site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Caynabo

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: Caynabo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garad Cawsle

Unrecorded Date
Waa magaalo qaddiim ah oo ay ku nool yihiin 200000 kun (Laba boqol oo kun)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garaad Cawsle

Unrecorded Date
Caynabo.....
Indhihii caddaadoow Caynaba ma aragteen.

Waa magaalo qaddiim ah oo laga xukumo illaa 55 tuulo ayna ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 200,000 ku oo qof (Degmada iyo tuuloyinkeedaba).

Waxay ka tirsan tahay gobolka sool oo ay dad ahaan ka tahay 45% population-ka gobolka oo idil.

Biyaheedu waa kuwo lagu caafimmaado oo jin iyo insiba waa cabbaa.

La Soco warbixinta tuulada Oog iyo habari-heshay oo aan dhawaan soo bandhigi doono.

Waxay degmadu iskaga filan tahay dhan kasta waana xuddunta isku xidha Somaliland iyo Dawlad goboleedka puntland.

Degmadu waxay ku talo jirtaa inay GOBOLnimo qaadato sannadka 2001-da.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhagardiid

Unrecorded Date
Garad cawsle

Aad ayaad ugu mahadsan tahay warbixintaa ku saabsan Caynaba, Laakiin saaxiib adigoo aga raali ah waxaan ku su'aalayaa Xaggee baad tirakoobkankan ka keentay?

waad hadadsantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GaradCawsle

Unrecorded Date
Dhagardiid

Garaad Cawsle waxaan run ahaynba ma yaqaan.
Laakiin Meesha laga keenay LasAond oo 140K qof ku nooshahay baan anna ka soo xaabsaday.
Adiguna kolleyba qolaad ka dhalataye ka gaar intaan numbarada waaweyn lagaa dhamaysan....

Nuurka awliyada ayaa CAYNABA nal u ah oo habeenkii way widhwidhaa....

Tan kale Primary source-ka aan stat-kaas ka helay waa Tirakoob awliyo. Awliyadauna sida Sh cabdulqaadir bay dhulka taako-taako ugu jirtaa

Waan ku dheeraaday ee arrini waa sidaas oo aan loo noqonayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
war ceynabo soo maaha dhulkii haber yoonis mise haber jecelo maba xusuustee. hadey saas tahay intaas (200,000) burco ayaa la yiraah wey ku nool yihiin ma ceynabo oo tuulo ah baa intaa ku nooshahay cajiib reer waqooyi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhagardiid

Unrecorded Date
to Garad cawsle

waa ku salaamay, iga raalli ahow laakiin saaxiib hadalka waxaan ka dhadhansanayaa inay ku jiraan
Qabiil iyo wax laga faano, Anigu su'aal ayaan ku weydiiyey ah "Tirakoobkan xaggee ka keentay"

Anigu qabiil ahaan Caynaba wax dega garan maayo ee waxaan Caynaba u garanayaa inay magaalo Soomaaliyeed tahay.

Iskaddaa si xun u ceeshnimada....raali noqo waad mahadsan tahay

by dhagardiid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cadawe sabiil

Unrecorded Date
IGAARKA

afgooye mey u dhawdahay caynabo,,,
biyo macan ay leedahay ayaa dhahday maxaa

afkiina gaduud ka dhigay,,,,

dadka waqooyi ka yimid biyaha ayaa sifayn u bahan

waana loo bahanyahay cafimadka ayey u roontahay

dhulka ,,beer,, malaha ,,,nafci kala ma laha

i see u in the hell guys

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALEX

Unrecorded Date
TO IGAARKA
MIND UR LANGUAGE U •••••••
RAALI IGA AHOW SAAXIIB LAAKIIN WAAD GARDARANTAHAYEE OGOW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Macaani

