site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

KISSIMA 4

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: KISSIMA 4
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zAk

Monday, January 01, 2001 - 12:38 am
Asalaamu caleeykum dhamaan reer Kissima CIID WANAAGSAN and HAPPY NEW YEAR kuligiin sanadkaan kiisa kale waxaan ALLAH ka baryeynaa caafimaad ,nabad, barwaaqo, iyo in uu ILLAH na soo hanuuniyo aamiin.

Dadka cusub oo dhan wellcome all waana hubaa in aad boggan ka heli doontaan ,qof ayaana mar walba is xilqaama oo maamula oo looga dambeeyaa hadana waxaa oo odey ka ah Mahamed Muse oo ah safiirka inoo jooga Riverdale Maryland waxaana uu hogaamiye ka ahaan jirey Dhaqdhaqaaqii ugu weynaa Kisiima oo la oran jirey (LAS VEGAS) isla markaasna wuxuu wakiil ka ahaan jireyururada ama dadka isu tagey ee la oran jirey (SOMALI STAR)ee fadhigeedu ahaa xaafada Calanleey.

again dhamaan M Muse, cawaafe,najma,Mukha,Dios,Ikraan,iyo inta kale ee aan halkaan ku soo koobi karin waxaan idin leeyahay HAPPY NEW YEAR.

Ikraan abaayo soo dhawoow again aniga soonkii aa ila tegey sidaan suuqweyne u taagnaa ayaa makhribkii igu galaa maxaa igu taqaanaa malaay jaceel maantana doon ma imaanin moos bakeeni aan qumbe isaga karsaneeynaa, soo guur aa ileedahay aniga guri kaliya ma rabo qof afurka iyo waxyaaba aan u baahnahay iga caawiyaan rabaa aniga odeyaasheyda waa kuwan M muse,Cabdi cawaafe,iyo Mukha aa iga wakiil ah iyaga lee soo diraa.
Adigana isu kaaya sheeg waa diidey cawaafana waa ku kasi waayey.

Najma sister maxaa kugu dhacay aniga hadalkaaga wali ma fahmin wax cad ima siinin oo aan ku soo guuro alaabtiina dad dhan aad shaqo ku galisay waa la xirxirey siduuba cawaafe kuu sheegay laba kareeto waa la rarey kareeto kale ayaa waxaa ku maqan Mukha isagaa dhahay in aan aqaan discount noo sameeynaayo laakiin waxaan maqlaayey in ninkii kareetada siduu salaadii xaal lo,aad aruuris u galay ilaa iyo hada waa maqan yahay marka hadii kareetadaan alaabta la saaro hadee alaabtaan adaa rara yiri meel lagu fureeyna rabtaa koleey ibna,aadam la iskuma haleeyee Ikraana qol aan hayaa eey sheegeysay ma la hubo laakiin bal warka soo kala cadeey Najma.

Kuligiin Ciid wanaagsan.
zAk.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Tuesday, January 02, 2001 - 05:03 am
Salaamu Caleikum

Ciid wanaagsan horaan idiin iri, sannad wacanna idinma dhahaayo, oo waxaa la igu yiri waa dambi haddii aad tiraahdo "Happy New Year" adoo ula jeeda ka gaalada, waayo waxaad qiraysaa ayaa la yiri in sannadkooda oo ku salaysan diintooda aad oggoshahay oo aad raali ka tahay oo macneheedu yahay diintoodiina raali ayaad ka noqotay. Marka idinkuna iska ilaaliya. Wa Billaahi Towfiiq.

Xabba, ninkan la dhaho Xamar daye wuxuu ka wadaa Mwambe, Muuse Waambe, aad baad u taqaanaa waa Jeilaani Muuse iyo C/Xakiim Muuse aabohood, waa reer Farjanno oo reer Kissima asal ah. Waxaan u maleynaayaa wax kasaaya aranjaati iyo maw-maw ayaaba iska yarlololol@@@@@@, waxaad ii sheegtaa dukaankii lagu gadi jiray oo u dhowaa Jacfar Hindi yaa iska lahaa, waxaa kaloo lagu gadi jiray biyaha carruurta iyo nanac fatuuro lololol@@@@@@. Juuje haddaad la hadasho iga gaarsii hambalyo.

Zak
War ninyahow adaaba nasiib leh oo labo xaafadood isku kaa heystaan kow dheh ee ninyahow daneeste ha noqonine xaafadda aad jeceshahay lee iska aad, gabdhaha reer KIssima dariska aad bey ugu fiican yihiin oo wax guriga kuu xaaqa, makhribkiina doorada kuu xereeya meel walba waad ka heleysaaye, annakana alaab aruuris ha nagu diline.

Najma
Dadaalkaagii wuxuu noqday miro dhal oo xaafaddii Calanley eheed wey soo buuxsamaysaa, nin aad isku xaafad eheedeen haddana aad isku magaalo joogtaanna oo hebelkaa Meykal la dhahana waaba kuu imaaday, marka wehel badan ayaad heshaye hurdada ka kac.

Qaraabooy nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.Muse

Thursday, January 04, 2001 - 10:02 pm
rag iyo bilcaan waa salaaman tihiin.

Jamaal Muuse Waambe(Xamardaye): waa salaaman tahay. waa ogtahay in aan si fiican kuu kasaayo. Xasan iyo hooyadood(aayo kuu ah)kenyaan isla joognay. Ilmo yaasiina, cabdullahi ayaan ogaa wax nool laakiin ma ogi meel uu yurub ka joogo. ilmo qodaxna jamaal ayaa iigu dameeyey wax aan arko. Jamaal waxaan ku waydiiyey ninkii kale ee walaalkaa ahaa ee kaa waynaa oo Uganda ka imaan jiray ka waran.
aabe Muuse wa ka ran.


ma hilmaami karo qisadii nadax martay aniga oo yar iyo aabahaa.anigoo 12 ama 13 jir ah waxaa dhacday in aan soo aaday ismaaciil cali abokor oo sarkaal ahaa waqtigaas uu xaafadeena ka guursaday gabar reer xamar oo uu dhalay oday ka tirsanaa ciidamada marinaayada ahaa oo deris la ahayd reer cabdi riikow. dabaal dega arooskeedu waxuu socday 9 beri. habeen habeenadaas ka mid ah ayaan u soo dhuuntay ciyaarihi ka dhacaayay goobta galbilta . waxaan ku kulanay xabashow iyo wiilal kale. waxaan aragnay xaliima cali mukulli iyo labo gabdhood oo la socday. saxiib waxaa dhacday in aan anigu faduul isla soo qadimo oo aam ku adkaysto in ay ila istaagto xaliimo. waxaan markaas joognaa luuqa u dhexeeya guriga dios iyo guriga xaaji bila. gabar idiin shaqaynaysay oo xaliimo la socotay oo reer gosha u dhalatay ayaa ka soo hormartay xaliimo, waxayna tiri maxaa rabtaa, iskeen hadaa wax isku haysid.
way iga waynayd, isla markiiba fiir ayaan ku bilaabay,markaan cusjiyey derbiga xaaji bile maradii aan guntanaa ayaa iga furatay. intay dhinacyga martay ayey xaliimo ka daftay kal ay isku difaacaysay. islamarkiiba waxay ila soo aaday kashii, inta ay igaacisay markaan madaxa difaacday ayey kellida iiga dhufata kashii ,meesha ayaan ku dawaqkhay, waxaan soo naaxay 10-15 daqiiqo ka dib. hooyaday oo loo sheeegay in la iday oo ii timid iyo aniga iyo saaxiibadayba waxaan soo aadnay gurigiina si aan u helno gabartii idishay . waxaan la kulan nay aabahaa muuse waambe. waa dhaqtar ahaa sheekadii markuu degaystar ayuu hooyaday ku yiri anigaa daawaynaaya wiilkka haddii uu dhiqabo balse gabadha ma idin siin karo oo aniga ayaa masuul ka ah. sidaa ayaan isku baranay aabahaa.

Mukha: dukaan kaas waxaa la dhihi jiray soodhaha (soda). sarta soodhaha sarta ka damaysay ee uu cali mukulli iska lahaa oo cadayd labo dabaqna ahayd ee ka xigtay dhinaca badda ama shineemada umadda ayaa lagu samayn jirajiray cabitaanka maw-maw ga waxaana isla lahaa saciid goodir warshadaas iyo foto ku dheganaaba.
ee anigu weli waa xasuustaa Mukhow maalintii wadnaha lagaaga soo gadaayey jacfar hindi.

mukha adigu ma xasuusan kartaa guriga uu deganaa saalax naarajiin iyo meesha uu dukaankiisu ku yaalay ama ahaan jiray., ama yaa dhalay gabdhahaan laka dhihi jiray magacyadooda,(UUNSOW iyo CUUDOW).


N.B. Mukha waan kugu daalay sidaan talafoon kuugu soo diraayey, xataa fariin ayaan answer machine ka kuugu dhaafay, wax jawaab celin ahna kaama heli aad baan kuugu baahnahay, fadlan waad haysataa telefoonkayga ee i soo wac.

NAJMA: Iga raali noqo waan garaystay khaladkaya, ma u malaynaynin in aad dhibsanaysid salaanta tooska ah(face to face)oo aan kuu salaamayey, meeshaan ku soo koray ayaa dhaqankeedu sidaa ahaa, waan khaldanaa, mar dame ahaan fahmay in meesha aan u soo guuray ay leedahay dhaqan kaa ka duwan oo ah qofkii aad rabtid in aad salaantid in aad qof kale ugu soo marisid salaan taada.
waxii hadda ka dameeya waxaa noo dhaxeeya MUKHA,waan ogahay in aad ku kalsoom tahay, anna waan ku kalsoona hay.

Waxaan sidaa u lee yahay waxay tahay sidaan u soo guurayba oo aan u bilaabay in aan toos kuula xiriiro waxaa yaraaday xiriirkaadii, iskaba daa cid kale oo aad gaarsiisid in aad la xiriirtid wiilal reer kissima ah.

tan kale NAJMA, waxaan kaa codsan lahaa in aad bogaan u sheegtid SALOW, in uu radiyo Sweden iidheh uga sameeyo si aan isugu soo xirmano.
igu salaan si fiican ayuu ii yaqaan. najma waxaan rajaynayaa in aad u fahmidoontid sheekadayda in aan ahay qof aan hal xaafad ku koobnayn waayo anigoo reer kissima dab ah ayaan ahay sidaa darteed xaafad kasto dadkeeda waan aqaan haddii ay reer kissima dab ah yihiin. I hope in aan mar kula kulmo haddii ilaahay idmo aamiin.


