site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaa dan inoo ah Soomaaliyey ma qabiil in la isu garto mise gobol?

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: Maxaa dan inoo ah Soomaaliyey ma qabiil in la isu garto mise gobol?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhagardiid

Unrecorded Date
Aniga waxay ila tahay in laga takhaluso waxa la yiraahdo QABIIL oo aynu isku af garanno waxa la yiraahdo GOBOLAYSI sida reer banaadir, reer kismaayo, reer sool, reer bari,reer mudug IWM.
Runtii waa arrin lawada ogyahay in qabiil waxba tarayn cidda moodaysa in qabiil wax tari doona waad lunsan tihiin ee ILAAH ha idin soo hanuuniyo, mustaqbalka marka Soomalia loo noqdo waxaad qof walbow ogaataa in qabiilka aad ku af tirsatid uusan meel ku gaarsiinayn ee ay aqoontaada ama cilmigaagu uu meel ku gaarsiin karaan.

Waxaan kaloo ku darsanayaa in waxa la yiraahdo qabiil inaan laga dhigin wax saa u weyn, ee uu keliya yahay MAGAC si ay uga badbaadaan ubadka soo koraya.
Dugsi maleh qabiil wuxuu dumiyo mooyaane. waxa yiri abwaan Soomaliyeed.

Arrintanna waxaan u dhaafayaa wax-garadka soomaaliyeed soomaaliyeed wixii ay ka yiraahdaan.

By Dhagardiid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garyaqaan

Unrecorded Date
Maxuma ra'yigaasi in Gobol la isku afgarto, balse gobolkee ayaan isku tiriyaa ma kii aan ku dhashay mise kii aabahay ku dhashay mise kii awowgey kudhashay? Mise kan qabiilkeygu dego?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhagardiid

Unrecorded Date
To Garyaqaan
Aniga waxay ila tahay in qof walba uu ku af-tirsado meesha uu ku soo koray/barbaaray

Tusaale ahaan Anigu waxaan ku dhashay Hargeysa,anigoo laba jir ah ayaan ka soo guuray soona degay Muqdisho halkaas oo noloshayda inteeda badan ku soo qaatay. qabiil ahaanse kuma abtirsado labadaa magaalo. Laakiin waxaan shaki ku jirin meesha keliya ee aanan maanta soomaliya ku lumeyn inay tahay luuqluuqyada Muqdisho.
ayna tahay meesha aan ku aftirsanayo.


dhagardiid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khadro,Abdi

Unrecorded Date
Aniga ahaan iska waramo waxaan ka qabo dhabatada Somaliyeed aad iyo aad ayaan uga Xumahay in ay taas nagu dhacdo inkastoo tii ilaahay ay jirto.Malintuu dagaalka bilaabday iyo maanta calool xumo iyo ciil ayaan ku seexdaa ku soo kacaa kuna joogaa.Nin kii wax garad ah wuu fahmayaa waxaan ka hadlaayo hadii uunsan ku dhicin cudurka la yiraahdo "QABIIL" kaas oo dawo laheen in uu ILLAHAY baryo mooye.Malintii uu dagaal bilaabanayey waxaan jiray 12yaers old . waxaan ahaa ilmo ciil kaan daramayey waa mid uu ILLAHAY uun og yahay ninbaa wuxuu tiriyey Gabay markii ay Somalida iyo axmarada is dagalayeen taas oo ah taan maanta rabno kuli ma xasuusto lakiin waxaan xusuuus taa in uu yiri
Somaliyey dabaysha xornimo
aan u bahanahay dadaal ma ku radinaa
wixii hoos inoo dhigay iyo
"QABIIL" ma dabar jarnaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum Muslims!

Waxaan maqli jirey "kunje ka guur oo ganje u guur". Soomaaliya waxaa bur-buriyay qabiil -- hada waxaan rabnaa inaan asaga oo dhan tir-tirno? Ilaahay baa qabiil sameeyay -- wuxuu u sameeyay inaan ISKU GARANO oo kaliyah. Anagoo tir-tirin, taas waan sameyn karnaa. OGOW qofkaad tahay -- Muslimiintana ha`u Aabo yeelin. Qofkii aad wax tareysid u tar "somaliyow somali ma tahay"...ama "muslimow muslim ma tahay". Qaraabadaada xiriiri -- kii jirin booqo, kii caawin kaa raba caawa. Ilmahaaga ku kori in QABIIL yahay "is garasho" oo kaliya oo aysan ahayn wax sidii gaashaankii cadow laysaga dhiciyo ama dad lagula saaxiibo.