Unrecorded Date
Cadaawe sabiil,

Afgooye maahinee,meel u dhow xitaa ma gaarto,ceenabo,caano barax-geel iyo cambuulo calool xanuun laga qaado lee meehaas laga cunaa,ceenabo banbeelmo iyo babaay ma laga helo,bedelkiis buumsho aa yaal,Maankaalne,miyirka aas iskaga siibaan heer ceenabiinte.Geed mukay ma qawaan,oraxda aa nafta cirke kuu keeneeso.saas oo teheyne wax ma gardkaan waa naga roorooyiin,'Waa ogne' lee ku jiraa,kuwaan see ahaantood???...merkii la suubihaayo maa samaanta laga siibi?????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garad cawsle

Unrecorded Date
Cadaawe Sabiil iyo Macaani.

Ya ma nabadaa.

Caayda deeya calaanyaalyaaw
Ceynaba carabkiin ka deeya
Caddiin aa taal iyo caano geel
oo sidii cashar aa lagu caafimadi
Catar sideedna waa u carfaan
oo biyaheeda minaas cabto
cudur danbe ma u laabaneesid

ee canbe xaw taraa calya waaye
Canbuula galley iyo cobtoo moosa
caloolba ma kuugu dhaceeyso
oo cartan gaajo ma caabiyeysee
codkiinna deesta intiin caroon
oo camal libaax idiin ceejin

Codkey haddiis yeesho
oo Caynaba amaanto
waa iska kiin cafaa
caadil aa jiree

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garad Cawsle

Unrecorded Date
To: Anonymous

Tirakoobku waa sax oo muran lama gelin karo.
Tiradaan sheegay ee 200,000 waa dadka degmada ku nool including Baadiye+50 tuulo oo laga xukumo Caynaba carfooneey.

Dood ha ku soo celin Garaadka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garad Cawsle

Unrecorded Date
To : Dhagardiid

Waa anigii soo laabtay mar kale.

Dhagardiid, waxa laga yaaba inaad macaan badan cuntay sidaas darteed aad wax kale oo aan meesha ool u dhadhansatay. Maxaa qabiil keenay meesha.

Nin qabyaalad doojoow
Bal docdaada uun eeg
inta dumar agooma ah
inta darib nin lagu cunay
inta dhiig dad lagu qubay
debec yaa lahaayeey
maxaa dhacay umula doox
anigaa nin dooriyo
anigaa wax dumin kara
maxaa beel ku dumug tidhi
Islaan wiilki laga diley
dugayeey maxay tidhi
Darka iyo xareediyo
Daaq laysu qoonsaday
dirirtiyo colaaduu
maxay haad dibiriyeen.
(Gaarriye)

Qabiil xumaantiisa waan aqaan inaan kaa badshana waa laga yaaba. Waa Duumo,daaf,diihaal,darato, iyo qaar kaloo badan...ha ku degdegin eedaynta walaalahaaga hoygaan kula jooga

Kheer aan isku og nahay abti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceynabaawi

Unrecorded Date
Ceynabo is landed by the Reer Hagar "sub clan of Dhulbahante" Cadaawe Sabiil Dhulllooska ma Ilko guduudno nooh see kaa noqotey Idooorka ayaa ilko guduudan leh nooh.

Cenabo Dhullos ayaa iska leh.


Ceynabaawi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceynabaawi

Unrecorded Date
Ceynabo is resided by the Reer Hagar "sub clan of Dhulbahante" Cadaawe Sabiil Dhulllooska ma Ilko guduudno nooh see kaa noqotey Idooorka ayaa ilko guduudan leh nooh.

Cenabo Dhullos ayaa iska leh.