Zak: waad ku mahadsan tahay amaan ta aad i amaantay iyo darajada aad xilkeeda i saartay.
ma tihid qof nasiib badan waayo waxaa la gu ducaystaa in ilaahay uusan wada kulmin nasiibyadaada, hadaba adiga waxaa noo muqata in labo gabdhood ay kuu fidiyeen guri aad degtid, macnaheedu waxuu yahay in ay is gubaan oo aad guri la'aan ku soo dhacdid, waana midda hadda ku haysata.


dadka maqan oo la la'yahay waxaan ilaah uga baryeyenaa in ay nabad ku soo noqdaan. Aamiin.
nadaey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Friday, January 05, 2001 - 11:15 am
Salaama Salaama

War see la yahay reer Kissimow, maxaa iska de'eesiin, nabadaa war gaabane, bacdi baryahaana Somalinet albaabkiiyeey xirteen siin u garaacaayay aa gacnihii hadda i laxawanaayiin.

Xabba, Waa ka xumahay telephone-keyga off buu ahaa saaka leen arkay, message-kaagiina waa helay laakiin waa ku wareeray, af iyo ma lahayn meel aan u raaco ayaan garan waayay oo waxaad igu noqotay garamgaram, waxaan ka fahmay oo kaliya ticket Boston-Ohio. Marka caawaan kala war qaadanaynaa haddii Eebe idmo.

Oo waxaan ku iri reer Calanley saan maa eheedeen, hadda ma waxaa joogtiin inay reer Fanole salaamaha idiin kala qaadaan, maca asif, aad baan uga xumahay. Maxaa dhacay idinka fool ka fool isuma salaantaan miyaa, daris maasheey waaye marka saas. Gurigaagiina waa la ijaaray oo hadda meel aa ku soo noqoneysid ma lahan ee iska dul qaado.

Saalax Naarajiin ma xasuusto, Uunsowna waxaan u aqaanay Maxamed Macalin xaaskiisa, laakiin Cuudow waa ii goysay. Uunsow waxaaban u haystay inay Jamaame iyo dhinaca gosha naga soo galeene see waaye.

Najma
Waxaan kuu wadaa Salaan aan ka qaaday Calanley oo intaan Fanole la tagay haddana aan kuu soo celiyay.

Nabadeey Qaraabo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.Muse

Saturday, January 06, 2001 - 12:51 am
salaama calaykum rag iyo bilcaan ba.
waryaa Mukha xasuustii aakaa dhamaatay. shaqada fasax ka qaado.

uunsow iyo cuudow waa laabo gabdhood oo walaalo ah
waxay ku dhasheen luga-baxsi. isku da'ayaan ahayn waxay deganaayeen guriga ka dameeyey guriga carabay saciid bulshaale, waxay isku dheganaayeen guriga faynuus xayle. gabdhaha waxaa dhalay cabdow dheere oo dukaan ku lahaa afar irdoodka luga=baxsi. maxaan kumi(10c)sonkor ah ka gatay


reer kissima nabaday xasuus iyo maad intaas igu filan ee ha la idin arko.


saalax naarajiiin waaba carabka keliya oo afar irdoodka luga baxsi deganaa. guriga muuse malaay ay deganaayeen oo ka dameeya guriga dios iyo waxuu u kala qaybsanaa labo. qaybta shishe oo waagaan dame ay deganaayeen xuseen baraawiini,waxaa lahaa saalax naalajiin.
carab buran buu ahaa. waxuu beledka dhexdiisa ku lahaa dukaan. booskii dukaanka waxaa gatay (lee) oo sharqaan ka dhigtay.


maxaa uga soo jawaabi waysay xasuustii sedexaad ee jacfar hindi, mise iyadana waa kuu goysay.
jafar hindi wadno ama naf malagaaga soo gadinoo waagii aad yaray. boojo ma ka soo gadanin oo kalar kasto leh. dekediisana ma ku arki jirin miyaa saacid oo loos ku fiiqaaya. saacid waagii dame shineema ummadda ayuu ka shaqayn jiray laakiin waxuu deganaa xaafadda jaamac jirid ama cali nuur iyo agtooda.

arninyahow waa isku daadatay ee fasax qaado.
amaa hadana i dhahdaa ma xasuusto ninkii caruurta dili jiray ee laba-suule ahaa iyo qaraabadiisa uu la deganaa. laba suule waxuu la joogay oo qaraabo ay ahaa yeen bile oo uu adeer u ahaa sanay gii wadi jiray fatuurada gufernatooraha.
waxay deganaayeen zonaha ambulatooriyo oo u dhowaa ceelkii sinimini jidka dexdiisa ku yaalay oo ka dameeyey ambula tooriyada, una dhowaa reer baafow(xasan baafow). guriga sanay waxuu ka dameeyey guriga islaantii carabta ahayyd ee la dhihi jiray barka calooley oo deris la ahayd carabkii cali xanash ee dameerka kareetada lahaa.

war idhaaf nin yahow (mukha), boholyow ha igu ridin, haddaan tacbaan ahay ee.

maxamed macalin guruga uu deganyahay waagii hore sowtaa habeen kasto oo talaado ahayd aad ku hor gaardin jirteen adiga iyo caruur kale sida wadi, balooley etc. waxuu xarun u ahaa xisbigii shan faroo iyo calaacal. yada laaf yada, lug taag celi, horeey u socda..... sowtaa ku dheeli jirtay.


war maxaad gabadha (najma)iigu diraysaa. oday baad u ahayd aniguna deris baan la ahay. waa waayey oo beryahaan ma arkin, sidaa darteed ayaan u shakiyey oo waxaan is iri armay dadka xaafadaani jeclayn in si toos ah la isu salaamo.
ee anigu kuma dhihin meel xun baan degay. calanley waan jeclahay iska daa hadda oo aan u soo guuray ee habeen walba sowtaan dhex taagnaan jiray. Najma waa deris fiican waana gabar asluub iyo qurux badan. wax yarlay xishood badan tahay.
taasna dadka bogaan oo dhan ayaa ku jecel.


ar waan daalay sidaan u hadlaayey. yaakhay dadkii kale aaway. meesha aniga iyo mukh lee ku dhex rafanayna. zak sakta dhaaf. waa lagu fahmay, waa bilaabee waana ka baxee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMMAAN GALAA

Sunday, January 07, 2001 - 10:19 am
KISMAYO WAA MAGAALADEYDII
CALANLEEY WAA GURIGEYGII
BADDA LIIDO WAA DABAASHAYDII
BAAQ BAAQ WAA MAKHAAYADEYDII
CIYAAL FAANOOLE WAA DHIBKEYGII
CIYAAL SHAQAALAHA TUBAAKO CUNYAAL
CIYAAL FARJANNO VAALYAM IYO EFEDARIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Monday, January 08, 2001 - 01:30 am
Waa salaamantihiin dhamaan asxaabta sharafta leh.
Soon waa tegey iid wanaagsan oo xalwadeeda iyo macmacankeeda wadata waa ku iideen aan filaaya.
Mukha:
Waa ku salaamey adi see camal xaaji waaba na duqeyneysaa hadaan nahay reer calanley fursad yar ma cafineysid miyaa duqeys aaba galee ala maxaa wiilal badan dartaa isu feereen!!! Mukhoow boga odeygiisi aa laga dhigtee daji.
M:MUSE
Botada dhaaf reer kissima ma wada kaseysid oo aniba waa i kasi weydey?
Baryahan waa ku jeedaa salaanta waa nala ag maree markas aa markii inta aad imato dhahee iga gaarsiya salaanta haye taas Boston maa laga kasaa hee. Waadna ku mahadsantahay amantada ee boston sheekadeeda intaa ka soo baxdid u soo noqo tii kissima.
Zak
Waayadan waxuu ku maqan yahay gurigeeni waa ka guurey oo Ikraan ayaa qaabishey marka alaab raroow uu ku jiraa in ha la i raro hadana in uu dhaho wuu ka xishoodey.
AMMAAN GALAA (ha galein)
soo dhawoow laakin saaxiib kissmaayo waa magaaladeydii aa tiriyee maxaa qebkamid ah kugu kiciyey hadey magaaladaadii tahay?
Mukha iyo Muse waxaa na soo xasuusiseen dad warkoodiiba naga dhaqdhaqmi rabo.
soo nabad ahaada dhamaantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

biroole

Monday, January 08, 2001 - 10:46 am
walaalyaal waad salaaman tihiin dhamaantiina
anigoo ah dhalinyarada kisima waxaan idinleeyahay
ciidwanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.Muse

Monday, January 08, 2001 - 11:53 am
NAJMA: ar intee ka baxday derisow, waan kugu daalay sidaan ku doon-doonaayeye. dadka kale ma ogi laakiin ani waaa ku tabay. waan ogahay reer faanoole dareenkaan oo kale jacayl ay u malaynayaa, maxay ka kasaayaan. waxaa la dhahaa muxubo.

i yaa!!! maxaa i dhahday aniga ima taqaanid aa? way dhici kartaa laakiin anigu ma ku jirin dadkii ku garan waayey, sheekada boga dhexdaan ka soo galay.markaan cabaar isla hadalnayna muxubo darteed waaba soo guuray.Haddaa hadda tilmaamo i siiso waa laga yaabaa in aan ku garto ama isku soo dhacno, okay.

tan kale mukha iyo wacaafe aa degan Boston, 8-9 saac oo safar baabuur ah ayey ii jiraan. waxaan deganahay Maryland, degmada ku dhegan Washington D.C.

(cabdalla)biroole iyo (naanga/maroodi) amaan galaa soo dhowaada jibi-jibi maa rabtiin mise hariiso. timbara yaasha aad wadataan waa macruuf waana ku sharfan tihiin.

zak; ma ogayn ilayn waxaan isla joognay utange (banadiri). waxaan arkay axmed inda-faynus oo ii sheegan. waxuu joogaa Ohio.

Mukha intee ka baxday. sidii naf iyo wadne lagaaga soo gaday jacfar hindi waa duumatay.

bulo,biifka, ikraan, wacaafe, armaxaa dad dhumay.

akhiyarta soo barya waa idinka haray kistoo aan dekedda saalax aaryo ku sii neefsanaa, heesaha somali starna waa iska sii degaysanaaaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacaafe

