site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

I love cumar xaaji masale

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Gedo: I love cumar xaaji masale
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DALALOOS

Sunday, January 21, 2001 - 01:56 pm
walaalayaal waxaan halkan idiin ku cadaynayaa in cumar xaaji tegitaanka uu baydhabo tagay aydaan ku wareerin,waa mide wuxuu u tagay in uu la ciyaaro shirqool uu c/yuusuf wato oo ku doonayo inuu nagu qaso isagoo isticmaalaya itoobiya,marka qasab ayay nagu noqotay inaan itoobiya la hadalo si aan uga hor tagno xaasidnimada c/yuusuf oo jecel wax walba oo midnimadeena iyo xasiloonideena u daran inuu ka shaqeeyo marka ha u maleenina inuu cumar ka baxay dowlada cusub lakiin wuxuu doonayaa inuu joojiyo isticmaalka uu doonayo in uu itoobiya nagu isticmaalo aniga waxaan qabaa inuu cumar shaqadii hogaamiye nimo uu ka soo baxay.sidaa iyo is fahan wacan,,,,,ala muxuu wiil yahay cumar,waxaan u sheegayaa in ma doonayo inaan sheego reerka aan la hadlayo magacooda lakiin inaan sidiinii oo kale labo jeeble noqono sabatoo ah hadii cadowgaaga wax walba oo uu isticmaalo aanad la isticmaalin wuu kaa raynayaa,tusaale ahaan genaral bowl ayaa wuxuu yiri dagaalkii golfka ciraaq waxaan kaga raynay xaga cirka taas oo ay nooga hoosaysay ciraaq marka wuxuu kaloo ku daray markaad dagaal galayso waa inaad isticmaashaa wax walba oo aad ku guulaysanayso marka hada anaga waa inaan isticmaalaa wax walba oo aan ku guulaysanayno,,,,,,,sidaa iyo caano iyo nabad.waa walaalkiin dalaloos oo idinleh open your eyes guys widelly.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gacma gooye

Sunday, January 21, 2001 - 03:46 pm
nin yahoow marka horeysa waad salaaman tahay
tan xigta waxaan kuu sheegayaa in aadan aqoon aadan u lahayn omar haji,aniguse sidaan u garanaayo uma aad garaneysid manna jecli inaan
halkakan aan kaga faaleeyo genaral omar,
laakiin ilaah waxaynu kabaryeynaa qayr.
waxii dheeraad oo aad u baahan tahay dalaloos
e-mail kaygu waa faraxsiyad@hotmail.com
hanna u qaadan magaca farax oo u dhow magac dumar
oo waxaan ula jeedaa waa faarax,laakiin e-mailku
waa faraxsiyad@hotmail.com adigu mawaxaa tahay
reer dalal waa adiga labaxay dalaloos,walaal waxaan ilaah ugu baryayaa bahweynta [mr]qayr iyo barwaaqo. sidaa iyo ismaqal dambe oo wacan magacana kadaa dalaloos .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cilmiyare

Sunday, January 28, 2001 - 02:46 pm
saaxiib dalaloos waxaan kaxumahay sida aad cumar mooday iyo sida uu yahay iam sory about that

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guledyarre

Monday, January 29, 2001 - 06:03 am
malin wanaagsan..

sxb dalaloos ha noqon dhalo wixii la rabo lagu shubto.

cumar waa shaqsi qalad iyo saxba yeelan karo rayi gooni ahna qaadan karo sida aniga iyo adigaba aan samayn karno.

lakiin bahwaynta wixii ka dhexeeyo waa mid ay u dhanyihiin.

intaas inaan uga haraan rabaa arintaas.
hadaad u baahan tahay inaan arintaas sii fur furno isoo @mail.

