site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Nin hooyadii cadceeda taagay aayadadii uma hareeyo

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Africa: Nin hooyadii cadceeda taagay aayadadii uma hareeyo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waddani

Friday, January 26, 2001 - 10:03 pm
waxaan dhamaan shacabka soomaliyeed ka codsanayaa meel kastoo ay joogaan, gaar aqoonyahaniinta, ganacsatada ,odayaasha wax garadka ah iyo culimada
bal inaad ila aragtaan ra'yigan aan wato , haddii aan khaldanahayna aad i qabataan, isla markaana aad ii sheegtaan sida uu nin walba uu wax u arko. Arintu waxaa weeyaan, aaway sharaftii iyo jiritaankii shacabka soomaaliyeed? yaase soo celin kara? Walaalayaal, rag iyo dumarba waxaa laga yaabaa inaad ila yaabtaan markaan soo bandhigo su'aalahan, oo is tiraahdaan war ninku miyuu hurdaa, miyuusan ogeyn in dawlad la dhisay.
waa runtiin oo qof moog waxa waddanka jira maa ihi. Ee arintu waxay tahay: shalay ninkii hooyadii qorraxda taagay eena kaga dhaqaaqay kana shaqeeyey siday ku dhiman laheyd,miyey suurtagal tahay inuu u arxamo aayadiis ama qof kale oo qaraabadiis ama saaxiibadiis ah, jawaabtu waa maya".
marka walaalayaal dhamaantiin wixii aad ra'yi haysaan halkaan aan isku dhaafsano.
by waddani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2ma

Tuesday, January 30, 2001 - 06:46 am
war nin yahaw waxay ila tahay in aad ka kalsooni baxday ummadda somaliyeed. qoofku qalad waa galaa, xumaan waa sameeyaa, haddana wanaag wuu samayn karaa.
dadku waxuu ku xiran yahay hadba maamulka jira siduu u dabaqo nidaamkiisa. dadka waxaa bedela hab maamulka markaa u taliya. qofku ama dadku iskama bedelmaan sabab la'aan.

dadka somaliyeed 77dii waxay si nadtii hure ah ugu dagaalameen midnimadooda. 10 sano ka dibna waxay burburiyeen dadlkii. waana isla dadkii maxaad ka dhihi lahayd middaas?
hadaba anig waxay ila tahay in aad fugaatay.
Cumar bin-khitaab qabiilka qurayshta ah ayuu caadadooda difaaci jiray markii hore, ka dibna waxuu horseed ka ahaa burburinta caadooyinkaas bal tana ka waran? 60kii wadaniyiintii afrika ka kacday oo dalalkooda gobanimada u horseeday, 65-75tii badankood waa la dilay ama la xiray iyagoo lagu eedaynaayo in ay wadaniyiin ahayn oo ay dalkii iyo dadkiiba musuqmaasuqeen, bal tanna ka waran?
Hadaba hadalkii waxaan ku soo goynayaa dadka waxaa bedela hab maamulka markaa jira siduu u dabaqo siyaasadiia iyo maamulkiisa.

Haa ninkii shalay hooyadii banaanka uga tegay oo ka shaqeeyey siday u dhiman lahayd wuu bad baadin karaa ama u horseedi karaa nolol aayadii, waana mid ku xiran waqtiga iyo hab dhaqanka markaa ka jira meesha uu joogo iyo waqtiga la joogo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waddani

Wednesday, January 31, 2001 - 06:26 am
ninyahow waa runtaa oo aad baan oogu farax sanahay ra'yigaada u habaysan hab taariikhka aad xustay laga soo bilaabo waqtigii ay noolayeen dadkii aduunka oogu kheyr badnaa, isla markaana soo maray waqti ay jaahileen ahaayeen ,nabigeenii (NNH)uu ku taba baray gacmahiisii suubanaa. Ragaasi qiimaha badnaa Alle haka raali noqdee, iyo kuwa maanta jooga ma filayo inay isku mid noqon karaan?
Marka walaalkaygoo aad baan u fahmay hadalkaada oo dhan, ma ihi qof ka soo horjeeda dowladda ku meel gaarka ah, mana ihi qof ka aamin baxay dadkayga soomaaliyeed ama diidan wanaagooda, ee arintu waxaa weeyaan oo kaliya ra'yi dad badan ay qabaan, oranayana" inaga daaya dadkii ka gaaray dowladihii soo maray soomaaliya tan iyo xornimadii ilaa heer Wasiir ama ku W/xigeen.tanina ma aha inaan wax xumaan ah u qabo laakiin nimankaasi ee waxay ka soo qeyb qaateen burburkii shacabka Soomaaliyeed, laga yaabe in la dhihi karo dhowr qofood ayaa ka fakaday arintaas.
Marka walaalayaal ma doonayo in si khalad ah lay fahmo, waxaan oo dhan waa ra'yi noqon kara sax iyo khalad, inkastoo ra'yigeygu yahay mid sax isla markaana khalad noqon kara ra'yiga dadka kalena waa khalad noqonse kara sax.
ninyahow "2ma" waanba kaa shakiyey, waxaa tahay miyaa Islaax nimanka la dhaho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2ma

