site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DUSA-MAREB..............(kobcis,kibris,oo hadana Kufris)

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: DUSA-MAREB..............(kobcis,kibris,oo hadana Kufris)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Radamir

Unrecorded Date
Waxaan ahay 40.jir ku nool north America. Waxaan ku koray magaalada Dusa-mareeb. kuna noolaa ilaa iyo 1976. Meelo faro badan iyo nolal kale duwan ayaa iiga dambeeyey magaaladaas. Marnaba mahilmaamayo Dusa-mareeb.

Waxaan aad ujeclaan lahaa dhallinyaraddii waqtiga aan soo sheegay Schoolka magaaladas ka dhiganayey
iney ku kala war qaataan bogan. Afgarshadeenu (Diifax.........Almad)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Macaani

Unrecorded Date
Dhuuso-mareeb aa?.....L@L....lawooooola,magac aa yaaqoow magaaladiin ku dhecey,dhuso-mareeb aa??.....dhuusade xitaa ma reebtin miyaa?...mayee dhuuso wanmanshow miyaa??,amse ukun aa isku riixdiin???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Radamir ninyahow waxaan ku weydiiyay nin reer dhuusamareeb ah oo la yiraahdi Xasan Carabeey oo ku north america hadii aad garaneyso, fadlan hadii aad garaneyso E_Mailkeygu waa sidan ee :
hmabdi@siving.hia.no ama hmabdi@grm.hia.no

By Hussein.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ubax

Unrecorded Date
To Macaane

Who do you think you are ????
Waxaad isu maleysay qof aanan Soomali aheyn oo malaha cadaanka iyo western people ayaad la qabsatay....
Adiga oo adaan caayin Dhuuso mareeb wax naga weydii ama umada kale ka weydii jaahil hadaad ka tahay inoo sheeg malaha if we have time for you waan ku jaahil bixin doonaa.

................. *****...................

Walaal radamir aad ayaad u mahadsan tahay in aad ka hadasho dhuuso mareeb , ani waxba kama xasuusto laakiin waxaa ka yimid kuna dhashey reerkeena oo dhan awoowgay iyo aabahayba.

Waxaa laga yaabaa in aad xataa garato iyaga, Haddii aan kuu sheegi lahaa ..

Take care
Waad mahadsan tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Radamiir

Unrecorded Date
To Ubax.

Walaal adaa mudan. Sida aan soo sheegay waxaa Dusa-mareb iigu dambeysay mudo aad u fog,waxaanse weligey hilmaameyn sidii ay u wanaagsaneyd mudadii aan ku noolaa.


Walaal dadka qaarkood umaan jawaabo sida MANAACE oo kale ah waayo waqtiga qaaliga ah ayuu kaa qaadayaa.

Walaal reerkiinu haddii ay deganaayeen 1975- iyo wixii ka horeeyey waxaa qasab ah inaan garanayo.

Take care
Aad ayaad u mahadsantahay, waan ka helay sidaad Macaane ula hadashey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
raadamiir war waajecle miyaad?
waxaan ku leeyahey iska daa diifax iyo dhoobaalaba.almad koorna xaad dhihi laheyd.
waxaan jeclayn lahey in aan arko war badan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
by daaweeye21.
dhuusamareeb maxaa ka harey waxaan u maleynayey in la iska daayey oo dadkii joogey ka guuery haddana dhurwaayo ku nool kaliyuhu joogaan. tankale dadkii reer dhuusamareebeedka ahaa soo tii ay dirireen oo qaar kamid ahi xitaa dileen qaraabadoodii iyo saaxiibaddoodii. maxaad ku falrysaa warka qof aad horey u nacdey in aad dhageysato warkiisa xitaa haddii uu qof fiicanyahey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Radamiir