malin wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WALAASHSIIN

Monday, January 29, 2001 - 11:51 am
marka hore aad iyo aad baad u salaamantihiin dhamaan dhalinyarda sade ee wax ku soo qortey bogan marka xiga ana walashiin baan ahay aad baan ugu faraxsanhay sida aad aaradiina ugu salyseen inaan wax khilaaf u egi islamrkaana siin kara ANti-mareehan sir. waxan qabaa waan iswaydaarsan karnaa firkardaha iyo xaaldkasa oo joogta waqtigeeda madama aan kala joogno dunida qaybo badan ooy leedayhay waana kala duwanan karnaa argita ma ah inaan isku firkard noqonkarno dadku aad bey u danynayaan. dhawaaqa soo yeeray ee omar wado gaar ahaan beesha mareexan balse waxaad mooda oo weliba lagu riyaaqi karaa inaan beesha buuqka taagnayn Omarna uu shaqsi yahay maadama aan maanta ka baxanay taladii jabhadayna oo aan ka mid nahy dadweynaha soomliyeed ee ay u dhalatey DKM islmarkan beesha mareexan ay tahy xubin weyn oo weliba aan dhihi karno waa lafdhabarta dawlda maadma aan controlno goblo badan oo dalka dhamaan shacbkaasina ay u dabaaldegayaan dawlada noo dhalatey waxan qaba inuu omar shaqsi yahay mareexan uu leeyahay top leader have well respected everywhere.so we have no hasitate about any where.

thanks sidaa ku wada adaabta wanaasan and let's change our ideas postivly.

walashiin FRom usa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fadhi-garaadle

Monday, January 29, 2001 - 08:04 pm
walaashiis,,,guuleed yare,,,,dhaamaan dhalinyarada sade wiillal iyo gabdhaba waxaan idiin sheegayaa in qolo walbaaba leedahay nin ka soo hor jeeda dowlada waxaan ka wadaa inaydaan omar xaaji aydaan la yaabin tusaale ahaan fiiriya ina caydiid fiiriya c/laahi axmaar iyo shaati gaduud dhamaan dowlada way ka soo hor jeedan marka aniga waxaan qabaa in uu omar samaynkaro wax kasta oo uu damco inuu sameeyo lakiin aynaan ku noqon mucaarad sababtoo ah omar wuxuu ka dhashay mareexan oo aynaan ka soo hor jeedsan wuxuu rabo inuu sameeyo sida c/laahi yuusuf isagaba rag ayaa dowlada ugu jira barina uma ogola dowlada meesha aan anaku u ogolaanay inay dowladu timaado oo aan soo dhowayno meesha c/laahi u diiday dadka dowlada ugu jiraana kuma oronkaraan dowladu ha timaado marka idinku soo dhoweeya omar iyo dowladaba.haday dadku idin waydiiyan maxaad u tageeraysaan omar u sheega inuu reerka ka dhashay oo uu shaqsi yahay.halka uu c/laahi axmaar shaqsi ka yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gobanimmo

Monday, January 29, 2001 - 08:11 pm
fadhi-garadle, marexaanka marku uu kale dhumanaayey amxaaro halkee jirtay?. Gedo nin marexaan baa amxaarada uu soo horseeda.
Cabdulahi ha ku qarwin.
Cumar Xaji Masalana waa daciif aan mowqif laheen, waa gabaldaye, hadba dhinac uu geesta.
Nacnac waxba ma tarto, ciyaari waa gelin dambe.
Orodo hawiye caagaha uu leefa ileen iyaaga ayaad magan uu tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/WAAQ