Wednesday, January 31, 2001 - 07:43 am
wadanni: waa ku salaamay. nin yahow kula yaabi maayo. somalida badan keedu waa noocaada oo kale. waa iska horimaad miiran.waxa ay qorayaan, waxa ay rabaan, waxa ay aaminsan yihiin, iyo figradaha ay taageersan yihiinba dhamaan waa iska soo horjeedaan.kalsooni darana waa u dheertahay.
habka sheekada, kaftanka, figrad-hadalkana maba yaqaanaan oo intan ay arin bilaabaan bay hadana tobigii badalayaan iyagoon ka sal gaarin arintii hore. waa yaab!!!

hadda adigu arin baa bilawday, welina jawaabihii aad rabtay ma aadan wada helin, anigaa hadda igu soo noqotay oo aad i baaraysaa. oo qofkii halkaan soo gala oo ra'yigiisa dhiibta ma waxaan rabtaa in aad ogaatid, dad doon miyaa tahay mise ra'yidoon?

hadaan kaaga jawaabo arrintaa waa maya.
balse ogow inaad daciif tahay aan is ku kalsoonayn.
haddaan kudhihi lahaa khamradaan cabaa mana tukado islaaxana waa necbahay ra'yigaygii hore ma soo dowayn lahayd?
haddaan ku dhihi lahaa islaax baan ahay waa tukadaa khamradana waa xaraan oo ma cabo ma i khilaafi lahayd?



haddana qabiilkayga maa iwaydiinee?
kadibna meesha aan deganahay?
ugu damayntana qabiilka xaaskayga? i hope no.

magaca aad wadato qiimo wayn ayuu ku fadhiyaa, iska wado laakin waxaa fiican is aad leedahay sifooyinka magacaan lagu yaqaan.

ra'yiga aad qabto oo ah in aan xilba loo dhiibin nin horay xil ugu qaaday dawlasihii hore waa ila khaldan yahay.
kuwii aqoonta lahaa haday la'yihiin kalsooni ay xil ku niyaystaan, oo sheekadoodii noqotay in ay magacyo ururo been ah dibadaha ka abuuraan kuna qoraan wargaysyada ama internetka, oo sheekadoodii dhaafi waysay shir iyo aqoon iswaydaarsi.
qola kaena ay madax ka noqotay kooxaha dadkii aiyo dalkii burburiyey.
qolakanena la dhahay waa akhwaan. yaad haysaa oo meel kuugu qarsoon haddii aadan ujeedo wadan?

anigu ma taageersani mana mucaaradsani dawladda kmg ah runtii, balse wax bayba isku dayeen waxay ahaan jireenba.

Allaha ku caafiyo, oo buufiska ama baranoyada Allaha kaa yasiro. ka dib Ilaahay markuu kuraysiiyana isku day in aad wax barato siiba cilmiga bulshada (sociology)ama falsafadda wax badan baad baranaysaa oo ay ka mid tahay habka sheekada, kaftanka iyo suaalah. nabay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waddani

Saturday, February 03, 2001 - 10:46 pm
To: brother 2ma
Salaamo farou badan ka dib, waxaa filayaa inaad tahay nin wax baratay ama aqoon leh intay la ekaataba ama heerka aad joogto sidoo kale waas bislaatay oo laga yaabe inaad nacday qurbaha aad joogto ama waddanka gudihiisa aad joogto oo dhib badan ku saameeyey. runtii waxaan ku leeyahay waad ku mahadsan tahay waanadii aad ii soo jeedisay ee ahayd inaan wax barto, (and thank you again). mida kale inaad xanaaqdo ama aad igu tilmaanto qof daciif ah ma aanan kaa fileyn weliba adigoo u muuqda qof wax fahamsan markii aan su'aasha ku soo weydiiyey, marka taa macnaheedu waxaa weeyaan inaan mar dambe su'aal ku soo weydiinin. Anigu ujeedadeydu waxay aheyd oo kaliya inaan ra'yiga fiican kala qaadano ee ma ahayn qof dad gaar ah doonayo. hadda iyo dan aniga wali waxaan taaga nahay booskaygii oo waxaan u baahan nahay wajiyo cusub oo waliba ka daacadsan kuwii hore. marka aniga ma rabo inaan aflagaadeyo qofna mid horey ula shaqeeyey dowladihii hore ama maanta joogo doonaya wanaag in lagu soo dabaalo dadkeena Soomaaliyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2ma