Ceynabaawi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
ceynaabi, saaxib taas waa tii cali dhuux ka gabyey yirina, "niman baa ku nool dhulkii labada daaroodee" meaning that ceynabo and doolo oo kuwii gabayada guba ka bilowdeen saaxib geel aan lahaan jirey dooro aan leeyahay aa ka fiican maanta rag kale ayaa u sareeya. adiga cidaa doonto ku sheeg. waatii abgaal la ogeleesiyeey in xamar habargedir wax ku leedahay, sabatoo ah cudud ayaa la sheegtey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garad Cawsle

Unrecorded Date
Caynabaawi...nabad

Abti ha hafrin reer Hagar Caynaba 155 km bay u jiraane. Laakiin waa u ogolaanaynaa inay soo degaan illeen waa magaalo somaliyeede.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Macaani

Unrecorded Date
Garad Cawsle,

Garadoow,garashadii ma kuu goosi?
Ceenabiite,ragood ma gudne,
Gebdhahoone:garoob iyo gumees
Geed ma ku yaalo,iskabo deey guri
Geel-jire gaashaa la gurxamaayo iyo
reer guuraa guufyo dheer,
geeridu qiyaas ma leh,oo,
gablanku waa guud bedan yihiin
Garsooli iyo gacalnimone garasho ma u gudoomaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhagardiid

Unrecorded Date
To garad cawsle

Macaanku waaba wax wanaagsan ee waxaan kuu cadaynayaa inaad adigu gaaska diyaardaha cabto....maxaa yeelay hadaladaada waxaa ku jirey inaad tiri adiguba qolaad ka dhalataye ka gaar. taa macneheedu muxuu yahay? adigu isu jawaab.

Anigu su'aasha aan kui weydiiyey si Soomaalinimo ah ayaan kuu weydiiyey ee kuguma weydiin af Qabiil
aan ku xusuusiyo su'aasheydii aniga oo kuugu qoraya farta waaweyn (XAGGEE BAAD KA KEENTAY TIRAKOOBKAN AMA KA SOO XIGATAY) hadii aad u baahan tahay muraayado waxaad ka heli kartaa halkan www.blind.dk

halkaa waxaa ku cad inaad adigu khaldan tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garad Cawsle

Unrecorded Date
Dhagardiid

Aan ku hor maro suaashaadii.
Warbixinta aan qoray waxan inteeda badan ka soo xigtey Tirakoobkii ugu danbeeyey ee somalia laga sameeyo ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka lagu qarin jirey (Shacabka lama wada tusi jirin tirakoobka oo aan la jeclaysan dartiis).

Inta kale Anigaa qiyaasay illeen Garaad baan ahayoo Dadka waan u warhayaaye.

Yaynaan is caayin gaaska ma cabbee, mise dhagardoonbaa tahay dhagardiidooow.

Bal waan kaa roonaanayaa oo kula caytami maayo maantay.

Kheer aan isku ognahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiilmarexan

Unrecorded Date
garad ku sheg
waraa habartaa was adi ma dhimanaysid hadii mareexan eber idinka dhigayan wali mahadlee computar hostii lee ka soo hadal waa ku karbashaa saan kuu karbashi jiray wasaq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garad Cawsle

Unrecorded Date
Waxa sida xoolaha baadida ah ciya haddaan la hadlo anaa ku maskax iyo maan guuri.
Dhulmahante waa sida pussy-ga oo kale oo marba lugtii la hor marsho raaca ee maxaan kala hadlaa. maalinba ninka muuqda kabaha ha u qaadeen.
Intaasi ha ina kala gaadho yaa ciyaala malaaciin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed ibrahim

Unrecorded Date
garad cawsle ciyaalowdey saaxib. i can never degrade my people like that, what a stupid guy in our society!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CALI BURCO

Unrecorded Date
LAYSKUMA HAYO IN AY CAYNABI MAGAALO CAAN TAHAY
LAAKIIN BARIGII UGU DANBAYSAY WAXAA KU NOOLAA
99000(SAGAAL IYO SAGAASHAN KUN) EE GOORMAY GAARTAY
200000.
NIN AAN CAYNABA AQOON KAMA SHEEGAYN KARO, WALAWAYN GOORMA AYEY CAYNABA BARATAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