Tuesday, January 30, 2001 - 01:48 am
Marka hore dhamaantiin waad salaamantihiin,marka xigta waxaan qabaa in doodu reerka ku koobnaato oo aan qabiilada kale wax loo gaysan ama shakhsiyaadba.
Mida kale waxaad ogaataan in reerku ka mid yahay bulshawaynta Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku dhacday 10kii sano ee la soo dhaafay.
Qabiil walba waa qaybsanyahay,waxa Soomaaliya ka socdana lama dhihi karo waa siyaasad,wax la saadaalin karana ma aha.
Nasiib wanaag reerka Marreexaan waa isku duubnaa muddo dheer oo madaxa ciidda waan ka ceshanay,intii qabiilo badan ay kala qaybsameen oo qaarkood si xun isu laayeen.
Hadda waxaad moodaa in cuduradii lagu yaqaanay qabiilada kale ay na soo galeen.
Hadda wali wax wayn ma dhicin,waxaana jirta in siyaasad ku sheegta Soomaaliya ay ku soo ururtay in lakala doorto labo siyaasadood ama maqif oo ah:
1- In la taageero dawladda Soomaaliya ee ku meel gaarka ah,oo meel lagu ogaado inta ay hirgalayso.

2-In la isu dhiibo EThiopia oo loo fuliyo danaheeda oo ah in aan Soomaaliya waligeed dawlad ka dhalan.
Haddaba waa iska caddahay labada mawqif kii wanaagsan ama u cuntami kara cidda iyo wixii Soomaalinimo danaynaya. Waxaa kaloo cad in bulshawaynta Marreexaan 95% ay taageersanyihiin soona dhaweeyeen Dawladda ku meel gaarka ah.
Haddii ay hirgasho oo dawladaasi socotana waa alxamdulilaahi oo soomaali ayaan la qaybsanaynaa faa'iidadeeda,haddii ay socon waydo oo maadaama cadawgeedu badanyahay sida la rabo wax usocon waayaana dadkeenaan dhinac uga jirnaa,anagoo magac xumo na raacin ayaan wixii cadaw nagu ah iska ilaalinaynaa,wixii aan isku dan noqon karnana waan isku danaysanaynaa.
Sheekadu waa ila fogaatay ee waxaan ula jeedaa in ay muhiim tahay in aanaan niyadda iska jabin oo aanaan isu arag qabiil dhibaato gooni ahi haysato,waligeen xaalado sidaan ka adag ayaan ka dabaalan jirnay.
Waxaa ku soo haray Go'aanka Cumar Xaaji,waa sida horay loo sheegaye,waa go'aan asaga u gaar ah,loomana baahna in aan ninkaas aflagaadayno maadaama uu muddo ahaa hogaamiyaheena dadaal badan iyo dhibaatooyin badana uu u soo galay siyaasada reerka. Qofka siyaasiga ahi waa khaldami karaa melo badan baana wax iska tusi karaan.
Waxaan ka doodi karnaa dhibaato intee le'eg ayaa mawqifka Omar haaji u keeni karaa reerka?
Anigu shaqsiyan waxaan u arkaa in dhibaatadu koobnaan doonto oo aysan dhici doonin labo ciidan oo Omar iyo Marreexaan intiisa kale taageersan aysan iska hor imaan doonin.
Soomaalidu waxay tiraahdaa WAXAAD SHAR MOODAYSID OO KHAYR KUU AH AYAA JIRA.
Waxaan ka wadaa ilaa iyo hadda Cumar xaaji qoladii uu ku biiray wax aan khilaaf ahayn kuma kordhin.Qorshahoodii oo dhan wuu badalay maadaama uu dood cusub meesha ka dhaliyay.Nimankii isku kooxda ahaa muran ayuu ka dhex riday oo Ceel barde waa lagu kala tagay ayadoo aan maamul goboleedkii la dhisin.
Marka bal aan ka war dhowro,wixii soo kordhana ha la isla socodsiiyo.
Ugu dambayntii waxaan idinkula dardaarmayaa in aan wax aflagaado ah ama weerar shakhsiyeed ah aan meeshaan lagu soo qorin.
Waad mahadsantihiin. CAABUD_WAAQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cilmi

Tuesday, January 30, 2001 - 01:55 pm
walaalayaal waa idin salaamay salaan kadib aan idin waydiitee nin karmeedka amxaarada wata ee cusub yaa taabacsan ?? xagee buu wax ku ogyahay se wallee waa yaab

