site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Balcad University of Technology Project........Please Help

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: Balcad University of Technology Project........Please Help
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guuleed

Thursday, December 28, 2000 - 07:58 am
Walaalayaal waxaanu howl galnay mashruuca dhismaha Jaamacada Balcad ee Teknolojiyada. U jeedada jaamacadu waxay tahay in ay noqoto xarunta Teknolojiyada Afrika.

Dadyahow hadalkaan ku hadlay wax caqli gal ma yahay mise ma aha? Soomaaliyey faanka aan iska deeyno oo aan waxa aanu ubaahannahay aan ka shaqeyno, waxaana ugu hooreya nafteena. Qof naftiisa wax u qaban la' miyaa wadan wax u qaban karo.

Waxaan layaabay dadka qaarkood mashaariicda ay la yimaadaan sida UNIVERSITY, war intaadan university ka bilaabain dugsiyada hoose soo dhis marka hore.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Beeleey

Friday, January 12, 2001 - 12:26 am
To Guuleed

Looooooooool sxb waa fikrad aad u wanaagsan aasaaska balcad university of technology project sxb runtii aad baan u taageersanahay waayo balcad waa magaalo wax soo saar iyo teknolojiya iyo culuunta kaleba isku dartay runtiina waa magaalo ku wanaagsan inay noqoto xarunta barashada teknoolojiyada iyo nasiib u yeelatay deegaan ku wanaagsan culuuntaas inay xarun u noqoto markale looooooooool sxb mahadsanid fikradaada wanaagsan bye beeleeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xiddig

Thursday, January 25, 2001 - 02:38 am
To all.

Aad baan u taageersanay fikradda jaamacadda oo waxtar wayn u leh gobolka sh/dhexe iyo guud ahaan Somalia,saaxiibyaal aad baad ugu mahadsantihiin fikraddaa qaaliga ee aad soo jeediseen waxay u baaahantahay waa ka dhabayn iyo hirgilin iyo isku duubni iskaashi oo ay wax walba ku higili karaan,waxaan idiin rajeeyay inaad baraare ku waartaan iyo horumar guulaysta walaalayaal.sidaa iyo nabaadiino.walaalkiin Xiddig.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.