site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxay kalayihiin magacyada badan ee wadaadadu lakala baxeen

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Africa: Maxay kalayihiin magacyada badan ee wadaadadu lakala baxeen
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
kolayba isku midma aha laakiin sookala cadeeya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
huh?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Macaani

Unrecorded Date
Maxaa ka hadloosa dhoogeyahow/yahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

naasix

Unrecorded Date
macaani waxkeen ama warka daa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdiaziz

Unrecorded Date
fadlan diinta baro markaa
ayaad gaari arinta
dhabta ah talo intaa aya
an kugu darsanayaa



by.abdiaziz

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Unrecorded Date
magacyadu dhibaato makeenayaan,hadii manhajku mid yahay,oo lagu wadu fdhaqmayo kitaabka iyo sunnaha nabiga SCW, laakiin hadii aad ku wareersantahay,saaxiiboow baro xaqa si wax kastaba kuu gu kala cadaadaan.
ibncumar@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

naasix

Unrecorded Date
saaxiib anigu diinta intaan aqaano rabi haygu sugo adiga laftaadu waxaad kala barataa manhajka saxda ah iyo kankale si aad ukala barato magacyada kii saxa iyo kii kale waxaa jira dadmagac wadaad wata oo hadana sida calmaaniyada udhaqma oo waxay rabaana xalaashada waxay rabaana diida oo xataa waxyaabaha asaasaska islaamka ah dibudhac kusheega hadaad lasocoto waad ila fahmaysaa yay yihiin iyo magacoodaba marka magacyada badan isku midma aha mid unbaa saxa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nabad

Saturday, August 05, 2000 - 02:03 am
Asalaamu caleeykum.

Bal Walaal NAASIX, noo sheeg tan saxda ah si aan uga fogaano tan BAADILKA ah.

Haddii aad ka wadid tan dhiig cabta ah oo jabhadda hubeeysan ah oo Soomaali badan laaysay ama sabab u noqotay.
¨Taas waan kaa diiday oo kaama qaadanaayo.

Waxaa ila macquulsan kuwa degan oo aan reer baadiyo aheeyn, oo mujtamaca ku dhex jira, oo ka shaqeeynaaya horumarkiisa, oo aan dadka SANKA ka gelineeyn diinta, kan aan rabin, oo aan aheeyn jabhad hubeeysan kuwaas ayaan taageersanahay.

Ee wixii qori wax ku raadiyo wakhtigood dhamaa, ee nacnacda naga daa.

Nabad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hibo

Friday, August 18, 2000 - 01:42 pm
Asalaamu calaykum nabiga (SCW)ayaa noo sheegay oo yiri umadayda waxay ugaybsami doontaa 73 firqo sidii ay umadihii hore ee nasaaro iyo yahuud ugaybsantay hal mid ayaana xaq ah oo jana ka galaysa waana mida qabsata kitaabka alle iyo sunada rasuulka marka walaal magacyada badan ee aad maqlaysid waa dee kuwii uu nabiga sheegay oo maalin maalinta ka danbaysa firqo cusub ayaa soo baxayso oo baadi ku sheegayso kuwa kale marka waxaa uga koraysaa dhibkaas jiro adigoo barta diinta qabsadana salaf iyo qalaf caqiidadooda dee waad ogtahay inay yihiin taabiciyiintii kasoo qaaday diinta afka saxaabada oo qoray hadii aad dabamarto iyaga ood qaadato wax gadaal diinta looga soo dariyay ogow xaqii waad dabamartay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI

Thursday, August 31, 2000 - 08:37 am
HIBO
Deey kuwee diinta ka dhageeysanaa oo ka baranaa?
Maadama aad tiri hal baa sax ah.

73kii uu rasuulka uu sheegay mexeey ku kala tageen?
ma aragti, shareeco, mise CAQIIDO?????????

Xadiiskaas aad meesha ku qortay u noqo sharaxiisa ka dibna fiiri caqiidada ay wataan xarakaatka

Bal haddii aan dib u noqono ASXAABTII rasuulka, ayaad waxaad arkeeysaa in ay isku fikrad aheen ee
ma waxaa leenahay waa 73kii uu rasuulka uu sheegay.

Qofka muslimka ma ka duwanaan kartaa aragti, mise waa GAALNIMO???????????????????