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WALAASHSIIN

Tuesday, January 30, 2001 - 03:36 pm
Dhamantiin waad salamantihiin dhalinyaro.

hadal haan ba buuxshee firkarda C-waaq waan kugu raacey abwaan dheh mareexan dhab ah dheh ugaas dheh.

aad baan ugu riyaaqey codkarnimdadad halkaa ka wad hawsha waa sidaad sheegteye xaalka siyaasayda mareexan.

sidaa iyo nabdagelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Tuesday, January 30, 2001 - 04:30 pm
fadhi garaadhle, Amxaar dhul mareexaan waxy joogtay ilaa iyo 1996, Orod dadka xoogogaalka ah wareeyso. maantan, Ina Isaaq Biixii ayaa soo galbiyey Amxaaro intii haartay. marka nin yahow, raag islaameed afaakga ka duu, cuuqdaadana iska saar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/WAAQ

Tuesday, January 30, 2001 - 10:08 pm
To:Cilmi
Waad salaamantahay marka hore. Haddiiaan isku dayo in aan kaaga jawaabo su'aashaada ah Yaa taageersan ninka Amxaarada wata,waxaa muhiim ah in ogaano in Amxaaradu iyadu wax wadato ee aan la wadan.Waxaa la rabaa in aan fikradeena balaarino oo aan fahamno siyaasadda Ethiopia iyo sida ay ula dhaqanto kuwa ay ku shaqaysato.

Ninkaan aad ka hadlayso Ethiopia ayadaa soo doonatay ka dib markii ay ogaatay in ay Omar Xaaji isku kacsanaayeen waqtigaas.Waxaan ka hadlayaa (Abdi-risaaq biixi).Sida aad la socotaanba ninkaan ina Biixi ah wuxuu joogi jiray dhinaca Galguduud gaar ahaan Balanballe oo uu run ahaantii uu si geesinimo leh uuu uga qayb qaatay dagaalada badnaa ee ka dhacayay degaankaas.

Ka dib waxaa dhacday in Omar Haaji u yeeray ninkaan oo keenay Gedo waqtigii ay Itaxaad is hayeen. Haddana si bay ukal boodeen mar dhexe.

Ethiopia ayadoo ka faa'iidaysanaysa khilaafkaas,kuna guul mdaraysatay in Buraale wax u qabto ayay ninkaan u baaqday. Waana sahlantahay waqtiga maanta lagu jiro in si fudud Ethiopia wax uga dhaadhiciso shaqsiyaad Soomaali ah,ayadoo u balanqaadaysa kaalmo dhinac walba ah iyo in ay wax ka dhigi doonto.Dad badan ayaa ku dhacayn shirqoolada noocaas ah.Marka qofku u soo gacan galana waxay isku daydaa(ETHIOPIA)in ay eed galiso oo cadaw u samayso.Hadda meeshaas ayuu taaganyahay ina Isaaq Biixi.Mar walbana kuwo asga la mid ah Ethiopia ma waynayso.

Halkaas waxaa ka cad in ninkaani uusan ahayn nin xor ah oo la yimid qorshe asaga u gaar ah oo dad ku raacaan ama ku diidaan.Maadaama uu yahay nin xoogaa magac leh oo sarkaal ah,degaankana loo degenyahay xoogaa raaca waa helayaa,laakiin ma badna oo mar kasta waxaa la socda ciidamada Ethiopia.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa shirqoolada Ethiopia ka wado Gedo iyo gobolada kale ee wadanka ma aha mid qabiil wax ka qaban karo,laakiin waxaa nala gudboon in la isku dayo sidii lagu badbaadin lahaa dadka shacabka ah oo laga feejignaado wax talaabo ah oo keeni kara in ciidamada Ethiopia ay dadka xasuuqaan.
waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cilmi