Sunday, February 04, 2001 - 03:58 am
wadani: ma xanaaqin ee waxaan la jaabay suaashaada. tobiga in aan laga bixin oo meelo kale madaxa la saarin ayey sheekadu ku roon tahay.

haddaan tobigii u soo laabto. ma xuma ra'yig aaad qabtid oo ah in aan dadkii hore lee lagu soo noqnoqonin. waa figrad fiican aniguba waa kula qabaa figradaas ,balse arintu hadda middaas ma taqna. bal adiguba fiiri oo waxaad ii sheegtaa cid dhaanta oo kale.

aqoon yahanadii oo dhan ha joogaan dalka ama dibadda waa ka gaabsadeen. wax masuuliyadda ah iskama saarin kaalintoodii. ayaan tii hore ayey wax yar or-ordeen kadibna faraha ay kala baxeen.

anigu ma jecli kuwa hadda loo dhiibay balse wax la'aan bay dhaamaan.sxb waa 10 sano. ma qiyaasi kartaa caruurta somaliya joogta oo aan 10 sano dugsi aadin mustaqbalkooda. hal jiil aya dumay oo aan wax mustaqbal ah lahayn soo ma xanuun badana.
ma kula fiican tahay in weli lagusii socdo sidaan oo aan doono qof nadiif ah oo aan rabin isaguna inuu ka qayb qaato, ama sugaya in loo garto isagoo gurigiisa fadhiya.

adigu haddaa caruurtaadii kala soo baxday waa ilaahay mahaddiis balse ka waran kuwa aan awoodaas ama fursadaas helin oo weli sugaya in wax uun la sameeyo si ay facood ula tartamaan.

xaalad niyad jab ah ayaa igu khasbaysa in aan dabo galo kuwii hore oo aan ogaa caqligooda. laakiin waxaa isku sasabayaa bal wax uun ha qabtaan waxba wax ayey dhaantaaye.

aduunyadii waad aragtaa oo waa kaa danbaxday hana sugin in markale laguu soo gurmado. arintaada way iska laabeen bogeeda, waxayna sheekadii ku soo koobeen somalia waa arin u taala somalida.

waxaan ra'yigaygii ku soo koobayaa: maxaa xal ah oo aad haysaa haddii aad diidan tahay dadka maanta isu soo taahay in ay somalida dhibaatadaan ka ka bixiyaan? ra'yigaada bal caddee oo ha dul marin arinta. yaa noo haysaa oo diyaar u ah in uu somalia hogaamiyo oo aad horay dawladihii hore u soo shaqayn? imisaano sugaynaa in uu qofkaasi isku soo ban dhigo? imisayna ku qaadan doontaa in uu ku guulaysto inuu hogaamiyo ummaddaan dhuntay.


tan kale anigu qorbaha ma dhibsan runtii oo waan ka helay. weligay dibad ma ku riyoon in aan aado.
waayo aragnimo wayn ayaan ka helay. mana aan rabo in aan noqdo oo iskuma sasabo riyo iyo waan noqon doonaa. balse waa ka naxaa ummadda weli halkaa ku nool iyo sida aan looga dan lahayn.( there is a generation gap and i see nobody is trying to narrow that gap). sxb dad ma nihin. Lewis oo ah nin ingiriis ah oo af somaliga bartay oo london degana ayaa ka hadlay arinta somaliya iyo dhaqan keda. waxuu yiri somalidu waa dad reer miyi ah arin yar ayaa waxay gaarsiiyaan meel wayn, wax way bilaabaan ee ma dhameystiraan. hadan kani waa figrad wayn oo dhab ah. bal tusaale ahaan u fiiri oo ku cabir figradaas bogaga ay somalidu ra'yiga isku waydiistaan, iyadoon arintii hore meel la isla dhigin ayey mid kale u boodayaan. Lewis soo ma sax sana,(that is what a somali is all about).
waxaan sugayaa ra'yigaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waddani