darwiish

Unrecorded Date
garaad cawsle waa liid warsengeli

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ceel-caynabo

Unrecorded Date
To:Garaadcawsle haddey ka wash tidhi waxaad tiraahdo qabiil kuma jiro wixii uurka kaaga jiray
baa afku kaa xadey walaal muxuu kugu sameeyey dhulbahante iyo waliba canbaareynta aad ku wado
lascaanood waxaan ku leeyahay isma galo gabaygaagu
iyo uurkaagu hana munaafaqadeen caynabo waa magaal
soomaliyeed wixii ku noola waa soomali cidna ma
sheegan karto ta kale magac aad wadato waa magac
maamus ee daydayo magac kale bil asxaanag
waan ka baxay
ceel caynabo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idoor

Unrecorded Date
Ceynabo Magaalo Khaalid dheh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Habaahii Khaalid

Unrecorded Date
salaan,

Walaal maad ka daysid ayaga haystee maxaad uga qaadi wayday hadaad nin tahay.


Nabdeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GaraadCawsle

Unrecorded Date
Ceel Caynabo.

Walaashey/walaalkey raalli iga noqo. Kaftankii aa ila fogaadey malaha.
Dhulbahante waa abtiyaashey oo ma necbani, waa dad gob ah oo liddi kuma aan ahi. Sheekada kaftan baan ku bilaabay laakii hadda waa wasaqowdey oo aniga ma caytamo oo halkaas baan kaga harayaa.

meeshaan dad liita oo caytama ayaa loo deynayaa aniguna waa hore ayaan joojiyey oo marmar baan soo eegaa.
Abtiyaalladey waa gob ee ha i cafiyeen haddaan meel uga dhacay. waana iga daacad.

Ilaah baa jira. Cayda Ammaan haddaan ku bedelanno ma dhimanaynaa soomaaliyeey.

garaadka wiilkuu abtiga u ahaay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ceel-caynabo

Unrecorded Date
garaad cawsle:walaal waan kaa gudoomay inaad garatay khaladkaagii.horey baa loo yodhi somali
sidey isu xigto isuma taqaano waxaan ku odhan lahaa hooyo waa qaali.hooyo waan jeclahay dadkeedana waa necbahay ama waan ku kaftamayaa
meel ma wado gasho waxaan arkey meelo badan oo aad kaga hadlayso reerkaasi markaas walaal waan
kaa waaninayaa ee ka dhowrso abtiyada qolo walba
ha ahaadeene

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
CEYNABO Magaalo Muusa Abokor dhah. Hadaadan rumaysnayn hada soo eeg. Iniga oo ceynaba ka imi 1992 kii dad ka reer kaas ah baan ku arkay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fariid Adeer

Unrecorded Date
Shir bariidsan:

Caynabo waa magaalo qadiim ah, magac dheer oo ah Xarunta xool dhaqatada intaan Burco magaalo noqon, Hawdna Baraago yeelan. 36 sano ka hor aan Iskuulkeeda hoos ka baxay, dib uguma laaban. laakiin waa magaaladeydii inkasta oo maanta la arko in la diido inaan dego. Si kasta ha ahaate waa magaalo nolosheyda meel weyn ku leh, waana meeshii aan ku dhashay.

fariid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

berdatuunyo

Unrecorded Date
caynaboodleey cayni macidlaa sowlagama ciyo
caynabi waa magaalo ah qadiim oo aan cidina aanay koobi karin muhimada ay u leedahay umada reer soomaaliland waa magaalo haddii aad cabto biyaheeda aanay kugu dhacayn xanuunada ay ka mid yihiin duumada ama kaneecada oo dhibaato ba an ku haya afrika saaxiibayaal caynabo cay male qofkii caaya ayaa caayan waxaanse umaleynayaa in dadka qaar markeymaqlaan xoogaa calool xanuuni ku dhacayo kuwaasna waxaan leeyahay iska samri aduunka maalinba waa eele ninkii leh anaa caynaba dega haka jawaabo suaashan haddii kale kasamir caynabo waanatan suaashii (caynabo iyo ceeldhaab ceel ma u dhexeeyaa.)
waadmahadsantihiin asal reer caynaba not sheegato

berdotuunyo byyyyyyyyy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caynabaawi

Unrecorded Date
Berdatuunyo

Waryaa ma reer Barre yaad tahay mise gobtii Gaala-dhinac Weyn ee Cali Barre.