Jawaab ayaan kaa sugaaya walaasheey HIBO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hibo

Thursday, August 31, 2000 - 11:43 am
Walaal Ali aad ayaad ugu mahadsantahay suaashaada bal anigana waxaan isku dayi inaan jawaab kaa siiyo hadii aadtiri kuwee ka dhagaysanaa diinta walaal waxaad ku helaysaa inaad ogaato mida saxda horta inaad ku taxanto masaajida oo baro qaybaha diinta sida caqiidada, tafsiirka iyo axaadiista adigoo fiirinayn qofka aqrinayo marka hadii aad ag fadhiisato hal sheekh kutubkiisa waxaan filayaa inaad qaadanayso fikradihii ha ahaado mid haysto caqiidada saxda ah ama mida baadilada ah tan kale ma ogtahay in firqa kasta oo sheeganayso xaq ay daliilsanayso aayado ha waafaqsanaadeen ama yaysan waafaqsanaane maxaa yeelay firqadii la oran jiray muctasilo oo soo baxday waqtigii imaamu shaafici iyo axmed binu xanbal oo la isku waafaqsan yahay inay bidco ahaayeen waxay ku doodayeen waxaa kamid ahaa inay dheheen ilaahay la arki maayo qiyaamaha waxay daliishanayeen ayado quraan ah oo si qalad ah ufahmeen masaladaas darteed mida kale khawaarij oo soo baxday waqtigii saxaabada oo nabiga sheegay inay soo bixidoon bidcadaas waxay kula dagaaleen saxaabigii cali oo khilaafada haystay inuu kutubka ilaahay ku xukumo isna uu ugu jawaabay waa kalimad xaq ah oo loola jeedo baadi marka walaal qof ku dhaho aniga baadi ah hasugin waligaa walaal waxa la isku qilaafsan yahay waa caqiidada walaal tan kale wa runtaa oo saxaabada fikra ay isku qilaafsan yihiin waa jirtaa maxaa yeelay saxaabiga ibnu mascuud (RC) waxa uu yiri nabiga NNKH ayaa sheegi xadiis marka nin daahirka xadiiska ayuu ka fahmi nina waxa uu ka fahmi xadiiska wax badan iyo sharciyo badan marka walaal ha umalayn in saxaabada qilaafkooda ku salaysan yahay asalka tan kale markuu nabiga NNKH dhintay oo ay dadka qaarkiis cali ibnu abiidaalib RC ku dhaheen cilmi dheraad ah miyuu nabiga NNKH idinsiiyay hadii aad tihiin ehlu baydka waxa uu ku jawaabay maya ilaa kitaabka,sunada, warqadaan kahadlayso diyada iyo fahan uu ilaahay siiyo qofkii uu doona tan kale waad la socotaa ibiihurayro oo islaam ahaa intii uu nabiga NNKH sadex sano kali ah sida uu uga xadiis iyo cilmi badan yahay saxaabada qaarkood oo nabiga la socday ilaa iyo 23dii sano ee risaalada
walaal qofkasto oo qabsada kitaabka ale iyo sunada nabiga waa qof xaq ah
walaal anaga malihin doorasho inaan doorano waxa aan rabno balse waxaan ku qasbanahay inaan haysano mid kamid ah afarta mad habadood oo afartaba xaq ah oo ku salaysan salf iyo khalaf tan kale wax yaalaha yaryarka ah ee ay ku kala duwan yihiin afarta mad habadood ma ahan wax wayn oo dhibku jiro mid kastana xadiis buu doortay balse dhibka waxaa weeya inaan wax cusub oo aan salaf iyo qalaf ka ahaan aan bilaabano tan kale qofka muslinka ah waad ka duwanaan kartaa fikrad oo gaalnimo ma ahan sida saxaabada oo kale waayo sida aan kuu sheegay xadiis nabi oo midkasta uu ka maqlay nabiga afkiisa ayaa ninba ninka kale ka fahan batay balse dhibka waxaa weeye hadii aad qofka ku qilaaftid wax aan shareecada asal iyo farac ku lahayn taas dhibkeeda ayay leedahay oo waxyaalaha qaarkiis ay keenaan gaalnimo qaarna ay yihiin danbiyo waawayn qaarna kuwo yaryar.
Walaal markale waxaan ku leeyahay adigoo isku dayin inaad qof taageerto baro diinta waad agaan mida xaqa ah ee kitaabka iyo sunada haysato.
WABILAAHITAWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Saturday, September 02, 2000 - 12:57 am
To. Walaasheey qiimaha badan ee HIBO.
Asalaamu Caleeykum, korkaada ha ahaato.
Tacliiqaada koowaad marka aan akhriyay, waxaan ku qaatay in aad ka mid tahay dadka gaaban fahmiga diineed ama CAAMADA. Laakiin waad kala fog tahay.