Monday, January 08, 2001 - 02:59 pm
ciid wanaagsan,anigu oran maayo sannad wanaagsan sida mukha uu sheegay waa lagu gaaloobayaa, war heedhaha sow habeenkii iidu soo galeysay inta seexday kuma aanan riyoon mukha oo aan leeyahay salaada ciida ii kici ma aanan soo baraarugin haddadaas aan wax qorayo. marka xiga waxaan idin leeyahay ciid wanaagsan dhamaan ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,gaar ahaan ummada reer kissima meel kasta oo ay ku nool yihiin,gaar ahaan dhalinyarada boggan sida sharafta leh u daadihisa waxaan idiin rajeynayaa caamifaad qab in kan kale illaahey inagu gaarsiiyo. xabba haddii qof raadinaayo wacaafe aad aragto maxaad yarka iga yar ee hooyadiis hoosta uga jira aad ula doonataa. xabba wallaahi caawa oodhan waan qoslaayey markii aad sida tafaasiirta dheer ee aad uga bixisey reer kissima,deris aan aheyn cabdow dheere laakiin waan xasuusan waayey gabdhihiisa waxaan xasuustey uunsow keliya iyo bille fuuf oo mareerey ka shaqeyn jirey markii dambe mukha faan igu diley oo intaa wax cusub oo aan mar hore hilmaamey i soo xasuusiya. asxaabey waan idin salaamey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Wednesday, January 10, 2001 - 01:40 am
Waa salaamantihiin kissima dhamaan. Dadkii reer faanoole ahaa difta soonka may weli la yaalan shaqartooda waaba yaraatee.
M.muse waa salamantahay darisoow mid wacan laakin adi halahan faahfaahin kor ku sheegey hadaad igu garen weydey ma i kaseysid hee sidaan aniba idin kasin oo meeshan dadkaan ka dhihi karo waa kisima waa Wacaafe iyo Zak oo labadoodaba aan ku kasey walaalahooda oo kissima magac ku laha ka aha (laci iyo makhmakh)marka reer kisima inta aan is aqoon wey tiro badan yihiin.kana raali noqo magaaladadi oon qaldey.Wacaafe ducadaada Amiin ALAHA aqbalo
Mukh xaajiga adna salaan gaar qaado.
soo nabad ahada dhamaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Wednesday, January 10, 2001 - 04:58 am
Salaamu Caleikum
Biroole aa!! Najinaa mimaa nakhaaf, tusbax saddex boqol ah aan kaa hoos galnay, waxaa ku soo xigi doona Urur Annaa iyo Arba Qarsa, Soo mood albaabka waa furanyahaye.
Aan ugu horreeyo Najma, perche reer Fanole haddaan nahay dhinaca gabdhaha waaba isaga nugulnahay oo waa nalagu yaqaanaa. Saxibey beryahaan si baad u gaagaabsanaysaaye maxaa dhacay mise weli Ciid mubaaraka Xasan koofiya aa ku jirtaa oo deriska dhan baad rabtaa inaad malabis iyo kutumbow ka dherjisid oo weli waxaad kor fadhidaa birtaawadii, alaabtaas lama dhergaayee adna qiiq ha isku dilin birtana dabada ha ka daloolinin, babiskana dabada ha ka dhameenin sidaad dhuxusha ugu kala faagfaageysid.

Xabba
Saxibow kuma jirin dadkii wadnaha iyo caqliga looga soo gadi jiray Jacfar Hindi. Dukaan sida uu Jacfar Hindi noo ahaa oo kale ayaa Hargeisa ku yaalay, qiyaas magaciisa!!..."WAX WALBA HAYE" lololol@@@@(&:O
War ninyahow Cabdow Dheere si fiican baan u xasuustaa oo waa sida aad sheegtaye waxaan ka gadi jiray rubac sokor iyo taano caleen ah iyo nus shilin subag sixin ah oo ku jira teneg ama biib laga keenay Afmadow, laakiin waxaa ii gooyay labada gabdhood. Waxaan ku weydiiyay SugeSuge iyo Cabdow Dheere maxay isu ahaayeen. Xabba maskaxdaadu inaysan saan u shaqaynaynin waaba ogahaye ma Riverdale-baa laga helaa daawooyin maskaxda revival ku sameeya?

Wacaafe
Adigu liiska sumadlaaweyaasha waxaa kaa saartay Najma, ee aniga iyo Xabba ayaa wali ku jirna, in kastoo asagiina hadda uuba ku jiro sasabasho iyo waa soo guuray iyo wax aan loo joogin, yaa u sheega sheekooyinkaas siyaaso Amerikaanka ah inaan naqaano.

War ninkii Dios ahaa yaa war ka haya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMAAN GALAA

Wednesday, January 10, 2001 - 07:22 am
HALKAAN WAXAAN KA SALAAMAYAA REER KISMAAYOOD OO DHAN WAXAAN LA SOCODSIINAYAA IN DADKA REER KISMAAYOODKA EE DIBADDA KU NOOL DALBADEEN IN
AY KISMAAYO HOGAA NIYAAN THIS DECADE.
WAXEYNA KALA YIHIIN.
CALI CAAFI
ARANJITO
XABAANI
RINGO
BAMBUURI
HOON
MAROODI
QORRAXEEY
CISMAAN XIIREEY
CAASHO CAAG
GODEEY AND CO
SUULNUUG .AYUUB. SALAAD MOOLLAAY .ETC.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.Muse

Wednesday, January 10, 2001 - 07:05 pm
salaama yote. (T0DAY THE HEAD LINE IS NAJMA)

Njma caday disee hatay. xamaa riti khayow? baladaas now sakaa aa? dembi ma lihid. na akaa sheemta si gidnay.ramkii sikmaayo lagooji rijay dahaan ku raban lahayn disaan am nogu cadhteen naamta. sameer yio raqaar aa i yaaha.

xamaa faka ii soo ganee la waashiis, lawigaa am sika dahlin ee. now cidhi raktaa nitaa daiiga i sakaynin, kaalin na iiga xawaan baqaa dahaa xow ray iiga geeshtid deriskiina,lawaalahaa, basiixyadaa, iyo raqaabadaa da no ku saki rakaa.
daha xawaan kaa gusaa nitaa xaw ray gia ageeshtid. ok.adiigana noow kuu ciifan tahay, xamaa cadhay hedh, xawaa cidihi rakta nitaan qof ama balo kaso ni aan keeshooyin aad sakaysid kuu geesho oo sheemta siixo sucub kuu leeyato.ok.

aniga xawaa laga baayaa nitaa sakay sid la waal kay, xawaa la hedhi rijay GOOBDOON daha now midhtay(A.U.N.). waxaana tan kuugu qoray bal in aadan iga sii didin.


tan kale aad iyo aad baa sharaf iyo qadarin noogu lee dahay, waayo waxaa tahay gabar dadkeda si dhab ah u jecel. anaguna waa ku jecelnahay oo mid oday kuu noqda , deris ,qaraabo saaxiib iyo walaal ayaan wada noqonay.marana rabnao in aad naga go'did.
Gabdha kissima waxaa waayadii dame ugu geesi sanaa SHAMUURO iyo SHABEELAY, hadda adigaa ka daranba iyaga waayo hal gabar oo ku dhex jirta wiilal aysan sheeko garanayn oo weli jecel in ay in intaa ka sii badan sii xariiriso. waxaanno kuu garanay geesiyadii gabdhaha reer kismaayoodka dibada jooga.
in kastoo maseeray aa tahay oo gabdhihii oo dhan ay kulayl kaada ka wada baqeen.(kaftan).


Mukha mar kasto waan qoslaa markaan soo xasuusto NAC-NAC FATUURO. wiryaa ha na dilin nin yahaw. xaafadii oo dhan baa ila yaabta markaan kombiyuutarka fadhiistaba. hadana waxaa ba igu sii dartay (WAX WALBA HAYE) lol~~~~~~~lollollol. man stop it ,it's enough. mana aadan isoo wicin, i soo wac this weekend nights,if your schedule permits.

Amaan galaa. ar ninyahaw qaarbaad ka tagtay dadka oo kulli kawada madaxsan, fiitaqtar, 99, cabdi inne, xuseen goobe, salaado niini, xiibaay, shariifadda,etc. amaan galee saxiibow intee joogtaa, xafadeena deganaydeen. kollay reer sbiifka camal ayaa usoo dha dhamaysaa, waayo salaad moolo iyo cali caafi waxay ka soo jeedaan reer biifka iyo shaqaalaha.


wacaaf iyo zak idinku waaba baasteen oo muran kuma jirtaan ee maad naga qabataan gabadha. haddaan sidii ilmo yar oo dhumay haybsanaynaa walaalaheen .yaab!
ar ni waa ku sii ridanaa ee habeen wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zAk

Saturday, January 13, 2001 - 03:59 pm
Asalaamu caleeykum all Kisiima.
aan ku hormaro xabaani, maxaa i tiri GOOBDOON waa dhintay aaaaa. Inaa lilaahi wa,inaa ileyhi raajicuun.maba ogeyn ee alaha u naxariisto aaaamiiiin.

Mida kale yaaah ma xasuusatid miyaana in aan banadiri isla joognay.

najma:
walaal thanks horta hadii aadba i baasisey maba is laheene, maxaa yeelay wax i yaqaana maleh laakiin waxaan ku ceyntay walaalaheey.
najma anigu walaahi Ikraan iyo waxaad sheegeysid iska dhaaf nin guurguurid jecelna ma ahi sideyda kale aan biisi u ahay adigana war cad keeni weyday qof lagu wareeray aad tahay.

cawaafe:
sxb ha lagu arko, oo waxaana ku weydiiyey aaway intuu ku dambeeyaa maxamed dhagool.

Mukha:
sxb waan ku salaamay.

Ikraan:
walaal isklu kaaya sheeg wali kuma garan.

byeeeeeeee heeeeeee kuli.
zAk.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Monday, January 15, 2001 - 02:00 am
Waa salaamantihiin dhamaan walaalaha kissmaayo daris qaraabo iyo asxaaba.
Mukha qoraalkaada maanta waxuu i soo xasuusiyey sheeko aan maqli jirey markaan kismaayo joogey oo aheed in wiilasha reer fanoole ahaayeen kuwa labiska jacel o kooyaha iyi dhexdaba u dhuuqsaneed taasna u suura galin jirtey in ey gabdhaha ka helaan meesha reer calanley labiska ka jecleen oo kii soo labista la foorjeen jirey marka waxaa la dhehi jirey reer danoole wiilashooda waa gabdho jecelyiin( taa labada dhinacba waxaan ka codsanaa in xumaan iga qaadan keliya sheeko aan meqli jirey aan sheegeyee) marka maanta xasuus aa dib igu celisey. Walaalkis dad laga gaabsado ma tihiin ee waa idiin xiisaa intaa maqanahay ee mashquul aan iska noqdey.
M.muse daris, waad mahadsantahay ha xumaan walaalkis igama aheen xumaan in aan ku kasi waayey oo ani saan somaliya uga soo tegey dadkii aan aqaan qaar ka mid ah aanba hilmaayey Mida kale hadey meeshaan aheen kismaayo qof naga mid ah waqtiigisa ma siiyeen taasna waa waxaan u joogo reer kismaayana intaan aqoon waxaa igu filan kaliya in uu yahay reer kismaayo dhalad ah barasho aan sii raadiyo maba doonayi taasna waa waxa dadka nagu sheegaan in aan dadka kale iska jecelnahay.Walaakaa magaciisa waa xasustaa.
Zak soo noqod wanaagsan ha wareerin walaalkis maxaan ka ogahay boorsooyinkaada oo la sii wado aan u jeedee cidana wiilkaad qolka siisey waa guurey ey yiraahdeenee calaa ku xaal soo noqod wanaagsan.
Mukh,M.muse,Zak,Wacafe dhamaantiin iga raali ahaada waayo maan dooneynin in aan halkaan ku soo qoro faahfahin ku saabsan familkeyga saan hubana hadaan isu kiin sheego waad taqaanin familkeyga marka waxaan filaaya in aad codsigeyga iga raali ahaataan khaladka aan idiin sheegeyna iga cafisaan mahadsanidiin
soona nabad ahada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacaafe

