He is gaining from unimaginable Places. read the up Word by Word. --> More International supportMADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Maanta way cadaatay in Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya oo keliya
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya iyo Afrika oo keliya, balse ay khatar ku tahay caalamka oo dhan.
Xasan Sheekh oo ka hadlayay Mareykanka ayaa sheegay in khatarta ay ku hayso Al-shabaab dunida ay caddeyn u tahay weerarkii ay la beegsadeen xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi.
“Maanta way caddaatay in Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed oo keliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo intaas ku daray. “Balse waxay khatar ku yihiin dalalka Afrika iyo kuwa caalamka oo dhan.”
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay dunida oo dhan inay u midoobaan sidii kooxdan loo jabin lahaa, isagoo xusay inay ka go’an tahay dowladda Soomaaliya inay ammaanka dalka adkeyso ayna ka adkaato Al-shabaab.
“Muhiimadda koowaad ee dowladda waa inay adkeyso ammaanka ayna ka hortagto inta awooddeeda ah khatarta Al-shabaab ay ku hayso shacabkeena, inkastoo ay mararka qaarkood wax dhacaan,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.
Horraantii bishan ayuu madaxweynaha Soomaaliya ka badbaaday isku day ay ku doonaysay Al-shabaab inay ku disho, kaddib markii gaadiid uu watay oo ku socday degmada Marko lagu weeraray miinooyin waddada dhinaceeda lagu aasay.
Imaamka Ibraahim Baraki oo ka mid ah mas’uuliyiinta masaajidka weyn ee Abuubakar Al-Sadiiq iyo xarunta waxbarashada ee masaajidkaas oo ku yaal magaalada Menneapolis ee gobolka Minnesota ayaa shaki weyn geliyay inay Al-shabaabku muslim yihiin.
“Al-shabab waa dambiilayaal,” ayuu yiri Sheekh Baraki oo intaas ku daray. “Ma ahan Muslim, waayo waxay bedeleen barashada islaamka. Ujeeddada ugu weyn ee ay leeyihiin waa sidii ay dunida uga abuuri lahaayeen qas.”
Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada gacanta siiya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa waxay sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall oo ahayd goob ay ka dukaameystaan dadka reer galbeedka ah ee ku nool Kenya iyo shacabka Kenya ee hantida haysta.
Weerarkaas ayaa la sheega yinay ku jireen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka tagay dibadda, kuwaasoo la sheegay inay ka yimaadeen dalalka Yurub qaar ka mid ah Mareykanka.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Maanta way cadaatay in Al-shabaab
Moderator: Moderators
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Maanta way cadaatay in Al-shabaab
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 615 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 37 Replies
- 3155 Views
-
Last post by original dervish
-
- 6 Replies
- 1515 Views
-
Last post by Addoow
-
- 1 Replies
- 1116 Views
-
Last post by Nubis
-
- 0 Replies
- 708 Views
-
Last post by bashe19
-
- 4 Replies
- 897 Views
-
Last post by vinshom
-
- 2 Replies
- 504 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 5 Replies
- 1377 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 886 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 10 Replies
- 1299 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