Kuwa sheeganayaa waa riyoonayaan ee iska dhaaf.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

berdatuunyo

Unrecorded Date
to caynabaawi
waad salaamantahay waad asiibtay yaa kalee
saaxiib labadaa midkamida dheh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bancade

Unrecorded Date
To berdatuunyo
waryaa maxaa cali bare kuudiiday oo aad raga u caayeysaa, caynabana habar jeclo ayaa leh welibana waxaa dega solamadowda, cumarka, cali baraha, iyo qaarkamid ah reer yooniska.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OOG iyo Barkaddii Cali Xirsi

Unrecorded Date
Berdatuuyo/ Ban cadde

Habar Jeclo ha is barato.
Gobtiibaa meesha maraysa.

Bancadde adigu ma reer Iidlaad ahayd mise nimankii Baho ee belaayada dhigi jirey marka lays bog-dooxo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xirsi

Unrecorded Date
Badowdii Muusa Abokor baa meesha qabsatay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oog iyo Caynaba

Unrecorded Date
Xirsi...

Muuse Abokor waa gob ee afkaaga ka leexi.

Muusaha Carrada Buuxiyey bay culus ku daaqdaaye
or
Reer Muuse waa mahadiyaa midha nin sheegtaaye
Wax dhaaxay qabiil magac lahaa malaw ka siiyeene

Muuse abokor waxay degaan dhul dhan 13kun oo Sq km or 20% dhulka Soomaliland. Maxaad ka taqaannaa Muuse Abokor.
Xeebta waxay degaan from Siyaara (20 miles E of Berbera) to Maydh.
Waxay degaan Guban, oogo, Saraar, Cayn, Nugaal Godan, Sanaag Illaa soolasha Maxamuud Garaad iyo Warsangeli.
Waxay wax ka degaan, gobolada Saaxil, Togdheer, Sool (Caynaba + 75% of tuulooyinka Xuddun la ga xukumo), Ceerigaabo (Ceelafweyn + Degmada Ceerigaabo oo ay Muuse Ismail wada degaan).
Waa dad tiradii ka badatay, badatay, badatay, badatay oo aan la tirin karin balse lagu qiyaaso 500,000 to 700,000 qofood. Waa lafta ugu badan HJ oo ku dhowdhow illaa 54% of Habar Jeclo.

Badawnimo waanuba ogollahay ee bal adigu Ilbax wax ku keen. Soomali waa wada badaw ee waa Badaw is og iyo badaw macaruf aan is ogeyn sidaada.

Long live Muuse Abokor Jibriil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rageedii

Unrecorded Date
Ceynabo waa magaalo reer oddeed. Dhulbahataha odeed ayaa leh. Goormaa iidoor yeeshey kobtaan. HAde waa aduunyo gadoon. Eegadatan, idoorkii nimakii dhulbahante oodeed ey dhulkoodii sheeganahayaan.

Long live wiil rag ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oog iyo Caynaba

Unrecorded Date
Correction

13 kun Sq km should read 13 kun Sq. miles

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oog iyo Caynaba

Unrecorded Date
Rageedii

Hadda aniguna Laascaano ayaan sheegan doonaa hadaad Caynaba iska deyn weydo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bali dhiig

Unrecorded Date
To Oog iyo caynaba

Waryaa saaxiib inaga oo ah nin ahmed faarah nuux ah madiidani in muusa abokor badan yahay ee xagaad ka keentay 500,000 to 700.000 maa digaa dad ka soo tirokoobay mise dowlada somaliland. Mida kale ma ogtahay in habar jeclo ay ugu badan yihiin ahmed faraha reer yusufka iyo biciidaha.Waxa aad ogaataa in muusa abokor ugu badan yahay reerbariga sida Sacad yooniska muusa ismaaciilka oo ay toban jeer ku soo labolaabmayaan. Iniga habar jeclo waa isugu kay mid mid badan iyo midkaleba waa ikumid laakiinse saas ayay aniga alatay.

