Xiisad ayaa ka taagan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo Ciidamo fara badan Itoobiyaan oo fariisin ku lahaa duleedka degmada ay gudaha u soo galeen, markii xalay ay dhacday shaqaalo lagula baxay Maxaabiis ku jiray xabsiga degmada.
Sida ay sheegayaan wararka xiisadan ayaa salka ku heysa khilaaf soo kala dhex galay Maamulka Ahlusuna, gaar ahaan Maamulka dowladda dhowaan magacawday ee horay Ahlusuna uga tirsanaa.
Wararka ayaa sheegaya in xalay Maleeshiyo taabacsan Ahlusuna ay weerar ku qaaday Guriga Gudoomiyaha degmada Guriceel ee dowladda magacawday Cismaan Ciise Taar-dhuleed, kaasoo horay Gudoomiye u ahaa Ahlusuna.
Saldhiga degmada Guriceel ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Ahlusuna, iyadoo Ciidamo fara badan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha degmada Cismaan Ciise Taar-dhuleed ay ku sugan yihiin meel ka mid ah degmada.
Goobaha ganacsiga ayaa ah kuwo albaabada u xiran, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in lagu dul dagaalamo, hase ahaatee Ciidamada Itoobiya ayaa u muuqda kuwo kala dhex galay labada dhinac oo soo buuxiyay saldhiga booliska.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ahlusuna iyo kan dowladda ee Gobolada Dhexe, iyadoo xiisadan ay noqoneyso tii u horeysay ee Ahlusuna dhexdooda labo dhinac ugu kala qeybsamaan waa dhinaca dowladda iyo Ahlusunadii horay u maamuli jirtay Gobolka Galgaduud.
Dhowaan ayaa Dowladda Soomaaliya Maamul u magacawday Gobolka Galgaduud, iyadoo Gudoomiye Gobol iyo gudoomiyeyaal degmo ay dib u magacawday degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel oo ay u dhiibtay Gudoomiyeyaashii Ahlusuna.