Monday, January 15, 2001 - 09:10 am
Salaama caleykum yaa ahla kismaayo.
amaa bacdu waxaan u maleynayaa ineynu beryo kala baadney isu soo noqod wanaagsan.
najma cadeey salaan gaar ah qaado walaashey wallaahi xoogaa aan qoslaayey sidaan u soo xasuusto halka uu mukha casarkii uu dhexda soo dhuuqsan jirey isagoo ku sii socda calanleey marka la weydiiyona waxuu dhihi jirey waxaa calanleey ku nool saaxiibadey uu ka mid yahey baranbaro, waan fahmi karnaa reer calanleey inaadan ceyneynin waayo adigaa ka timid, faana reer faanoole uma noqoneyso waayo waxaad rabtaa maalin walba inaan halkaa ku kulano, waadna ku mahadsan tahey sheekooyinkaaga qaaliga sidaad aragteyba m. muuse waa taariikh haye oo maanta waad la tartami kartaa.
m. muse heybinta ma xumee waxaan la yaabey sida qof qol ku siisey aadan u aqoon adigoo dadka si fiican u kala yaqaana,faah faahin dheeri ah najma haddaad rabto waxey deganeyd guriga ka dambeeya reer cali xirsi kabriid, magaceeda wey qarisey arimo siyaasadeed aawadood.
mukha aniga iyo adiga wax qol na siinaaya ma arko ee farjanno aan iska aadno in dad aan naga warheyn ay qol na siiyaan.
zak waad nasiibsatey oo ikraan iyo najmo marba midaa qol ku siineysa najmo way ogeyd inaad ikraan u guurtey haddana markaad ku soo laabatey qolaa laguu ballan qaadey nin walbow nasiibkaa.
waxaan rabaa xabba haddaad calanley u guurtid aniga waxaan u guuraayaa stockholm waxaa ku nool (real najma)oo horey u daganeyd orebro.
soo nabad ahaada. heyjo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Tuesday, January 16, 2001 - 05:53 am
Hello Kissima folks
Waxaan jecleysatay qaraabada oo dhan inaan salaamo wixii jooga iyo wixii maqanba, rag iyo bilcaanba.

Aan ugu hormariyo bilcaanta sidii caadada Fanole eheed. Najma, lolololol@@@@@@@, waa runtaa oo wax lagaaga xumaanayo ma aha, arrin jirta ayay eheed. Wixii loo gaaro 5:30pm, waan ka carraabi jirnay xaafadeena oo waxaan aadi jirnay xaafadiina, halkaasoo aan ku soo caweyn jirnay, anakoo dhexda noo dhuuqsan tahay, laakiin masiibo wexey ka dhici jirtay ramkey yicaal lacanley liiwashooda na ra'kaan na'akoo bagdhohooda la cosana, qudush nitey noo lagaan xawey nagu ruuti rijeen gadhax dahii lake aaw lagaa bada leeqinaa ""Yahey behlaayo, yoohadaa dahaan kuu geeshin"", I am not dissing anybody, waa wax la soo dhaafay hadda. Weynaadaa wanaagsan baa la yiri. Nidhaca labiskana xawey hedhi rijeen "Riifi riifi, aji aw la is raxiifinaa. Adi kalmadda "Aji" ama "Ajiyooba" ma soo gaarin aan u maleynaa. Najma aaway ninkii Cabdi Dheere ahaa warkiisa maxaa ka haysaa?

Cawaafe
Aniga saxib baroorta ha igu darsanin, nin la yaqaan ayaad noqotay, Zak-na waxaaba la siiyay qol iyo barsad, xabaanina waxbaaba laga soo raray, qofka kaliya ee ay Najma hankoolka labo tarraha ah ku heyso waa aniga, meel ay igala dagaalsantahayna waan garan la'ahay, marka adeer oohinta beenbeenta ah xagaa iigala durug.

Xabba

Adiga waxaan kuu hayaa maanta gabar shaqo doon ah resume-geeda, marka haddii ey meeshiina shaqo ka banaantahay gabdhaas wax la qabo. Courtesy of Yaableey.

YaabLeeY
Sunday, December 31, 2000 - 02:30 am

Subject: Can ya hook a sista up?? Ghetto resume

> > Resume of: Shaynana Chiquita Shanekia "Pookie" Jones
> > ADDRESS: 2036 South Side Skreet, Compton, CA 11122
> > PHONE: Cut off right now but will be back on by the 15th

> > OBJECTIVE: To one day fofill my dream of bein'a Soul Train danca and > > you know just gittin' my life togetha and stuff. I also hope to
one
day
be
> > the best cosmotologecalist (you know what I mean) Beauty
Speciacalist)
> > there is in my hood.
> >
> > SKILLS: I do hurh (hair) and nails in my kitchen and I be using
my
glitter
> > and weave bonding glue for arts and crafts and stuff. I be
doing
braids
> in
> > any texture or color: synthetic or real human hurh. Black,
blonde,
brown,
> > dark brown, dark black, gold blonde, dark gold blonde,red,
maroon,blue
and
> > rainbo colors.
> >
> > EDUCATION: THE "GET YOURS" HOME CORREPONDENCE
COURSE, INC.
> > BIG MAMA'S HOUSE OF HAIR N' NAILS N' FRIED CHICKEN N'
GREENS
> > (gradmuated with honors for the most extenzions done in a
year's
tiime).
> >
> > WORK EXPERIENCE:
> > Big Daddy's Motel Motor Lodge Bar & Grill Pool Hall & Bait
N'Tackle
Shop
> > (January 10, 1998 - January 30, 1998)
> > Reason for leaving: Big Daddy kept hitting on me.
> >
> > My Baby's Daddy Day Care Center Car Wash & Shoe Repair
(Nov. 2,
> > 1998 - Nov. 10, 1998) Reason for Leaving: They tri to work a
sistuh
to
> > death and I got thangs ta do!
> >
> > The Golden Tooth Dental & Jewelry Emporium (Mar. 1, 1998 -
Nov. 1,
1998)
> > I loveded this job cause they gaveded me a free tooth every
month
and
now
> I
> > can spell my baby daddy name but they done up and fired me
cause I
let
> one
> > of my homeboys sniff that laughing gas. He just smelt it; he
don't
do
> drugs
> > no mo.
> >
> > Kim Fung Toi's Restuarat & Pet Shop (you don't even wanna
know).
> >
> > Jimmy's Jheri Curls & Motor Lube (Nov. 6, 1998 - Nov. 7, 1998)

> > Reason for Leaving: (Hospitalized for spine injury when I
slipped
on an
> > overflow over activator).
> >
> > The Ike Turner Hoe Slap Recovery Center
> > ( Jan 5, 1999- Jan 12,1999)
> > accommodations; yes, I worked there and was a patient too
> > Reason for Leaving: Center closed down cause Tina Turner
done
refused
> Ike's
> > request to give us a benefit concert and donate the money to
Ike.
Ike
say
> > Tina done got beside hurself since she a big star. He say he
remember
when
> > she was Anna Mae Bullock from Nut Bush,Tennessee.
> >
> > References:
> > Pookie Terrence Johnson (my 1st babies daddy)
> > Tray Oscar Pickens (my 2nd babies daddy)
> > Tommy "Slick Tooth" Griffin (my 9th babies daddy)
> > Lawanda Jenkins (from up the skreet)
> > Hezakiah Clevestus "the playa" Jones (my mama's sister's
brother-in-law,
> > uncle half-brother)
> > The Right Reverend Aliza Benjamin Ineedadrank O'Grady
(Pastor of
The
> > Greater Mt. Carmel Church of God in Christ Kingdom Hall of Our
Lady
of
> > Saints Holy Rosary Later Day Seventh Advent Saints
Episcapaleen
Saidified
> > Non-Denominational Baptist Church, Inc. (a not-for-profit
agency).
> >
> > Note: All time periods unaccounted for above when I wasn't
working
are
> > none of your business but I was not on no welfare cause I
done
always
> > worked at something nother.
> >
> > Resume by The Professional Resume People, Inc. of South Central.

Ka warran gabdhaan shaqo ma loo heli karaa?

Zak,
Waa ku salaamay, saaxiibow bal doc uun isugu baydh, waa kugu wareernaye. Kareetooyinkii magaalada xataa waa isu kaa sheegeene, say kuu sii raraayeen marna kuu soo raraayeene.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raghe

Tuesday, January 16, 2001 - 08:42 am
M. Muse Waambe War Aabahaa meeqa bah buu qabaa ma waxaa ku dhalay Odayga Maxaad Cadde ugu Weyn ee ee ka shaqen jiray securizzion Kissimu .....

Halkuu joogaa Jeylaani?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HOON INA ADEERKII

Tuesday, January 16, 2001 - 05:19 pm
MAXAMED MUUSE

WARYA WAAN KU GARTAY.ADIGA XABAANI SOO LAGU MA YIRAHDO.KUBADDA MA CIYAARI JIRTAY.ALLA MAXAAN KU GARAN SIDA AAN KUU GARANAYO WALAAHI IN AYSAN JIRIN CID KALE OO SAAS KUU GARAN.

BAL HADDI AAD TAHAY QOF WAX YARNA HABA YARAATE GARANAYA BAL WAA KAA EE I GARO. AABAHA IYO HOOYADA A.U.N. IYO WALAALKA A.U.N. DHAMAANTIIN AQOON AYAAN IDIN LEE YAHAY. ADIGA MARKAAD KUBADDA CIYAARI JIRTAY TUUG WEYNAADAY BAAD AHAYD WELI MA SIDI BAAD TAHAY MISE WAX BAA ISKA KAA BADALAY.
BAL I GARO
NABADGELYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HOON-INA-ADEERKI

Tuesday, January 16, 2001 - 05:48 pm
RAGHE

WAR RAGHE CAANA-HELE MAXAMED MUUSAHAN MA AHA MID AAD AQOON U LEEDAHAY HADDI AADBA KA HADASHAY AABAHA IMISA XAAS BUU LEEYAHAY IYO SIKURUSIYONE MA KA SHAQAYN JIRAY.
MAXAMAD MUUSE AABIHI HOOYADI OO QURA AYU QABAY XAAS KALE MA LA HAYN. HAL WIIL BAA LA DHASHAY A.U.N. AABIHI WUXU KA SHAQAYN JIRAY BOOLISKA.
NINKA ANIGA AYAA AQOON U LEH..WAR RAGHE CAANA-HELE ADIGA MA KISIIMA OO ASLI MA TAHAY MISE QIXII AYAAD OROD KU SOO MARTAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.Muse

Wednesday, January 17, 2001 - 09:36 am
waa idin salaamay kulligiiba rag iyo bilcaanba.
jawaabaha la iga rabo waa badanyihiin waqtiguna waa igu yar yahay.

Najma, derisow waa fahmay sheekadaada waana lagu cafiyey, ee magacaada na iska wado lakiin sheekada waxii hadda ka dameeya ha ka gaabsan oka.

