Interior Minister Visit's The Nation's Second Capital.......

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Interior Minister Visit's The Nation's Second Capital.......

Post by oxymoron »

Somalia's Interior Minister Visit's The Nation's Second Capital Hargeysa In Northwest Somalia. :som: :som: :som: :up: :clap:

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya oo Booqasho Ku yimid Somaliland
Image
Image

Hargeisa(WNN) waxa maaliintii shalay soo gaadhay magaaladda hargeysa wasiirka arirmaha gudaha somaliya cabdikariin xasan guuleed (dhagajuun) isagoo wasiirku xalay u hoyday hargeysa islamarkaana ilaa maanta ku sugan caasimada somaliland ee hargeysa
arintan imaanshaha wasiirka dawlada somaliya ka tirsan ayaa ah mid ay ula yaabanyihiin shacabka somaliland, dadka reer somaliland ayaa arintan maanta aad u faaqidaya waxaanay qaarkood sheegeen inay arintani tahay mid halis galinaysa qaranimada iyo madaxbanaanida somaliland
sharciga u yaala somaliland ayaa mamnuucaya in masuul ka tirsan dawlada somaliya yimaado dalka somaliland maadaama oo aanay xukuumada somaliya aqoonsanayn dawladda somaliland,
wasiirka maanta hargeysa ku sugan ayaa ah wasiirkii dhawaan shirka jaraa’id qabtay islamarkaana sheegay inay somaliland shirkiii turkiga kaga wada hadleen sidii somaliland u qaadan lahayd midnimada somaliya
dhanka kale wararka baligubadlemedia helayso ayaa sheeegaya in xaaska wasiirka arrimaha gudaha somaliya degantahay hargeysa, islamrkaana wasiirkan reerkiisu ay degnayihin magaaladda hargeysa iyago wararku intaas ku darayaan in wasiirka arrimaha gudaha somaliya hada ku suganyahay guriga uu ka deganyahay magaaladda hargeysa, baligubadlemedia oo isku dayday inay khadka telefoonka kula xidhiidho wasiirka arimaha gudaha somaliya ayaanay u suurto galin kadib telefoonkiisa gacanta oo damsanaa awgeed
isku soo wada duuboo xukuumada siilaanyo ayaa si badheedh ah gu takri falaysa sharciga dalka u yaala iyadoo qaranimadii somaliland ka doorbiday midnimadda somaliwayn, waxaanay arintani noqonaysaa mid halisteeda leh islamarkaana keeni karta kacoon shacbi maadaama oo meesha laga saarayo qaranimadii somaliland islamarkaaana si badheedh ah xukuumadda siilaanyo ugu tixgalinayso midnimada somaliwayn
golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaan ila hada yagu ka hadal arintan foosha xun ee ay ku dhaqantay xukuumadda siilaanyo, balse waxay arintani keenaysaa in la afgambiyo xukuumadda siilaanyo maadaama oo ay si badheedh ah u wiiqday qaranimadii iyo madaxbanaanidii somaliland

August 4th, 2013 | Category: NEWS

source: http://www.warkanews.com/wasiirka-ar...id-somaliland/
Last edited by oxymoron on Mon Aug 05, 2013 3:10 am, edited 1 time in total.
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Interior Minister Visit's The Nation's Second Capital...

Post by oxymoron »

Wasiir Suujino oo lagu arkay Somaliland(Rumeyso ama Ha Rumeysan)
Written by Administrator
Sunday, 04 August 2013 02:47

Warar isa soo taraya oo Shacabkamedia soo gaaraya ayaa sheegaya in Wasiirkii arimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed C/kariin Suujino uu ka soo dagay Garoonka Ber-Bera,isagoo loo galbiyay Magaaladda Hargeysa.

Wasiirkan oo aan la aqoon sababta ka dambaysa inuu Somaliland dhuumasho ku yimaado aysan ka war-heyn Xildhibaandda Baarlamaanka ayaa u baahan in la is-weydiiiyo,inkastoo Kaameeradda Wareegta ee Shacabkamedia oo Suxufiyiin Paparazi ah oo Somaliland ku dhaqan ay ku guuldaresteen inay sawirro qarsoon ka soo qadaan Wasiirkan dhuumashadda ku jooga Somaliland.

Hadal-heynta ugu badan Magaaladda Hargeysa ayaa noqotay in Wasiirkan uu si qarsoodi ah Madaxtooyadda Hargeysa ee Somaliland ku joogo,lamana yaqaan inuu la kulmayo Madaxweynaha Somaliland,balse arintaas waxaa looga shakisan-yahay inay daba-socoto heshiiskii Reer Muqdisho iyo Reer Hargeysa Magaaladda istanbul ku yeesheen,halkaas oo ay ku qeybsadeen in Dayuuraddaha Soomaaliya laga kala hago Hargeysa iyo Muqdisho,inkastoo arintan uu weli hortaagan yahay Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta C/laahi Ciilmooge.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland
Runta Kama-Xıshoono
Email:Shacabkamedia@live.com
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Interior Minister Visit's The Nation's Second Capital...

Post by AbdiWahab252 »

:stylin: IRIRISM :stylin:
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Interior Minister Visit's The Nation's Second Capital...

Post by AhlulbaytSoldier »

Dadkaan ma xishoodaan?
We are in the holy month of Ramadan for God's sake.

Majority of Somalis are liars.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”