iga raali ahow hadii aan meel kaaga dhacey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

berdatuunyo

Unrecorded Date
to rageedii saaxiib waxaan ku leeyahay aabahay baa geel lahaan jiray anaa dameero leh baa dhaanta
caynabo hadda anaa leh cid sheegan kartaana ma jirto haday sidaa kugu yidhaahdeen. been bay kuu sheegeen.horee taariikhi ubaxday.
INBADAN IYO INBADAN BAA ARLADA MURANKA TAAGNAA
OOY QOLOBA QOLO MAAGANAYD INAY MUQUUNSHAAN E.
ALLEYLEHE ••••• BAA MULKIYEY MAAXDA CAYNABO E
MOQOREYSTA WAATAAD ARLADA MADHAX U DIIDEENE.
intaa hadaad ku joogi weydo waxaan ku leeyahay.
WAAKAA HUBKII SIDA RAGII WADA HAREEDNAAYE HABARWAANE WAAKAA HINGALIN LABADA HAAMOOD E
SHIRSHOORUHUBA HOY MALEH KUWAAD HILIB WADAAGTAANE.

WAXAN KU IDHI WAXAAN FILAYAA INTAASI KUGU FILAN. if you thing more ihave alot
SHIRSHOORUHU HOY MALEH KUWAAD HILIB WADAAGTAANE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

berdatuunyo

Unrecorded Date
to oog & berkadii ali hirsi ahmed waad salaamantahay arladii barakaysneyd tolow madoogsatay sanadkan maanta ah .
adigu ma waxaad ahayd reer diiriye kibrey lol.
waad salaamantahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oog iyo Caynaba

Unrecorded Date
Balli-Dhiig

Nabad iyo warsan.

Tirakoobka Muuse Abokor Jibriil waa mid sugan oo sidaas ayaan ka hayaa cuqaasha, suldaanka iyo Jamhuuriyadda Somalilandba.

HJ ma kala guro, laakiin waad yara khaldantay markaad tidhi

"Mida kale ma ogtahay in habar jeclo ay ugu badan yihiin ahmed faraha reer yusufka iyo biciidaha"

Reer Yuusuf waa badan yahay laakiin waa jilib hoose oo tiro ahaan kuma dhowa Axmed Faarax iyo Biciide toonna.
Biciide wuxu la siman yahay Faarax Cabdulle marka inaad jilib hoose la meel dhigtaa waa masiibo.
Tan kale Biciide iyo Reer Yoonis way is celiyaan oo tiro ahaan waa isku dhowyihiin inkastoo Biciidaha la yidhaahdo wax yar bay badan yihiin. Laakiin haddii lagu daro CALI BARRE, waa hubaal in Barre Adaraxmaan (Biciide + Cali Barre) badan yihiin.
Biciide Yoonis Adaraxmaan wuxuu ka kooban yahay 11 jilib ayna ugu xoog weyn yihiin

Baho (7 Jilib)
Reer Iidle (12 jilib)
Axmed Faarax Biciide
Basanbuur iyo
Qabiloyinka yaryar o la isku daray.

