaan dhinaca ammaanka aanay saameyn ku yeelan ololihiisa doorashada, waxaana si gaar ah looga hadlay sidii musharaxiinta looga ilaalin lahaa Ciidamada kala duwan ee dowladda oo aanay musharaxiinta isticmaalin.

Waxaa kaloo kulanka oo qeybka ahaayeen Saraakiil ka tirsan dowladda la faray inay la socodsiiyaan musharaxiinta kale inay ammaanka adkeeyaan oo aanay dano siyaasadeed u isticmaalin Ciidamada dowladda, waxaana la sheegay in si wada jir ah ay uga soo saari doonaan go'aano la xiriira ammaanka Muqdisho inta lagu guda jiro doorashada dhowaan dhici doonta.

jowhar.com
User avatar
SultanOrder
Posts: 21695
Joined: Thu Mar 26, 2009 10:10 pm
Location: Peace!

Re: Amisom bans Farmaajo protests

Post by SultanOrder »

hearsay, let there be a statement from him or Amisom.
Colonel
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6708
Joined: Wed Jul 20, 2011 5:00 pm

Re: Amisom bans Farmaajo protests

Post by Colonel »

A reasonable decision considering the chances of large crowds being targeted by bombers, I wouldn't be surpruised if Sheikh Sharif has something to do with it and if so kudos to him for this tactical move.

Gotta admit AMISOM has done well in Xamar, may they stay there for many years to come
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34540
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Amisom bans Farmaajo protests

Post by Hyperactive »

miskeenkan mey iska dayan. wallah wey duleyen. qof ku mar hadu hukum arko ilen wo ba washa like sheikh shariif. all common sense goes from the door!! Wa ayamo barakeysan Allaho amooraha sahan.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Amisom bans Farmaajo protests

Post by original dervish »

they need to leave asap.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”