Sunday, February 04, 2001 - 06:22 am
To: 2ma
salaamo fara badan ka dib waxaa filayaa inaan isku soo dhawaanay oo isla garay in shacabka soomaaliyed ee awooda daran inay u baahan yihiin cid badbaadisa. waliba waxaa filayaa taariikhda soomaalidu inay tahay wax laga sheekeeyo ee aysan ahayn wax qoran, shisheeye wax badan bay ka qoreen lakiin xaqiiqda dhabta ah ee dalkeena sso maray kama aysan qorin sida ugu saxsan.kolka waxaan filayaa inaan la waayin cid maanta hogaamin karta soomaaliya oo qurbaha iyo gudaha waddanka ku nool waa marka laga reebo dadka maanta kagu soo doortay Carta, kuwaasoo isku dayaaya inay wax uun u qabataan dadka soomaaliyeed meel kastoo ay jooogaan.laakiin soomaalidu horay waxay u tiri" mindi saawira iyo madax muuqda midna lagama sabro".
sxb nabadgelyo
a waiting your early reply
your ever brother in islam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2ma

Sunday, February 04, 2001 - 08:53 am
warninyahow aniga waa i wareerisay. mar waxaad iga hadlaysaa siyaasad marna waxaa igu maca salaamaynaysaa walaalkaada islaamka ah. marna waxaad iwaydiinaysaa oo aad shaki ka qabtaa al-islaax, intee laguu maraa?

suaalihii aan ku waydiiyey kama aadafn jawabin. waan ogahay waxaan qoray waxaana ugu muhiimsanayd in aan ahay nin rajo gabay. balse gunaanadkay gaas jawaabtii ku haboonayd oo aan ku suaalay iiga ma aadan jawaabin.
aan kuugu celiyo suaashii: war yaa noo haysaa, shaaca ka caddee warka? damiin far waa-wayn ayaa wax loogu qoraa ye.

isuma dhowin oo been ha isu sheegin. haddaan ku dhahay aniguba waa necbahay kooxda carte macnaheedu ma aha in aanan raari ka ahayn wax qabadkooda iyo ku dayiddooda.

waa markii seddexaad oo aan ku waydiinaayo waayo cidda aad noo haysid ee aan la ogayn?
maxay sugayaan in ay kaalintooda ka soo baxaan? maanta mar aan ka liidano haddaysan jirin maxay sugayaan? ma waxay sugayaan in aan guryahooda ugu tagno?

si fiican aan u wada sheekaysanee suaalaha ka soo jawaab. haddii kale warka aan micnaha lahayn aan iska dayno, oo aan somalida aan ka dhalanay sida inta badan dhaqan kooda lagu yaqaan aan u durano. taas oo ah in la iska hadlo kabidna meel kale loo boodo.
fadlan waqtiga ha iga qaadin ee warka i sii ama ii qiro in aa tahay mid cindigiisa waxii ku soo dhaca iska hadla.

waxaan fadhiyaa muraayadda kombiyuutarka waxaan sugayaa jawaabtaada oo buuxda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waddani

Tuesday, February 06, 2001 - 07:01 am
TO: bro 2ma.
Ninyahow aad baa ooga xumahay inaan si dhaqso ah aan kuugu soo jawaabi waayo mar walba oo waan kaaga cudur daaranayaa oo waxaan ahay qof aad iyo aad u mushquulsan lagana yaabe inay igu qaadato inaan furo computer-ka dhowr maalmood.Mida kale ee ku saabsan su'aashaada ah " war yaad inoo haysaa oo kuwan dhaama" waxaan iyadoo tafatiran kuu sheegi doonaa maalinta khamiista ah hadduu Eabe idmo. tan waxaan kuu leeyahay waqtigan aa kuu soo qorayo waxaan ahay mashquul, ee raali noqo walaal.
" honest is the best policy"
your brother waddani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waddani

Thursday, February 08, 2001 - 09:51 pm
To: 2ma
salaamo fara badan ka dib , waxaa jeclahay inaad ku qanci doonto jawaabta su'aashaadii ahayd yaad inoo haysaa.
Aniga oo cabiraya ra'yigeyga ahna qof dhalin yar oo waxaan ku leeyahay waxaa wali jooga waddanka gudihiisa oona la heli karaa dhamaaan shaqaalihii
wasaaradahii iyo wakaaladahii Soomaaliya ka jiray heer kasta ha joogeene, gaar ahaan Agaasimayaashii guud,Maareeyayaashii iwm. kuwaasoo ay dushooda ku dhici jirtay shaqada badankeeda khibradna u lahaa howshooda iyagoo waliba qabiiladooda ay kala duwan yihiin, lagana heli karo qaar badan oo wali ku jirto waddaninimo.kuwaasi waxaa ka mid ah xaamud oo ahaan jiray Wasiir dawlaha w/arimaha dibadda iyo qaar isaga la mid ah yaa la hel karaa, kuwaasoo qaban kara jago kasto oo loo dhiibo, waa haddii la doonayo islaanimo , waddaninimo iyo yaa ku haboon shaqadaan waxaanu gaari laheyn horumar iyo barwaaqo,laakiin inta la leeyahay war yaa reer hebel ah iyo yaa ciidan xoog badan wata iska daa in horumar la gaare'e waxaa la waayi doonaa labo qof oo soomaali ah oo wada hadasha.Nebigeenii suubanaa (NNH) yaa xadiis shariif ah ku yiri" haddii amarka ummadda ka dhaxeeyo loo tiirayo qof aan ahal u ahayn waxaad sugtaa qiyaamaha"
waa sxb-kaa
waddani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2ma