Marka baro walaalahaa waa kuwaase.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jama

Unrecorded Date
Habarjeclo maxaa idinka dhex dhacy inaad tiro koobkiina isku qabsataan ayaad meesha u furteen , kama xumi habarjeclo waa walaalahay ha noolaadadaan se wuxuun baan yara diiday sida yare hoosaysa ee laysugu diidanyahay badnaashaha jilibada hoose.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcaawi

Unrecorded Date
TO WIXII HABARJECLO AH
DHamaan tiin waxaad ogaataan in ay habarjeclo tahay qulada ugu BADAN reer shixishixaaq ee ugu na libaaxsan, haday tahay DAD, MAAL, DAGAAL iyo DHULBA. HADABA nimanka ka la qaybqaybinaya habar jeclow joojiya waayo habarjeclo waa dad is ku mid ah oo aan kala goo go i karin maakaa hadii aad nakala qaad qaadaan waanu baaba ay naaye naga daa ya kala qaybqaybinta. Haberjeclo qabiiladeedoodhami way siman yihiin mid yar iyo mid weyn ba haba ahaado, Biciide Ahmed faarax Reerdaahir Reeryoonis Cibraan Cali bare Solamadoy Aadan madoobe Yeesiv Uduruxmiin Cumar Sunbuur samane iyo idarays muuse.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciidagale

Friday, September 29, 2000 - 10:22 am
HABAR JECLO let me correct correction:REER SHEEIKH ISXAAQ is 1 FAMILY!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhanxiir

Sunday, October 08, 2000 - 07:16 am
Waarya reer magaal waal caynabo ayaad ku haraaden ee mataqa niin baali-dhaye xaruunti SNM fadhiyi jiirtay iyo ciida degta iyo weliba tiro kobteeda


waad mahaad santi hiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Reer Hagar

Friday, October 13, 2000 - 01:48 am
Reer Caymeed

Caynaba iyo waxaan ku ogaa oodega hadaanunahay Reer Hagar, nima layidhaah do Cali bare oo ahaa habarjeclo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabadoon

Wednesday, January 17, 2001 - 02:35 am
Waaryaadha reer caynaba bal warama?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Myor of Caynabo

Friday, January 19, 2001 - 09:16 pm
loool habar jeclo, cidagale, dhulbahante, habar yonis, ayaa ku sheekeysaniya! Aweey samaron, warsangeli, ciise, cisa muse, sacad muse, arab, madhiban, owgeyslabo looool is this somaliland debate about caynabo??

I believe caynabo it is owned by 45%Arab 45%Ciidagaale and 10%Warsengeli loool ma sidaas ba arintuu??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 04, 2001 - 11:09 am
IIDOOR oodhan iyo dhulbahante oo kaliya ayaa isla eg dhulkey dagaan markaa in ta yar ee caynaba aanu ilaalinayno miyaa hada ismooday inay leeyihiin teeda kale boqolaalka kun eeqof eeaad sheegaysaan yaan la idinku qoslin ooha isku dirina niman ka meesha idnku haya ee aad si fiican u taqaaneen ee AHMED GARAAD CAYNABA WAxaa LEH dhulbahante

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

butoweyne

Thursday, April 05, 2001 - 06:24 am
lamayaqaan caynabo hadaad ku riyoonayso kaalay markaas baynu xisaabtamaynaa nin caytamayna afkiisu iaguu ku yaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAHAMED

Thursday, April 05, 2001 - 06:07 pm
ANIGU WAAN KU RAAC SANAHAY NINKAA OO WAXAAN OGAA IIDOORKA OO QAXOOTIYA OOLAGU HAYO MEESHAA LAAKIIN GOOR AY ISA SIIYEEN GARANMAAYO HORAANA LOOYIDHI 50JIR DHULBAHANTE IYO 20JIR IIDOOR ISMA FAHMAANMARKAA MARKAA WAXAA IICADAATAY INAAD JIRTO DA DAA HADAAD HORE U OGAYN OGOOW OORAGA KALA TAG NACASNIMADA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

butaweyne

Tuesday, April 10, 2001 - 07:14 am
waa runtaa saaxiib oowaad degenaan jirtay laakiin maxaa dhow ragbaa xoog kaaga qaaday.
laakiin hadaad ficil hinaasiday asaad hiilin kariwayday ma afkaad ku howlbixi cidlaad ka hawisaysaaye. miskiinjaahilyahow sidaas ula soco.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.