Mukha: war ninyahaw maxaa rabtaa, inaad aniga ka sokow reerkana waashid maa rabtaa. xalay markaan fahmay in laigu qoslaayo ayaan gabadha roon iri bal u akhri waxa aan ku qoslaayo.qosol ayeey la daaten. 2 daqiiqo ka dib waxaa hadal la soo booday guluyux; waxaa yiri" mama ati guluyux gabadhiisa ablikeeshika maa u gaysid meesha aad ka shaqaysid", hadana waa la raftay. marka nin yahaw waxaa u malaydoona in aanu ka dacway doona mustaqbalka. jawaabtii


ha la xiriirto shirkaddaan:

SAQAAFAY MIDNIGHT inc.
owners and managers: kuuje snd wiito
share holders:baba siyaax and c/qadir guure
board chairman:ilyaas and budiiste
marketing and new products: cato ali basal
customer service : aadan xashi and saano
359870 dagaxa dheer blvd
isgoska biifka,kis. 210098
fax:not good y2k
email: saqmidnit@jinikafaag.com


Raghe; saaxiib soo dhowoow marka hore. marka labaadna bal afka gasho xalwa naasigaan.
siduu Hoon ina adeerkis kuu sheegay waa sax. aabahay hal xaas ka badan waligii ma yeelan.
ninka aad i malaysayna ma ihi. waxaan umalaynayaa
in aad igu khaladay Jamaal Muuse Waanbe.

Wacaafe: saaxiibow maxaa sidaa u leedahay waaba ogtahay inay gabadhaasi aniga mar walba i haruufto, iska ba daa in ay qol isiiso ee . waa ba tay mukha iiga dacwootay oo ay tiri ninkaan hadda qoskiisii garan waayey amuu sexdaa qolaka hooyooyinka. mise in aan gabyo ayaad rabtaa oo aan dhaho:

cadradaha calanley ka kacay waa ciida ookale ee
ceeb malaha idilkoo cutub yaroo caasiya mooyee
carab dalab leh, canbaarayn iyo cod aan buuxin
caqli ameerikaan iyo waxay wataan caadadi horee
cadaydii najma ahhayd oo caliya la deris taalay
caradaan uga soo guuriyo carab laad-laadis kaygii
caraftii wan man show ga iyo cuudkaan is mariyey
caligeedu seegyey cabiirkay giiye
ceeshow milix iyo waxaan ka rabay deris caafimaade
cishadaan qollakeeda arkaan caada ka caashaqaye
caro iyo cay aanan garan camalkeedi noqoye
calaqadahaan u cawday iyo carabkii dig-dige
cashar ka ma soo kordhin iyo caaqibo toonee
cawaafiyo cabdizak bay intaa caasha ku wada taaye
ma sii wadaa???

marka nin yahaow ha igu diganin. waa siduu mukha kuu sheegaye.


Hoon ina adeerkis; adiguna soo dhowoow. rauntii waad iga ranaysaa laakiin wax yar aan kuu saxo;
aabahay weli waa nool yahay. waxuuna joogaa nairobi -kenya. hooyo iyo goobdoon ayaa dhintay.

weli ma garan baaqa aad i siisay. ma banoonogaan xadi jiray,lol~~lol. waxaan jeclaan lahaa intaa wax ka yar faah-faah san.

saaxiibayaal waa isu soo noqondoonaa haddii Ilaahay ka raali noqdo. amiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Wednesday, January 17, 2001 - 11:02 am
Salaan ballaaran oo ka timid Villagio Nuove,

Najma, baayo marakan waa kuu gadaal marinahayaa ee hunguri suqsuqa intaa dadka ka deyso, day, xoogaa i sug. Rag aan ab iyo isir gabay u lahayna waaba ka keentaye ma hawadaa wax uga tuurtay.

Hoon ina adeerkiis, saxibow waa iga qoslisay oo waxaa i soo xasuusisay sheeko: Ninbaa hadda ka hor wuxuu labo sitimaan ka baryaayay nin ay is yaqaanaan oo telefan bug ah Gaalkacyo ku haystay, inuu siiyo hal daqiiqo oo deyn ah, wuxuuna ku yiri ninka uu rabo inuu la hadlo, maalinta uu la hadlo maalinta ku xigta ayuu bahal lacaga ah oo waalan soo shubaayaa, maalinkii dambe ayuu ninkii intuu baryadiisii ka yaabay ayuu yiri waxan ku siiyay labo daqiiqo, telefankii ayaa loo garaacay, nasiib wanaagiisa waxaaba qabtay ninkii uu rabay, waa loo dhiibay, markaasuu yiri Biixi miyaa, markaasuu ninkii yiri haahe adigu waa kuma, kii gaalkacyo joogay ayaa intuu qosol ku dhuftay yiri "Car i garo haddii aabahaa nin dhalay?", ninkii baa cabaar aamusay, wuu soo saari waayay, markaasuu yiri ninyahow kuma garan karo ee isu key sheeg, markaasuu yiri, "Isu key sheeg aa?!! Wacadalaan isu kaa sheegeynine car i garo haddii aabahaa nin dhalay, carrr", sidii ayay labadii daqiiqo kaga dhamaadeen!!!!>.

Xabba, lolololol@@@@@@@(&:O waxaan ku qoslaayaa Guluyax daacadnimadiisa, kaas lama cadaabaayo. Saqaafay Midnight, Inc. magaca waxaa ka daran, dadka aad isugu keentay ma kula tahay intay shirkad dhistaan inay ku heshiinaayaan, waxaase ka maqan xisaabiye "Liifeey". Fiiri yaa kuu allifay gabaygaan oo jibi jibiga ah? Bob maa Iisho u tiriyay oo adna aa ka soo xadday? perche gabayadiisa kuma qori jirin "All Rights Reserved for the Author" marka bannaan yaal bey iska ahaayeen.

Booqasho gaaban ayay ahayd maanta ee sidaa iyo nabad galyo.

sug...sug...ha iga xirine...Najma waa taan ku iri waa kuu soo noqonaa, horta Calanley gabay ma laga yaqaanaa, anaka haddaan reer Fanole nahay gabay iyo geeraar iyo waxaas ma noogu imaaneysid, laakiin waxaan isbeerto ku nahay buraanbur, Calanleyna waxaan filaayay Alaabtii Muse Birjeeb (a.u.n) ee ahayd doon baa maraysoo baddaan doon baa maraysoo doon baa maraysoo majabe jaawey sidaaye, jaaweey sidaayeey ma jabe jaaweey sidaayey!!!........ku dar hadde. Marka mexeey tahay ninkaan xaafadda habeenkii labaad ee uu ku hoydaba gabayga la yimid?

Akhyaarta maqan waa idin salaamay saad u dhantihiinba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Thursday, January 18, 2001 - 08:30 am
Waa salaamantiih saxiibayaal iyo darisba.
Reer naafoole gacan aan idin taagey waxaan maqli jirey carab intey ku nabto ayey nabiga kaaga hormartaa marka hada sidii aa igu noqoteen intaan sababta sheegein bal i suga wax yar.
Wacaafe:
Aniga ma degeneyn reer kibrid gadaashooda oo soonahaan kuu sheegeyba man ka degeneyn calanley mida kale ani waligey maan degin orebro sad u kala taqaan magacyada sweden ma degenaan jirtey? magaladaa waxaa degeneyd gabar reer shaqaalaha ah oo hadana u wareegtey saan maqley USA walalkis ha igu qaldin dadka mida kale adi adaa faanole isku dhajisey ee waa horaan ku soo rari laha.
Mukha:
ina dheere maan arag oo magaalo waa wada degenahay mooye saas isuma aragno TV leen ka daawada boowe mida kale huguri yuqyuq daa maa i tiri saaxiib horta adi markaan ku mari waayey aan odey kaa dhigtey hadase waa kaa ceshedey oo meeshaad ila jiri laheed aaba kow iga soo horjeesatey meeshaan maalintan soo galayey qof ayaa ii kaa so amaaney marka si kasta oo i dhahdo waa iska qaadahaa.
M.Muse
Daris adaaba iga darey i haruuftaa aa see camal saaxiib daris adun mid aakhiro aa la dhahee mise waxaa ku dhibey adeegeyga beenbeenta ah sokaraa iga godey, cusbaa iga dhamaatey waaba darisnee seen kugu nacaa. waaw waxaasa gabey ah afkaaga maxaan dhahaa ha lagu qabto malab ahaa.
ciyaal naafole hadan u soo noqdo hadalkeygii hore ani saan idiin daba ordaayey ey kabihii iga dhamaaden idinkana waxaa dheheysiin saas maa caleesh muhiimka waxaa ah anagoo magaca magaaladeyna ku sheekeysaneena.
maanta hadal intaa uu iga idladey ee soo barya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hoon-ina-adeerki

Friday, January 19, 2001 - 07:52 am
maxad muuse
warya ma aniga ayaad wax damacday in aad ii saxdo. horta dib u akhri wixi aan horay u qoray. goobdoon a.u.n. ayaan iri ee aabaha ma oran waayo waan ogayhay in uu joogo kenya.war adiga iyo aniga najmo aqoon u ma lihin waayo inta gabdhood ee reer kissima aad garan anigana waan garan ee beenta dhaaf aniga iyo adiga najmo ma aynu garan weli ila iyo hadda.alla aqoonta aan kuu leeyahay cid kale oo kuu leh baaba iska yar. maad i garatay hadda.

najmo
aniga macaan waxaan ahay reer kisiima asli ah maxaad anigana ii salaami weeyday illen waxaad salaantay maxamad muuse,mukha iyo wacaafe.abaayo maseer baan la buka ee xaal baan kugu leeyahay ee sida ogow.

dhamaanitiin nabadgelyo iyo fii amaanililaahi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.Muse

Friday, January 19, 2001 - 11:21 am
Hoon ina adeerkii waan ku kasay qofkaa tahay. awalba waan kuu maleeyey laakiin waxaa shakiga i galiyey sida xun ee aan u akhriyey. baaqii hore iyo markaan isku qabtay qoraalkaan dame iyo kelmadaha reer kissima ay ay isticmaalaan (lahjadda) sida (magarani, ma kasi, ma cuni etc.) waan ku fahmay 100% qofka aa tahay.

si aan kuu xaqiijiyo baaqaan ka soo jawaab.
falastiin ciise gubte meeqa guri ayey lahaa yeen? inteena ku kala yaalaan?

