Very Sad Indeed!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Hinda_Haldha
Posts: 180
Joined: Thu Apr 20, 2006 3:19 pm

Very Sad Indeed!!

Post by Hinda_Haldha »

Somalia is doomed ..forever! Crying or Very sad


Ciidamada Itoobiya oo hubkii dib ugu celiyey beelihi hore u lahaa..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan, waxay sheegayaan in Ciidamad Itoobiya ee gacanta ku dhigay magaaladaasi ay haatan bilaabeen in ay hubkii dib ugu celiyeen maleeshiyooyinkii Beelaha, hubka ayaa isugu jira mid weyn iyo mid fudud, lamana garanayo sababaha ay ciidamada itoobiya dib ugu celiyeen dadkaasi, hase yeeshee warar ayaa waxaa sheegayaan in Dowladda itoobiya ay dooneyso in uu sii kirdho qalalaasaha soomaaliya.

Ciidamada itoobiya ayaa la sheegay in ay dusha ka daawanayaan waxa ka dhacaya gudaha magaalooyinka, waxayna ku xaroodeen xerooyin iyaga gaar u ah oo aysan xitaa u ogoleyn ciidamada kale ee soomaalida ah ee la socda.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay kulamo la yeelanayaan odoyaasha iyo waxgaradka , waxayna qaarkood kala hadleen sidii beel walba ay dib ugu soo ceshan lahayd hubkeedii, waxaana magaalooyinka qaarkood ka socda boob dhac, waxayna dadka qaarkood ku qaylinayaan (Ilaahayow dib noogu soo celi Maxaakiimta Islaamiga ah).

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay diideen in ay maamulo u sameeyaan gobaladii ay gacanta ku dhigeen, iyagoo degmooyinka qaarkood ay ka socoto kulamo looga arrisanayo sidii maamul loogu sameyn lahaayeen oo ay wadaan odoyaasha.

www.somalitalk.com

Return to “General - General Discussions”