Qabiil wuxuu dhintay oo qurmay marka loo isticmaalo ummad kale in lagu dhibo. Ama la`is dhaho dadka waad ka fadli badan tahay sababtoo ah waxaad tahay "qabiil fullaan".

Sideedana, waxaa fiican in qofku yaqaan meesha uu ka yimid. Bal, hadii aad Galbeedka joogto, waydii dadkaan "yaa tahay"? hahahha! Taas waa laga fiican yahay. Aduunyada dhibka haysta waxaa weeye -- waxay bedeleen jid kasta oo ilaahay u sameeyay. Waxaad arkaysaa dad qabiil la`aan ah...ama dad qabiil isku dilaya. Waxaad arkaysaa dumar nimonkooda ayaga u taliya...ama niman dumarkoodii dhibaateenaya. Waxaad arkaysaa niman naago noqdey iyo naago raba inay niman noqdaan. Runtii Bini Aadam dhib buu isku keenaa!

Waxaa xaqiiqo ah, marka soomaalidu ay u bedeleto inay gobol-gobol isku gartaan -- inay markaas gobol-gobol isku dagaalayaan. Marka, adoon dhaqankaaga bedelin -- maad bal dhaqankaaga daweeysid? beats me!


Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kursi

Unrecorded Date
salaamu caleekum
waankugu raacsanahay Ahmedow waayo qabiil ma tirikarno laakiin waxaas waxaa kaaga fiican qofkaad diinta isku barataan waayo haduu diinta si fiican u yaqaano qofkaas waxaad u wadadhaqmaysaan sidii dad walaalo ah oo qabiilba maxasuusanaysaan qof somaliah oo kuu baahan taas qabiil uma fiirinkartid oo waaba jinsigaa oo waakuu dan in aad waxtarto why baribaad u baahandoontaa dadka qabiilka sida xun ugu dhaqmana waaba jaahiliin iyo qof aancilmi lahayn
waxaaba maanta ciil iga haayaa kuwa somalia ku nool oo aan wali fahmin dhibta qabiilka leeyahay qumanahooda qoorta ugu jiro ayagana waligood intay leeyihiin reer hebel dhibaato kama baxaayaan war qabiilkaaga raadso oolasoco laakiin jiradiisa iskailaali gobalku raadso waxaa kaaga fiican diinku raadso iyo somaalinimo
salaama calaykum
kursi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum Muslims!

Kursi,

Sax waaye taas -- sababtoo ah...qofka aad diin isku barataan...diintaas baa idin wada xiriirisa. Qof aad soomaalinimo isku barataana -- tas baa idin wada xiriirisa! Qabiilse -- bari baa laga yaabaa inaad qabiil isku dagaashaan. Marka, runtii...taas waa arin wanaagsan.

Mideeda kale, Soomalida SOOMAALIYA joogta way OGYIHIIN in qabiilku yahay wax xun -- way og yihiin inaysan qabiil isku-dagaal uu yahay wax hoose. Hase yeeshee, Soomaalidu waa dad kibir badan. Runtii -- bal adiguba fiiri; qof walba oo soomaali ah oo aad la kulanto waa LAMA arag oo lama maqal wax san mooye wax xun ba aan ku hadleyn. Hadana, soomaalidu dhibkii bay weli kuwada jiraan. Aniga waxaan is dhihi jiray -- waa dhibaato xaga aqoonta ah -- laakiin ma`ahan; waa KIBIR. Habar walba wuxuu rabaa in mid kale raali geliyo ama dhaho aan joojino dagaalka iyo dhibka aan isku hayno. Meshii laga rabay in kii wax san arka uu kan kale ula yimaado -- kii waxa sanaa arkay wuxuu sugayaa in kan kale ARKO oo asaga u yimaado.

Sida aan aniga iyo adiga u fakareeno baa soomaali kasta u fakarayaa -- hadana...dhibkii weli waa socdaa! Maxay taas ku dhacday? Bal adba!hahaha!


Salamullahi wa raxmatuhu calal mu`miniin,

-Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagaldoon

Unrecorded Date
in qofna kahayi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YUU

Unrecorded Date
SOMALIA.


1: IN SOMALIA EY ISKU GARATO SOMALINIMO

2:IN •••••• EY OGALAADAAN IN LOO TALIYE ILEEN TASHAN WAAYEENEE
3:IN IDOOR LA WEYDIIYAA SABABTEEEY CALANKA U GUBEEN
4:IN DALKA LAGU XUKUMO ISLAAM
YUU FROM HOLLAND

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.