Najma derisow aan kuu sir baxo, ninkaan hadda ha u jawaabin sug inta uu baaqayga ka soo jawaabaayo, waxaansidaa u leeyahay xaajadu ma fiicna culayska ma fahmaysid miyaa si toos ah ayaa laguu soo koray, mana kugu dayn karo oo deriskayga ayaa tahay, ee bal wax yar isug inta aan kala baxayno.

dadka kale waa salaaman tihiin wa is maqlidoonaa. nabaday iyo nooli kulanti. kuwa heri

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HOON INA ADEERKII

Saturday, January 20, 2001 - 02:52 pm
M.MUUSE
HORTA BAL MARKA HORE SALAAN IGA QABO MARKA XIGTA MA AADAN I GARAN WELI WAAYO U MALAYN MAAYO IN AAN AQOON U LEE YAHAY FALASTIIN.HALKEE BAY KA DEGEN YIHIIN KISSIMA ANIGA WAXAAN DEGENAHAY XAAFADDA SHAQAALAHA XERADA GOOLWADE AYAAN KA SOO HORJEEDNA.ANIGA ADIGA LABO MEEL AYAAN KUGU ARKAY.
1.DUGSIGA SARE EE GANAANE FASAL AYAAN KAA SAREEYEY
2.GAROONKA KUBBADDA CAGTA AYAAN KUGU ARKI JIREY OO TIFOOSO AYAAN WARSHADDA U AHA.
WAR XAAJI FALASTIIN MA XASUUSTO QAX IYO BALAAYO BAA LA SOO MARAY OO MASKAX MEESHA LAGU MA HAYO.
ANNAGA REER SHAQAALAHA WAXAAN ISKA AHAYN DAD KUUL AH OO QOFNA MA DHIBI JIRIN.REER CALANLEY XAN BAY CAAN KU AHAAYEEN LAAKE LAAKE RIIFI GINKAN JAII RAXIIF BUU ISKA GIDHA. REER FAANOLE YAA SURWAAL ISKU DHEJIYEY IYO ISXARIIFIS BAY CAAN KU AHAAYEEN.REER FARJANO KUWAAS WAA SOO GALOOTI OO REER KISIIMA ASLI MA AHA.
XAAJI WELI MA AADAN I GARAN EE GANAANE FASALKI KAA HOREYEY AYAAD KA GARAN.AQOON WEYN ADIGA II MA LIHID OO QOFKA LAACIBKA AH AYAA LA XASUUSTA EE MISKIIN KAYGAN OO KALE YAABA OGAA IN UU JIRO.
NABADGELYO DHAMAANTIIN,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.Muse

Sunday, January 21, 2001 - 03:25 am
hoon ina adeerkiis waa salaaman tahay. aniguna weli kuma garan kana raali noqo suaasha aan ku waydiiyey, qofkale ayaan kugu khalday oo aan isla garanaynay baaqa, isagana waan hubaa in aad taqaanin waayo isna hal fasal ayaa ka koraysay warshadana wuu u dheelijiray oo cabdirixiin shiino.ee ka raali noqo suaasha.

tan kale wax xerada seerjitada ka ssoo horjeeday oo ganaanana dhigan jiray waxaan ka xasuustaa maxamed salaad iyo nuur waaber.wax yar haddii horay loo sii dhexgalana waxaan xasuustaa bile xaaji gabood.waxaan kaloon xasuustaa cabdulahi ama cabdi badari wiil dhalihi jiray oo madoobaa oo waagii damena u shaqayn jiray mashuuraca afgooye ee libiya ay waday.kirbag na wa xasuustaa oo xerada deganaa. nuur gaduudow na waa xasuustaa.
kuligood wa iga koreeyen. intaa kabadan ma xasuusto wax iga koreeyey. ha i sii xujaynin ee isu kay sheeg. aniguba qax aan soo maray oo dadkii badan kood waa ii gooyeen.
intee hadda joogtaa? wax reer kissima ah hadda yaa kuu dhaw?

najma derisow iga raali noqo qofkaan u maleeyey ma ahayn. mid aan xaaxiib nahay oo gobolka Georgia, usa, jooga ayaan u maleeyey oo gabarba aan arki karin ama maqli karin magaceeda. kan waa xujo cusub oo weli ma kasin.
tan labaad ma ka heshay gabaygayga. weliba kedis buu igu qabsaday ee hadaan u fadhiisto, abwwano badan baa suuqa ka baxaaya sida Sangub, Xasan ganay iyo qaar badan oo gabayo aan u dhiibo oo dadkuna u malaynayaa in ay iyagu soo alifteen.
wacaafe ayaan ku ridaayey madaafiicdaan ee adiga kuulama jeedin in kastoo mowduuca uu kugu saab sanaa . waa kaa rili gelinayaa hadaan meel kaaga dhacay. waan iska kaftamaayey oo waxaan rabay in aan sheekada xiisu yeelo ee ha la i cafiyo siiba najma iyo gabdhaha reer calanlay ah oo dhan.
tan kale waxaan jeclaha in aan kuu sheego in Stockholm ay qaraabo badan iyo saaxiibo badan ii degan yihiin. habar yartay ayaa ka mid ah qaraabada ii degan oo waxaa la dhahaa Timiro Saciid Aw-Yusuf. waxay dhashay Caasho Yusuf, Cadde, Idaaro, iyo Cali YUsuf.saxiibaday waxaa ka mid ah oo reer calanley ah Qoosh Dacar, Nuure Guray, c/dir Dabagale. iska daa inta reer faanoole ah sida wariyaha Salow. igu salaan Salow.


wacaaf, mukha, zak waa indin salaamay. waan ogahay ma gabyi kaartaan ee maad soo ridataan labada xabo ee buraanburka ah ee aad ka soo xadeen hooyooyinka. aniguba waan aqaan labo xabo oo la qaado marka galayda la tumaayo, waana kan:

iihi iihi --------ihiiii
tii daasha wiilkeedu ma duulo madiriro.

ka warama hee. waan ogahay halka xabo oo aad la oraysaan ma rabo in aan idinka hor sheegto ee waa idiin daayey.

Mukha shalay waxaa isoo maray oo cabaar marti ii ahaa Aadan Xashi iyo Xuseen Cali Shire(cabdi caligii badda ku dhiman jiray walaalkiis oo da'dii ka yarayd ah. haddii aadan xasuusan). waxay wada degan yihiin Ohio. waxaan u geeyey oo ay soo salaameen Axmaday mubaarak(gaywero). waxaa la socday oo ay Ohio u ka xeeyeen wiil uu dhalay oday mainaayada u shaqayn jiray oo xaafadeena deganaa, oo si qurux badan u socon jiday, kuna quruxsanaa labiska ciidamada . magaciisu waxuu ahaa Cabaas. (i hope in aad garatay) waxuu wiilku deganaa Holland, laakin hadda inta ayuu rabaa in uu dego. arimahiisii inta badan waa u dhamaadeen.

waryaada waan daalay sidaan wax u qoraayey ee bal ha laiga nasiyo, anigu waan sii nasanayaa ee nabaday iyo ismaqal dame.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Monday, January 22, 2001 - 01:50 am
Waa salaamantihiin reer kisima khaasatan dariska.
Hoon ina adeerkii adaa khaladka leh waayo markaad soo gasheyba adoo qofna nabdaadin ayaad M:MUSe gashey marka in aad kisima tahay iyo in kale noomaad sheegin si kasta raali noqo aboowe kuna soo dhawoow minanka waana salaamantahay laakin maad isu kaayo sheegtid ma taqaan Jamiila dhayib sugule oo shaqaalaha degen.Hoon reer calanley xanta goolkey ka tuurtan amaa kisa oo kale la toortaa bal dib ugu wareerg kissima oodhan.
M.muse anigaba waa iska waramooyey ee weli ma xanaaqin dadka aa soo sheegtey waa wada aqaan aan ka aheen Nuure gurey mida kale cabdiqaadir lama dhaho daba gale hada ee c/qadir long aa la dhahaa habaryartaana si fiican aan u aqaan iyo ilmaheedaba hadaad c/long iyo qoosh saaxiibo aheeden waxaan filayaa in aad walaalkeyna saaxi aheedeen.falastiin ciise gubte anaa ku aqaan hadey tahay midii degeneyd guriga baraakada skoolka calanley gadaashis oo 97dii aan kusmaayo ku arkey. inta maqan iyo inta joogta soo nabad ahada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Tuesday, January 23, 2001 - 07:13 am
Fa'da gabay anigoo yar baan faaqid ku ahaaye
Farriimaha ka yimid Calanley fadhigii ii diiday
Faruuryaha rag aan gabay u furin ayaa maanta faanaye
Doofaar waa tii la yiri ficil la'aan loo cadaabye
Fagaaraha ii banneeya waan soo fatahayaaye

Faanolaan ka imid iyo meeshii fiicnayde
Farriimaha la soo diraan falanqaynayaaye
U fiirsada faaladaydu way fayowdahaye
Rag faraha laga qaaday oo caawa noo faanay
Ayaan fogeynayaa oon ka bixin faryaradaa bidixe

Ruuxii fahmo leh ayaa garan halka aan ku fooraro
Fawaaxish kuma hadaaqo iyo wax aan fiicnayne
Fidmana la iguma oga faduulna hadalkeed daa
Fadhiyada camiran iyo waxaa nalagu garan faras magaalaha e'
Ficillada badh baad u qabi inayna fiicneyne
Fiidkii markay tahayna anaka oo faatfaatin
Filimada agtoodiyo waxaad naga heli fagaaraha e'
Fasahaadna uma joognee waa fannaanimo e'
Fadalkaygu yuuna sii kicinin fidho intaa dheere
Fursad waxaan siinayaa kuwa ii fadhiya goobta
Hoyaalayeeeeeeeeeeeeeeeeeey

Waxaan filayaa inay intaas ku filan tahay ragga noo soo gabyay, haddaad ku soo celisaana mid ka daran ayaa idinka raaci.

Najma
Odaynimada waqti aad iga ceshato waa la soo dhaafay oo hadda rag baa gogosha ii fadhiya oo waaba la iga kaa soo doontay oo waaban ku bixiyay haddaad diidana waxaa ku sugaaya far duco iyo far habaar, dhexdoodana ma gali kartid waa inaa mid qaadatid. Marka odeynimo ka ceshadka waa la soo daahday saxib.

Soo nabad ahaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hoon-ina-adeerki

Thursday, January 25, 2001 - 07:52 am
maxamad muuse
weli ma aadan i garan ee saxiib maxa dhacay.shiino isna waan garan oo kubada ayaad wada ciyaari jirteen.saaxiib aniga waxaan jooga holland adiga halkee baad ka joogata usa. telephoonkaada noo soo sheeg waayo dhalin yaro kale ayaa i kaa weeydiiyeen.
najmo
waa runtaa aniga ayaa qaladka is kaleh waayo xabaani ayaan horay ataag kaga bilaaway waayo ciyaal suuqnimadiisa ayaan haya oo xata faro ayaan ka haya.waa ku salaamay marka hore ee marka xigtana halkee baad ka deganayd kissima.hadda halkee baad ku sugan tahay.soo hadal oo warka xooggiisa bal noo dhiib.
dhamaantiin waad salaamantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.Muse

Thursday, January 25, 2001 - 12:45 pm
Reer Kissima cadday, kulli waa idin salaamay.