Marka xiwaarkeen waan ka duwaaya sidii hore.

Waxaan ka hadlaaya xarakaatka mucaasirka ee maanta ka jiraa dunida ee ma´ahan kuwii ka leexday caqiidada.

Walaasheey weey ficnaani laheed in ay noqdaan tayaaraatka ISLAAMIGA ee maanta ka jira dunida muslimka mid kali, laakiin ma soconeeyso.

Horta diinta waxeey dijisay QAACIDO oo ay kula dhaqmeeyso SHAKHSI ama KOOX. Waxaaa jiraa sida ogsoon tahay AHLU SUNA WAL JAMEECA.

Koxx walba waxaa la miisaamaaya caqiidadeeda, oo haddii ay waafaqdo weey soo gali. Haddii kale waxaa lagu daraaya FIRQOOYINKII ee ka leexday wadadii.

Aan hoos u soo dago wadan keena. Xarakaatka maanta ka jiraa Soomaaliya. Ma waxeey isku diidan yihiin CAQIIDADA ama IJTIHAADKA. Maxaa yeelay ijtihaadku waa balaaran yahay oo Caalim walba oo meesha u ka arko ayuu ka i shaaraaya, isagoo wato daliilkiisa.

4:ta Madaahib waxeey ku tiirsanaayeen culimadi xilligaa ugu aqoonta badneeyd. Iyagoo qarkood isku ahaayeen ardeey, beey isku diidanaayeen wax yaalo. MA CAQIIDO AYEEY ISKU DIIDEEN????????????

xarakaatkana waxaa hogaamiya dadka ugu fahamka fiican xagga diinta, sida Dr. Yusuf Al- qaradawi iyo calaama Cabdicasiis ibn Baas.

Walaasheey HIBO hadii aad ka soo horjeedo kuwaas weey ku banaan tahay ee laguma tuuraayo. Ee dhibka wuxuu imaan marka FIRQO lagu tilmaamo.

Bal igu soo war celi walaasheey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hibo

Sunday, September 24, 2000 - 02:09 pm
asalaamucalaykun
Walaal ali waa iskaga cadahay qofka aqoonta dheer uleh diinta islaamka oo waliba la imaada camal fal wadada xaqa ah waayo alle SW ayaa ku yiri quraankiisa inuu xaqa iyo baadilka uu ukala bixinayo qofkii isaga ka cabsada tan kale nabiga NNKH waa uu cadeeyay sifooyin bidcada amaba baadiliinta oo xadiis badan ayuu kaga hadlay oo saxiixul buqaari iyo muslimba ah oon lagu duri karin daciifnimo iyo wax lamid ah qofkastoo leh sifadaasna waa bidci wallow hala yimaado awaamirta alle qaarkood waayo xadiis bukhaari ah oo aad ka heli karto kitaabka layiraahdo "tajriidul sariix mukhtasirul bukhaari"
kitaabka qazawaadka ayaa ka hadlayo sifooyinka bidcada oo waliba ku daray dadkaas inay aqrinayaan kitaabka alle oo uu carabkooda ka qoyanyahay marka walaal ma oran karno qofkaa diinta alle ayuu sheegayaa ee sideen u dhahaa waa bidco mase la socotaa in firqooyinka islaamka waxa ugu wayn oo ay isku haystaan inay tahay caqiidada tan kale aayada todobaad ee suuratul alcimra waxay sheegtay inay aayadaha ilaahay ay u kala qaybsamaan muxkamaad iyo mutashaabihaad markaas intuu nabiga aqriyay uu ku yiri caaisho ka digtoonoow caaishow kuwa raaca mutashaabiha kuwaas waa kuwii alle magacaabee marka sida runta hadii loo hadlo firqooyin soomaaliya kajiro badankood waxa ay dhex dabaashaan aayaadkaas mutashaabiha ah hade miyayasan ahayn kuwa alle magacaabay oo nabiga NNKH uu caaisho uga digay tan kale marna ma oran karno afarta imaam way is qilaafanayeen waayo midkasta xadiis ayuu qaatay isagoo ijtihaaday iskumana ay badi xukumin waayo afartaba waa xaq oo kitaabka alle iyo sunada nabiga wax aan ahayn kama aana helin hadii aad leedahay xadiista iyo aayadaha ay daliishadeen ayaa is qilaafsan taas waan kaa diiday waayo wax qilaaf ah kama dhaxayn aayaadka illahayna iskama aysan hor keenin sida ay falayaan dadka hada jooga oo qofkasta rabo inuu fikradiisa ku dabaqo diinta. diintana ma aha ra'yi qof. tan kale miisaal ahaan quraanka waxa uu kusoo dagay todobo qiro kuligoodna nabiga ayay ka sugnaadeen mid kasto ood u aqrido quraanka waa sax xadiista nabiga kasugnaadayna hadii aysan daciif ahayn waa lamid ee waxa la diidayaa inaad ikhtiraacatid wax aan diinta ku jirin saxaabiga cumar ah ayaa maqlay saxaabiga hishaam binu xakiim oo tukanayo oo arqinayo suurad furqaan siduu uga maqlay nabiga NNKh mooyee sikale markaas ayuu isku dayay inuuku qabto salaada dhexdeeda marka waa uu is sabarsiiyay markuu ka baxay salaada ayuu nabiga u keenay isagoo hogaaminayo saxaabigii kale oo arintii usheegay nabiga NNKH marka nabiga waxa uu yiri siidaa ninka labadaba waa la igu soo dajiyee marka xadiista nabigana iyo aayaadkaba waa lamid ee yaanan noqon kuwii nabiga yiri ha iska horkeenina kitaabka alle waa is waa faqsan yahaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Saturday, September 30, 2000 - 10:17 pm
aasalamu caleeykum.
To: walaasheey Hibo

