IYO TIRADDA ASKARTA QAADANAYSA DEREJADDA.
Saturday July 20, 2013
Hargeysa(CYN)-Xukumadda Somaliland oo ayaa si rasmi ah u
shaacisay wakhtiga la bixinayo Derejadda Ciidamadda Qaranka
Somaliland oo oo in muddo ahba La Sugayay waxaanna
sidaasi sheegay wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo maanta La hadlayay Ciidamadda Jiida Hore ee Ciidanka Malatariga Somaliland .
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland mudane Xirsi Cali
Xaaji Xasan ayaa sheegay In si Rasmi ah loo Bixinayo
Deradda Ciidamadda Qaranka Bisha Ramadaan kadib
waxaanna uu sheegay inay Derejadda Ciidamadda ay
qaadanayaan 10,000 oo Askariga kuwaasi oo oo iskugu
jira Derejooyin Kala Duwan sidda xidigle Kabtan iyo Dable iyo Qaarkale oo Badan.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in aanay
Derejadda La siin doonin Ciidamadda Technicalka ah sidda Daarwalayaasha iyoFarsamo Yaqaana
Kale ee Ciidanka Qaranka Somaliland .
Waxaanna Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland uu sheegay inuu aad ugu Faraxsan yahay inay
Ciidanka Qaranka Somaliland guud ahaan ay Tiro Intaasi Gaadhaysaa ay Qaadanayso
Derejooyinkala Duwan.
Waa Markii Ugu Horaysay ee Xukumadda Somaliland si Rasmi ah u shaaciso Wakhtiga La
Bixinayo Derejooyinka Ciidanka Qaranka Balse ilaa hadda si Rasmi ah looma Shaacin Sababta
keentay in Derejadda Laga Reebo Saraakiisha dhinaca Farsamooyinka ee Ciidanka Qaranka


