Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka isla markaasna la beel ah Col Bare Hiiraale ayaa la sheegayaa inay haddaka dhinac safan yihiin ciidamadiisa isla markaasna dagaal kula jiraan Jabhadda Raaskambooni,waxaana wararku sheegayaan in ciidamadani ay sheegeen siro badan oo ku aadan meelaha kaydka hubka u ah jabhadda Raaskambooni.
Intii badneyd jabhadda raaskambooni ayaa la sheegayaa inay magan galeen Jamaacadii kismaayo isla markaasna ay magan caawa u yihiin ciidamada kiiniya ee halkaasi ku sugan,
Dhinaca kale waxaa Rasaastii laga joojiyey haraadigii ku harsanaa Sartii K2 ee magaalada kismaayo halkaasi oo lagu hareereysan yahay,waxaana laga codsanayaa inay isa soo dhiibaan iyadoo ay jiraan wada hadallo lala furayo dhinacooda isla markaasna lagu wargelinayo inaan la dili doonin balse hubka dhigis lagu sameynayo.
Dhinaca kale Jeneraal Fartaag ayaa la sheegayaa inuu isagu ku sugan yahay Garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo halkaasi oo uu isna magan u yahay ciidamada dawlada kiiniya iyadoo la sheegayo inuu doonayo inuu laftiisu isu soo dhiibo ciidamada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire Hiiraale.
Khasaaraha Dagaalka
Dagaalkii maanta waxaa ku geeriyooday 23 askari oo 15 ka mid ahi yihiin jabhadda Raaskambooni iyadoo 5 ka mid ah ciidamada Bare hiraale halka 3 -da kale ay yihiin shacab,waxaana la sheegaya in wali xaafada siinaay ay yalaan maydad ka tirsan kuwa Jabhadda Raaskambooni kuwaasi oo hadda la wado in meesha laga qaado. Dhinaca kale waxaa laga qabsadey 4 gaari oo nooca dagaalka ah jabhada Raaskambooni iyadoo sidoo kalena la gubay idaacadii ku hadli jirtey afka Jabhadda Raaskambooni oo wali holcaysa.
Si kastey ahaataba Axmed Madoobe iyo kooxdii tageersaneyd ayaa la sheegaya inuu gabalku u dhacay isla markaasna aanay jirin wax gacanta ugu jiraa iyadoo Axmed Madoobe hadda ku sugan yahay magaalada Addis Ababa isla markaasna ogolaaday in Maamulku uu noqdo mid ku meel gaar ah.
Interesting, I wonder what happened to those who said Fartaag has the loyalty of his troops, they exposed many good intel like the hideout of ras kambooni weapons, their tactics etc, its good to see Sade united.