Aniga waa sidii aan ku sheegay waaye oo ah Xarakaatka maanta dunida muslimka ka jira kuwa mucaasirka ah wax CAQIIDO ay isku haystaan ma jiro. HADDII AY JIRAAN WAAD SOO SHEEGI DOONTAA IYO SH. YIRI ARINTAAS!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Madaahibta waxaa xaqiiq ah in ay kala duwanaayeen ijtihaadkooda. Ma garanaayi walaal Hibo in aad leedahay maanta waa la xiray ijtihaadka oo uma furno qof kale.

Hadii ay kala duwanaatay 4:ta madaahib oo ugu aqoon badnaayeen xiligaas, maxaa ku diidi in ay kala duwanaato kuwa maanta joogo aragtidooda. Hadii qof saan u arko in ay maanta fududahay, oo uu qaado wadadaas, ma KHALDAN yahay, isagoo daliilkiisa kala soo baxaayo kitaabka iyo sunada. Ma waxaad leedahay waxaa hadli HAL QOF (1 sheekh) kaliya, inta kalena waa ka manuuc?????????????????

Su´aalahaan iga soo jawaab walaal.
1) Yaa waaye tan saxda oo caqiidada ku taagan, maadama aad tiri "caqiidi ayeey isku haystaan"

2) Diinta ma u ogoshahay laba qof in ay kala fikrad duwanaadaan. Mise mid baa KA BAXA DIINTA?.

3)Xarakooyinka wax ku ool ayeey dunida ka qabteen, bal ma jira kuwa diidan wax ay qabteen oo u dhigmo??????????????????

Jawaab ayaan u baahanahay oo aan SARBEEB ku jirin.

Waxaa la yaab ah in aan maalin ka qeeyb galay Muxaadaro aad u weeyneeeyd. Halkaas ayaa waxaa fadhiyay sh. Raashiid Ganuwishi.

Qof baa su´aal weeydiyay oo yiri "maxaa kala duway fikradaha islaamiyiinta" wuxuu ku jabaabay.

"Islaamiyiinta waxa ay isku waa faqsan yihiin 95%, marka maxaa loo hadal hayaa 5% ay kula duwan yihiin?????? Maa la isla qabto inta badan oo la isku waafaqaym oo lagu soo celcelinaaya in yar"

waa iyo mar kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAALIM SOMAL

Thursday, November 23, 2000 - 02:22 am
to dhamaan walaalah muslimka.
A L C I L M U M I N C I N D I LAAHI.
WABILAAHI TOWFIIQ

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.