site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

(SALLAXLEY) WAA MAGAALO TAARIIKH LEH .

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: (SALLAXLEY) WAA MAGAALO TAARIIKH LEH .
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim

Monday, November 20, 2000 - 09:08 pm
Magaalada sallaxley la yidhaahdaa waa magaalo qadiimi ah oo taariikh aad u da, weyn leh ,waxaana lagu tilmaamaa iney jirtey qarniyo badan ,taana waxa u daliila raadadka iyo waxyaabaha ay ka tageen dadkii hore ee ka sii muuqda sallaxley sida ;xabaalihii dadkii hore oo ku yaala,ceelashii ay ka cabi jireen oo ilaa hada laga cabo i w m . sallaxley waxay u jirtaa magaalada hargeysa 60km waxaanay ka xigtaa dhinaca hawd . sallaxley waxay ahaan jirtey meel ay maraan safarada u socda gudaha itoobiya gaar ahaana caasimadii islaamka ee herer ,sidoo kale waxay ahaan jirtey goob laysku waydaarsado badeecadaha kala duwan ka hor intii aan lacagaha in wax lagu kala iibsado la bilaabin. sallaxley waxay ahaan jirtey meel ay ku kulmaan salaadiinta beesha ciidagale iyo hadba ciddii marti ugu timaada ,hogaamiye dhaqameedyada soo marayna waxa ka mid ahaa halyeygii axmed gurey iyo madax kale oo la socotey ,halkaas oo uu boqorkii ciidagale si diiran ugu soo dhoweeyey . hadaynu eegno taariikhda dhowna sallaxley waxay aheyd halka looga taliyo raseef eeriya oo waxay aheyd xarun . taariikhda hadaynu dib u raacno sallaxley waxay ku jirtaa shanta magaalo ee ugu da,da weyn geeska afrika . qadarkaa yar ayaan kaga baxayaa taariikhda balaadhan ee magaalada sallaxley.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.