Najma: derisoww iska waran sidee tahay? ama i naca ama i caaya shaqadayda maahan. waxaan la hadlayaa wiilasha aan jeclayn oo ka ma seeraaya sababta aan najma marwalba uga soo hormariyo iyaga.
Najmoy anig markii iigu damaysay C/Lunge magacii hore ayuu watay, marka reer Sweden ka raali noqda arintas. adiguna waa ku mahadsan tahay i sixidda iyo i casriyeynta. mideeda kale waa sidaa sheegtaye waa laga yaabaa in aan garto walaalkaa madaama uu saaxiib la ahaa saaxiibaday. maagaciisa ma ii shiigi kartaa iyo halka uu hada joogo. arinta ninka soo gabyey ayaan kaala tashanaayaa. maxay kula tahay ma u jawwba mise waa ka qaleeyaa? tan kale reer faanole waji adeeg aan uga yaabay, reero gabadhood ayey iska bixinaayaan,yaab!!! xataa maba la ogaysiinaayo gabadha ee waaba la khasbaa lagulahaa.Huuuuu, yac,
andiga waxaan sugaa jawaabta Najma Cadday, taas leen ku qancaa.hadaad talo rabtidna diyaar aan kuula ahay derisow.

Mukha; woooooooooooow!!!!!!!! Allow reer shaqaalaha ishooda kaa dhawr. ar cusbo iyo xidiid isla gaar, waaba hadaa weli fiyowdahay.
waxaan ka helay tixda ah: fasahaadna uma joognee waa fanaanimo ee.LOL~~~~LOL.
Anigu hadda ma soo jawaabaayo waxaan talo ka sugaayaa Najmaa. arinteedana kama hadli kari oo iyadaaba joogta oo af jooga looma adeego.

Hoon ina adeerkiis; war ninyahaw xujo badanidaa. anigu intaan xasuusto waaba kuu sheegay ee maxaa weli iisii cayrsanaysaa. QAASHIN SHEEKH maatahay.
intaa kaban ma xasuusto ee isuku kay sheek nooooh.
tan kale igu wada salaan dhalin yarada Holland ku la joogta oo dhan ee reer kissima ah. gaar ahaan Xasan Taray oo aan si walaalo u nahay(ilmo habreed). talefonka halkaan kuma qori kari oo waxaan ka baqayaa in cid aan kale oo aan reer kissima ahayn isticmaalaan. marka waxaan ku sii na yaa iimaylkayga u gudbi wiilashaas, ama haddii ay soo geli karaan halkaan hanagala soo xiriireen.
waxaan deganahay gobolka(state) Maryland.
iimaylku waa: bottaan55@hotmail.com

dhalin yarada ale waa inid tabanay ee maxaa idinku dhacay. hal-hal maa loo siibanaa. ha la idin maqlo.
kulligiin nabaday. kuwa heri iyosidaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m.geelle

Sunday, January 28, 2001 - 07:16 am
as-salaamu calaykum

xabaani goormuu dhintay goobdoon adigase xagee ku danbaysay
meeqa caruur ayuu ka tagey xaaskiisa xagee ku danbeysaa

reer kismaayo intiina kale
waxaan idinkula dardaarmayaa in alle laga cabsado meel aad joogtidba ha lagu dhaqmo diinta hana laga sheekaysto oo ha la isku waaniyo farida macrufka iyo reebida munkarka halaga fogaado waxaan dan kuu ahayn oo aakhiro aan ku anfacayn

xabaani adigana sidoo kale waxaa la joogaa waqtigi aakhiradaada ku dadaalilahayd aniga cid sidaan kuu garanayo kuu garanaysa meesha ma soo galin

waa walaalkaa iyo deriskaaga
maxamed geelle k.jiiq
ilaahay towfiiqda hana waafajiyo dhamaanteen
waa ladhiman waa lakal horeeyaa mooyaane
runtii ma soo galeen meesha oo ma jecli meel aan waxba lagu kala faaiidaysanayn laakiin waxxan usoo galay markan ogaday in goobdoon dhintay oon hore u maqlin ilaahay ha u naxariisto
wasaalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M. Muse

Monday, January 29, 2001 - 06:44 am
To: Maxamed Geelle( kaba jiiq).

walaal waa ku salaamay. anigu waa nabad qabaa waxaana deganahay gobolka( state) Maryland ee usa.
waa sidaa maqashay ama aad halkaan ka aqrisaye ninkii Goobdoon ahaa waa geeriyooday. waxuuna dhintay 26kii Luuliyo 1999kii isgoo qax ku marayey tuula Kudhaa, maalmu ka dib markii kismaayo la qabsaday. dad badan ayaa qaxidaas ku dhintay badankooduna waxay dilay cudur malaariyo ah iyo beer xanuun.
dad waxuu ka tegay 3 wiil iyo hooyadood. 2 da roon wiilasha anigay ila joogaan halkaan. gabadhii uu qabay Sahra Shiino( waxaan u malaynayaa in aad xasuusatid, ilmo adeer ayaan ahayn gurigayna ku soo kurtay)iyo wiilka ugu yar iyo aabahay waxay ku nool yihiin Nairobi-Kenya.
Isboonsar ayaan iyagana u xareeyey balse weli looma yeerin.
guud ahaan xaaladu waa sidaas markaa kuu kormaro.
reerlii iiga waran halkay kala joogaan? 1992 maraan qax ku soo maray NFD(GARISA ) waxaan ku arkay sahro geele. igu salaan reerka oo dhan. ma hubo laakinn waxaan u malaynayaa in aan Xasan na ku arkay mambasa-kenya. walaal ha la iska war hayo, iguna salaan waxii reer kisima aha oo kugu la nool meesha aad degan tahay, in kastoo aana garanayn meel aad joogtid runtii. nabaday.

Dhalin jarada kale waa idin wada salaamaya kuligiin.

Maxamed Geelle: waxaan ugu soo noqday waxay tahay in aan kuu sheego dadka kale ee boga soo gala oo aad garanatsid laakiinse laga yaabo in aad magaca ay isticmaalayaan aadan fahmin. waxaa ka mid ah
MUKH(mukhtaar shariif) wacaafe(cabdi cawaafe) iyo kuwa kale ba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMAAN GALAA

Tuesday, January 30, 2001 - 04:40 am
WARYAADA OO WIIL MEEJANAAYREER KISMAAYOODKII
JOOGAAN
OO WARYAADA YAA REER AFMADOOW AH OO IDINKU JIRA
WARYAA WIIL KOBTANEEY MAXAAD KU HAYSIIN
DHIIMOO DHIIMOOW WUU DHALDHALAAL BADANYAHAY
DHOOBADUU KA FAANAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Tuesday, January 30, 2001 - 07:33 am
Salaama Kissima, nafikiri hali ni mzuri

Xabba Xildiidkii iyo malmalkii waagaan yaraa madaxa la ii saari jiray ayaa wali meel ii yaala, guriga irridiisana dhalo biyo bad ku jiraan ayaa iigu xiran marka uma maleynaayo il iyo cayuun waxaas inay i karaayaan.....oo tixda aan ku iri "Ayaan fogeynayaa oon ka bixin faryaradaa bidixe" waxaan u maleenaa iney ku tuseyso nin arrimahaas loogu gali karo inaana ahayn. Oo waad la socotaa (a.u.n) Muuse Birjeeb ayaa Calaqad noo ahaa marka xaggee nalaga soo galaayaa?. War ninyahow gabadha Najma ah ha u kabo galinin oo inkaar ha u soo jiidin, waan bixiyay sidaan u bixiyay ha ahaato ee aminkaan far duco iyo far habaar ha u keenin inay kala doorato, anigu ma nicin oo meel cidla ah kuma tuuraayo iyadaana walaayada i saaratay, ninka aan siiyayna waa nin aan ku kalsoonahay oo aan xumaan hore loogu baran aan ka ahayn edbinta haadeey ballaada oo dhaqan ahaan aan xumeyn haddaan nahay reer Wamo.

Aman Galaa, .....soo gal saaxib oo ha is martiyeynin, Dhiimow waa umaaday...qaraarowna waa keenay.... ee dherigaada dabka sii saaro, islaantaadii shanqaro eheed iyo gabadhahaadii kala ahaa kaadisooy iyo shirfato abriiqa sii buriya dheh. Bacdi eggiid sagaal cabtid kan tobnaad sodohdaa ka shiix!!lolol@@@@

Hoon-ina-adeerkii
Ninyahow Xabaani kaligiis ma ehee annakii ayaadba istanbeey na galisaye maad is sheegtid waxaneey dhuumasho ka badane, dadku sidaad ku ogeyd ma aha wax badan ayaa la soo maray, dad baa markay magaaladii ka soo cararayeen intay shaati horay u soo dafeen sey u soo ordaayeen markay habeenkii duur cidla ah intay imaadeen ay is dheheen go'a huwiso......mise waa shaati!!!!! yaab war go'ii aaway......yaa og......marka adiguna ha na sii kilkiline warka shaaca ka caddee oo ina ayahaaga sheeg.

Najma
Ninkii iga kaa soo tuugay ayaa dharkii arooskaaga saaka ii keenay, hagoogtii,labo guntiino oo wil ah, hidhadii, kabihii ambiirta ahaa iyo saacad Romer ah.....xasha ...intaas markaad isku taagto .....ar waxaan illoobay dhegodhego (labo joog oo qalin ah) ..xarragadaada waaba la yaabi..

Inta maqaneey soo noqod wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zAk

Thursday, February 01, 2001 - 07:56 am
Asalaamu caleeykum kuligiin reer Kisiima .
ma idin kala qaadqaadi karo waa igu badateen ee maxaa la hayaa meesha waa soo nuuroosaa ee alaha nuuriyo aaamiiiin.

Maxamed Geele (kabaJiiq).
sxb ii waran goormaa iigu kaa dambeysey sug aan xasuusteee......... haaaa adigoo gooja farmashiyahii ka soo horjeeday garaashkii calibaba maaheenoo,oo Xassan geele aaway? ma i xasuusatidaan u maleeynaa xasuuso iskuulkii jamaal cabdoi naasir isku kursiga markaan aheen aniga adiga iyo Mahad cascaseey........ hahahahah
hahahahah ninlka kula hadlaaya waa Zakaria hahahhahahahhahahahah.

soo barbarya kuligiin waan soo noqonaa insha ALLAH
zAk new york.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.Muse

Sunday, February 04, 2001 - 04:39 am
waa salaaman tihiin kuligiinba, rag iyo bilcaanba.

ar waa yeebee dadkii maxaa ku dhacay ma la raafay? yaa yaqaana xerooyinka la geeyey.Dios waaba maqlay oo dhanaane ayaa ku jiraa mana la soo booqan karo oo qofkii u taga isagana horay aa laga qafaalaa.

zak isaga waa nasiib badnaa oo meel fog lama gaynin, waxaa laga qabtay kontoroolka jama luubi markii luglow la geeyana waxaa gartay oo soo siidaayey lamuumbe.

waaan ka naxsanahay Najmadii. xamar ay aaday waxaana maqlay in shalaanbood isbaaro ay dhigteen askarta wax qafaasha, laakiin waxaan maqlay waxay wadatay teesaro farmayeeri caafimaad, Ilaahay ha ku fakiyo kuwaas gabar-gabar ma yaqaanaan.


amaan galaa soo dhowow sxbow adiga waaba nasiib badan tahay haddii Ilaahay raafkii Qooqaani kaa soo badbaadiyey iyo Cabaas askartiisii. hadda intee joogtaa oo ku dhuumanaysaa.