Wednesday, January 31, 2001 - 11:33 am
to c/w walaal waad ku mahad santahay sida sharafta iyo ogaalka siyaasadeed iyo aqoon leh ood iiga soo jawaabtay su,aashaydi SAAXIB WAA KULA FAHAM SANAHAY xaaladaas waxaana filayaa in laga wada dheregsan yahay qodobka ah amxaaro lama watee ayadaa wax wadato c/ risaaq na waa baasa boor amxaaradu isticmaasho
thank you

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DIINI

Tuesday, February 06, 2001 - 09:25 am
waad salaaman tihiin dhaamaantiin
salaan ka dib -
aniga waxaan ahay nin isirkiisa uu reer garbaharey yahay sidaas daraaded waxaan idin oron lahaa waxaan waa siyaasad oo hadii aan hal dhinac u badano looma baahno marka dowlada cusub hal lug bey u taagan tahay hadii ay soomali isku raacdo aan taagerno hadii kale sida ururada kale oo dhan aan itoobiya la xirano taas micnaheeda waxaa weeye aan labada dhinacbo lug kula jirno
byee GOD BLESS MARIIXAAN FOR EVER

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkin

Wednesday, February 14, 2001 - 08:00 pm
idinkoo dhan..

waryaa maxaa mareexaan iyo majeerteen is tusay
cimrigiina alaha gaabiyee danihiina raaca idinkaa dib noo dhigaye. waad garanaysaan arintaa ka wado
(waan jeclahay,, cumar haji, waan jeclahay cabdullahi yuusuf waxaasi ma siyaasadbaa
hadalkaas nin ragay dardaaran u tahay doqoni waa
yeelkadeed.

nabad galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caabudwaaq

Thursday, February 15, 2001 - 02:43 am
waxaan idin sheegayaa dadka leh Cumar xaaji waa halyeey runta haka hadlo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, March 14, 2001 - 04:23 pm
SOOMAALIDU WAXAY TIRAAHDAA aLOW NINAAN WAX OGAYN HACADAABIB!!! HADALKAAS WAXAAN ULA JEEDAA DADKA MAANTA AFKOODA KASOO SAARAY WAXAAN JECELAHAY (CUMAR HAWIYE)

AQOON LA, ANAY BA! WAR CUMAR HAWIYE WAA KAN MAANTA DHAGAY MAREEXAAN MEESHUU TAAAGAN YAHAY WALIGEEN ANAGOON IS QILAAFIN, BUU COLAAD IYO QALALAASE NAGU ABUURAY. ASGAA KA MUSUUL AHA WIXII MAANTA MAREEXAAN SOO GAARA. NINKII YAQAANAY WAA KII XABSI UTAXAABAY. ALA MUXUU DAD YAQAANAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmaan

Tuesday, March 20, 2001 - 04:08 am
sxb cumar waa khaniis
waxaan haynaa cajilad video oo sir ah asgoo la xoo gayo ayna kufsanayaan c/yuuf iyo raiisal wasaarha ethiopia hadii aad aad cumar jacshay waxaad tahay khaniis kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

funny

Tuesday, March 27, 2001 - 08:05 pm
First of all •••• c/yuusif and c/xaaji and I don't like either of them cuz both of them r ethopian sleves. I love siyaad bare cuz his the only man who made ethopia cry like a babe. But both cumar and c/yuusif r ethopian doggs. Go to ethopia and mention the name of c/haaji and c/yuusif they will laugh but mention the name of siyaad bare and they will get mad so think better again mr c/haaji lover. Maybe u can kiss his ass cuz that dogg destroyed gedo and i have never seen any mareexaan leader who used a different people who r not somalian against his own people not even SNM used ethopians troops to fight against siyaad bare but c/haaji used them to fight against his own people and thats why every somali leader in somalia today laughs at c/haaji cuz they know he hates mareexaan. asso go back to your bed and dream about cumar haaji cuz one they he will eat u like shiish kabaab

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.