Man has burned over $100,000 in khat. Shot one woman to death and is now putting Mog under curfew.
Ambassador LAFO, I demand an explaination
Banaanbax rabshado wata oo sababay dhimasaho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay isgooska Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho.
MudugNet, Muqdisho.Khamiis, November 16,2006.
Isku soo bax ay soo abaabuleen ganacsatadda Qaadka magaalada Muqdisho oo ka careysan Qaadkii shalay golaha maxaakiimta islaamka ay ku gubeen Kontoroolka Siinka dheer iyo qaadka maanta lagu gubay fagaaraha Dugsiga tababarkaee Xalane ayay isugu soo baxeen wadada dheer ee isku Xirta isgooska Baar Ubax ilaa iyo Isgooyska Al-baraka ee magaalada Muqdisho.
Banaanbaxayaasha oo u badanaa Dumar ka ganacsada Qaadka iyo Ciyaalka ka garaabiistaha loo yaqaano waxa ay jareen isku socodka gaadiidka wadadaasi,iyagoo Wadada ku shiday Taayarao dab ah.
Dibadbaxa oo markii dambe isku badalay Rabshad iyo gacan ka hadal markii ay halkaasi yimaadeen ciidamo ka socda golaha maxaakiimta oo rasaas Cirka u riday waxaa ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah halka uu dhaawac ka soo gaaray 3 qof oo kale.
Banaanbaxa maanta ka dhacay wadada 30ka ayaa ah mid qal qal galiyay amaanka iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka Isgoosyada Baar-Ubax iyo Al-Baraka.
Colaad Muqdisho