Mukha iska waran. hadda angoonis macasalaamayn ayuu talefoonkii kaa go'ay. marka dame waxaan idinka rajaynayaa adiga io shiniyow in aydaan i soo wicin markaad fadhidaan. maxaa ogtihiin. waa iduufsateen oo isla waqtigii ayaan D.C. aaday. ogaada marka dabe ma qaadaayo telefoonka haddii ay tahay habeen jimca ah. igu salaan qaraabada iyo asxaabta Boston kula degan.

inta kale waa idin salaamay waxaana uga baxayaa meesha ha laga war hayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMAAN GALAA

Monday, February 05, 2001 - 04:29 am
WARYAA WIIL
MA KOBTANAA RABTAA INAAN KUGU KOBEEYO
QARAAROOW QUUD MIYAA
HEBEL KHALAF QOLO MIYAA
QOOQAANI BELED MIYAA
EGGANEEY QOOQAANAA JOOGAA
QOOQNA WAA I HAYYAA
WIR WAX IGA QAAD HADDEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Monday, February 05, 2001 - 12:29 pm
Addunyada Ilahay waxba waxbaa ka daran. Ani waxaaba iigu daran gabadhii aan bixiyay oo haddana fakatay, ceebta iga haysata ninkii aan qowlka ka qaaday ee aan ku iri gabar baan kuu haayaa. Waxayse ugu sii darantahay marka la dhaho ninbey la fakatay. Ilaahow ceeb astur. Waxaaba iigu daran ninka labada dibi ee uu iska gaday oo alaabta uu ugu soo gaday, hah!! wax qoor ah oo aan la quuri karin bey ahaayeen. Ar yaa tol ah oo ila raadiya.

Xabba, waxaan soo xasuustay hadda ka hor ayaa waxaa sheekeysanaayay Caato iyo Faajug (ina Nur Sooyaan) Faajug ayaa wuxuu yiri ninyahow gabar oo Garissa Lodge dukaan ku heysata ayaan is jecelnahay si aan u guursadana waan la'ahay...Caataa yiri "Sidii loo guursan jiray maa u guursatid?" markaasuu Faajug yiri, boos ma iga bannaana...Caato ayaa yaabay markaasuu yiri, guri maa tahay?...Faajug ayaa u jawaabay oo yiri, maya noh afartii ii banaaneyd waa qabaa mid shanaadna kuma dari karo, laakiin waxaa ciil iga haayaa, mid aa xariggii igala fakatay, asagoo ula jeeda waana qabaa meelna kuma ogi, Caato ayaa soo booday, intuu qoslay ayuu yiri xarigbey la fakatay aa.....weyl miyaa?lololol@@@@@@@@ waxaan maqli jiray ayuu raaciyay weyshii ayaa xariga la fakatay laakiin naag aa xarig la fakatay weligey ma maqlin........

Zak, soo noqod wanaagsan, waa sida M.Muse sheegay waxaan u maleynayaa Jamaluubi laguma dhaafsiinin adiga.

Amaan Galaa
Waxaasaa saar ah, war ninyahow bal sii wad rag baa ku dhow iney bururaane.

Soo nabad ahaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.Muse

Tuesday, February 06, 2001 - 11:02 am
ay wato ya kissima habaari gani. nibuteya wabi? usema ow mambiya salamiyangu hawjamaa.nisikia mazuri na raha. intaasi afkii deriska.
Mukha talo waa tii Alle, balse inta aanaan teena ku sii bal aan ku waydiiyo arin sal dhig u ah talo siintaada.

gabadha ma bixisan mise waa mehrisay?
haddii aad bixisay oo ninku iska soo deg-degay oo kiilkii dhaqso keena, haloo celiyo kiilkiisa xaalna haloogu daro.

Haddise aad qaadatay yarad tolkana sooryo la siiyey, ninkuna kiilkii soo diyaarsaday arintu faro waa ka baxday oo sidaa rabtaba ku keen hadaa rabto basbaas is mari ganadhii ayaa la gaa rabaa.

Balse haddaa rabtana arintaan aan kula kulmay libooye waa dhihi kartaa.
labo nin ayaa xisaab tamaayey oo qaad shirko ku ahaa. kii safarka keena ayaa la waydiiyey xisaabtii. si kasto markuu yeelay waxaa is xiri waysay xisaabtii, odayga intii si fiican u fadhiistay ayuu kiilo gisa ah furtay, labo koob oo ranji ahna boobsii uu uga daba geeyey. xisaabtii ayuu ku noqday isagoo marqaansan. markuu fahmay in aysan is xirayn ayuu ku yiri ninkii kale" war meesha naga wada qaadku waa bood-boodaye". marka hadda akhiyaarta u sheeg gabahdii waa bood-booday.

Najma dad iyo duurba wax aadan filanayn ayaa ka imaada. yaab!!! ninku ma hurdaa, ma oga miyaa in xitaa reer baadiyuhu ay is ka daayeen jajuubidaan.
haba ku fududaado adaygu bixintaada oo waa ogahay waa saaxibul faluus lakiin waxaan meesha ku jirin ikhtiyaar ka qaadida oo ka in uusan fursadba ku siin aad ku hadashid. Aji kulahaa" far duco iyo mid habaar, dhexdoodana ma geli kartid" belo oday kaa dhigatay. ma la is gadanaa iyadoo la nool yahay. niga mar hore aan ka hadli lahaa laakiin adiga leen weli ku sugaa anigoo og waxaa dhihi doontid. anigu xataa waa ogahay meesha aad ku dhuumanaysid oo Zak iyo Wacaafe oo habeen hore ruwaayadii shuumay kuuwaday ayaan arkay.

Amaan galaa, wa nin yahow saarka waqtigan ah maxuu yahay? jiilaal aaba la joogaa oo ceelkii cag libaax, kii biibi, kii la helay iyo warihii beerxaani ayaa shiimadii oo dhan kortay. ushaa tuurto ma iyadaa dhul dhacaysaba sidee waaya sxb abaar moog maa tahay. sug intii bisha abriil 25da laga gaaraayo oowarhu sida tan hoolaa wajeer iyo tan raama gudaa ay biyo keenaayaan.

akhiyaarta intiina kale waa salaaman tihiin ee ha la idin arko oo meesha ksoo war haya. nabay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zAk

Wednesday, February 07, 2001 - 08:30 am
Salaam kuligiin reer kisiima wax badan ma sheegaayo waqtigaa igu yar.

Mukha saxb aniga koleey waxaan sameeyo ma aqaan hana i dhaafsiinina wax walba waan idinku wareeray adiga iyo xabaani labadiinaba sida aan qabona waad iga waaweyn tihiin koleyy si walbaba ha ahaatee garash waa i dheertihiin.

M,Muse:
Sxb waxaamba u maleeyey inaad u guurtay Brazil wali ma joogtaa ninyahoow New York imoow hadii aad rabtid waa meel fiican amaba mar visit noogu imaada qofkii rabo well come waa la idiin dagan yahay ha is martiyeeynina.
xabaani sxb walaasheey Qeerto Muxudiin igu salaam oo Riverdalle Dagan.


bye kuligiin
zAk new york.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BuloObliko

Wednesday, February 07, 2001 - 09:03 am
Lee, waryaada meeja mexeey waaba mugdiye ar qofkaan ku istaago ha iska raali ahaado, karbuunadiina waaban soo hilmaamee. Aaway dadkiin ku ogaa meejan waaba la kala cararee maxaa. Waana iska daalanehee wax gaxwo xataa isa siinaaya maba jiree, Farjannaan kor ka soo maray oo Siinaay aan labadoo majood oo baarixi ah horay uga soo qaatee bacdi waxaan is lahaay dad uun fadhiya aad fadhigaada ku darsatide oo shaaha ranjiga eh aad ku kor qabsatide mana arkaayi wax fadhiyo. Haye hee labadeyda minjood xaafadeydiiyaan kula noqonaaye soo nabad ahaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Friday, February 09, 2001 - 03:11 pm
Qaraabo waa salaamantihiin dhamaantiin maxa jira yaa nalkii goostey suu buulo obliko sheegooyo waaba leysku joogjoogsanaaye mugdi badanaa.
mukh waa ku mahadsantahay soo radintada laakin adaa i erisey oo waxaa beryahanba i qarinayey dariskeegii(Zak iyo M.Muse) iyagaa fikrada dhuma ah keeney marka waxan u maleenaa odeygad wadey waa iska tagey hadii uu kugu dhego noo sheeg waa qaraameynaayee.mida kale saxib adi qarnigii joogtaana yaa dad isa siiya hada.
M.Muse talada dhuumo ah dadkii keeney aa ku jirtey hadana waa ka baxee haye saas maan isku ogeen hada waxaa rabtaa haye in aad qaranka xataa iiga boodid haye fanaan aa tahay saaxib ee meel lagu kala haro lama jogee inkiraada dhaaf wacafe meesha kuma jirinee.soo barbarya hee nalkii damey aan so deynooyaayee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Friday, February 09, 2001 - 03:15 pm
Qaraabo waa salaamantihiin dhamaantiin maxa jira yaa nalkii goostey suu buulo obliko sheegooyo waaba leysku joogjoogsanaaye mugdi badanaa.
mukh waa ku mahadsantahay soo radintada laakin adaa i erisey oo waxaa beryahanba i qarinayey dariskeegii(Zak iyo M.Muse) iyagaa fikrada dhuma ah keeney marka waxan u maleenaa odeygad wadey waa iska tagey hadii uu kugu dhego noo sheeg waa qaraameynaayee.mida kale saxib adi qarnigii joogtaana yaa dad isa siiya hada.
M.Muse talada dhuumo ah dadkii keeney aa ku jirtey hadana waa ka baxee haye saas maan isku ogeen hada waxaa rabtaa haye in aad qaranka xataa iiga boodid haye fanaan aa tahay saaxib ee meel lagu kala haro lama jogee inkiraada dhaaf wacafe meesha kuma jirinee.soo barbarya hee nalkii damey aan so deynooyaayee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zAk

Sunday, February 11, 2001 - 09:17 am
Asalaamu caleeykum Kuligiin.

CONGRATULATIONS ALL KISIMA FAMILY!

WE ARE MOVING! WE ARE MOVING! WE ARE MOVING!.

but where?

Please this is new address of all Kisima community
just click link below.


http://communities.msn.com/KisimanetCommunity

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zAk

Sunday, February 11, 2001 - 09:26 am
Fadlan waxaan jeclestay in aan addreskaan ka guurno oo aan webpage sameysano kaas oo u gooni ah only Kimaayo Community.

Fadlan markii aad gashid page_kaas waa in aad member ka noqotaa, waxaad taabataa meesha ku qoran (join now) ee dhinaca midig ee kore kaa qaban doonta emailkaagana galisaa si aad ula socoto waxyaabaha ku soo kordhay communitiga ha noqoto qof cusub oo ku soo biiray ama ha noqoto massage cusub amaba wararka cusub ee naga soo gaara Kismaayo iyo Somaliya inteeda kale adiga oo aan xataa imaanin Kisimanet.

Fadlan Addreskaan hoose taabo.


http://communities.msn.com/KisimanetComunity

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.