Friday, February 09, 2001 - 11:47 am
sxb waa salaaman thay. waana ku mahad santahay jawaab celintaada. somalidu waxay dhahdaa nin aan hadlin hooyadii ba hilmaantay. qofku isagaa laga rabaa in uu is muujiyo oo uu la yimaado rabitaan iyo dadaal, haddii kalae kaalintiisii isagaa gabay. qof meel iska jiifana oo maanta oo kale aan heel muujin caqligal ma aha in aan gurigiisa ugu tagayno anagoo masuuliyad u wadna. marka aan iska dayno qof jiiftay oo aan rabin in uu is muujiyo oo beledaan naga celiga.

waxaan kaa sugayey dad ama qof halgan ku jira oo aanaan ogayn oo aan weligii dawladaha na soo maray u shaqaynin. aniguba waan aqaan kuwo aad u badan oo muwaadiniin ah balse waxay u soo shaqeeyeen dawladihii hore.

waxaan arkaa markaan hadalkii isku soo duubo in aysan jirin kooxdaan maanta nawada koox kale oo dhaanta.

arinata qabiilka iyo reer hebelnimada hadaan wax yar ka dhaho: anigu waxaan qabaa in qabiilka si buuxda loo is ticmaalo. qabiilku waa xoog wayn oo aan la inkiri karin. halkaana waxaa na dhigan inkiridda qabiilka oo keentay in qofku laba wajiile noqdo.

balse haddii qabiilka si furan bulshada loogu daayo ooay ku dhaqmaan iyadoon la qarinaynin waxaa suura gal noqon lahayd inuu waxtar yeelan lahaa dawladduna adeegsan lahayd xoogiisa. bal intaa aan ku ikeeyo ma rabo in aan sii galo tobig kale. marka ayaan ka wada hadli doonaa midaan.

sxb waa sidaan kuu sheegaye anigu ma jecli kooxda carte oo waan aqaan hab maamulkooda balse waxay dhaamaan kuwa 10 sano iska soo horjeeday oo garan waayey xitaa in ay gobol-gobol xiriir u yeeshaan. balse kuwaan fiiri figradooda iyo damacooda ha fiirin dhaqanka iyo maamulxumada ay keenikaraan soo kama caqli fiicna hadday rabaan in ay isu keenaan somalida oo dhan oo aysan sidii qab-qablayaasha hal goof xukunkooda ku ekeenayn.
dantaada maqaar ay ayaa loogu fadhiistaa waanka taqalusi doonaa iyaga balse beladaan 10 ka sano na hortaangan oo gaalo iyo muslimba nalaka qabanwaayey ii daa iyagu ha iga qabtaana.

sidaan maamulka somalida u nacay waxaan u malaynayaa in aadan u nicin hadana kuwaan waa taageerayaa mana jecli oo WALLAHI aha. ciilka aan uwada qabo waxaan ka baqayaa anigoo aran meesha ay ku damayn doonaan in aan la dhinto. waan ku farxaa markaan arko kuwo dawladdii hore ah oo ay ka jajaban thay. nabaday. waa is maqli doonaa haddii ILAAHAY yiraahdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waddani

Thursday, February 15, 2001 - 04:35 am
TO: 2ma
inaadan jeclayn Carta habkii ay wax u dhaceen waan la socdaa. midna waan kuugu waafaqsan nahay oo waxaa weeye kuwan yaan la eegin waxay ay yihiin iyo sida aya kala yihiin ee bal aanui eegno waxa wanaagsan ay shacbiga u wadaan iyo fikradda ay xan baarsan yihiin.
walaalo waanu wada hadli doonaa insha Allah goortay noqotaba.
byeeee
ever friend
waddani

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.