Unrecorded Date
To daaweeye21

Waagii iigu dambeysey Dusa-mareb aad ayaan u yaraa da' ahaan wax yaallo farro badan oon aad u jeclaystana waanka soo maray.Wixii waqtiyadii dambe ka dhacay halkaasna reer Dusa-mareb ma dhigin ee wixii Somaali oo dhan dadka ka soo qaxiyey oo duurka ka yimid ayaa dhigay. Magaaladaas waxaa degenaan jirey dad iyagoo qabiil isticmaala hadana istixgeliya oo aad u sharaf badan.

sidaas iyo nabad gelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, August 14, 2000 - 05:54 am
hi reer dhuusamareeb

dhuusamareeb waan booqdey sanadii 1988dii oo aan teesare gurmad u doontey anigoo ka imid buulaay runtii waa magaalo iska fiican inkastooy kaneeco badneed,sababtaas ayaan jeclaan lahaa in leyga jawaabo sababtoo ah magaalada wabi ma maro mana u dhawa hadana waxeey ka kaneeco badantahay magaalooyinka wabiyada leh,oo guri kasto waxaa yiiley sansiyeeri.lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, August 14, 2000 - 09:09 am
Reer Dhusamareeb wixii ahoow i soo sheega meeshay ku danbeeyeen reer SAMATAR (YARE)ama SAMATAR YARE BUR SALIID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, August 28, 2000 - 12:43 pm
Waxaan ku xasuustaa bursaliid macaan oo
lagu gado maqaayaddii samatar yare.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiilkeed

Monday, August 28, 2000 - 05:26 pm
Waan u xiisay balligii galdhoobaale... markii roob da'o oo aan u dabaal tagno.

Yaa qare macaan oo aan dhuusa mareeb ahayn.
Ma xasuusataan boojadii iyo makhaayaddii carrabey Suudi.

waa magaaladii shiikh yuusuf uu wax ku baray culimmo fara badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiilkeed

Monday, August 28, 2000 - 05:32 pm
Waan u xiisay balligii galdhoobaale... markii roob da'o oo aan u dabaal tagno.

Yaa qare macaan oo aan dhuusa mareeb ahayn.
Ma xasuusataan boojadii iyo makhaayaddii carrabey Suudi.

waa magaaladii shiikh yuusuf uu wax ku baray culimmo fara badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faalo

Wednesday, September 13, 2000 - 07:08 am
dhuuso mareeeeeeeeeeeeeeeeb!!!!!!!!!


saaxiibo yaal magaaladan ha laga bedelo magaca. maxaa yeeley, macno ma samaynayo magacan...dhegahana uma roona. waxaan ula jeedaa, dhuusada yaa ceshan waayey? hadii aan kaftamo waxay ila tahay reer ayeeyday iyo reer abtigay. labaduba •••••• ayay ahaayeen. •••••• waxaan maqlay in ay digir ama (diriir)Abgaal, hadba sida ay u yaqaanaan in ay quraac, qedo iyo casho intaba ka dhigan jireen. digirtuna waxaa lagu yaqaan in uu qofku iska reebin karin ------.

hadaba, dhab ahaan halaga fikiro sidii looga bedeli lahaa magaaladaas magaceeda aan maanka u roonayn.

mahadsanidiin
faalo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 13, 2000 - 09:43 am
Hi reer dhusamareeb

Dhusamareeb waa magaalada uu ku dhashay Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Mudane C/qaasim Salaad Xasan, Marka waxaan idin leeyahay waa sharaf idiin soo hoyatay hadaad reer dhuusamareeb tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GALDHOOBAALE

Tuesday, October 03, 2000 - 07:03 am
Hi Reer dhuusa mareeb, waxaan idn ka codsanayaa in aad is kula xariirtaan, beejkaan. marka xigta,waxaan halkaan ka baafinayaa dhalinyaradii reer dhuusamareeb aheed. dhamaan ciyaal xero iyo dhalinyaradii iskugu imaanjirtay isxaaq dukaankiisii.
waxaa qoray nin kamid ah ciyaal xero.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Radamir

Saturday, October 21, 2000 - 07:44 am
Salan Reer Dhusa-mareeb

Boggan aniga ayaa furay, muddo laga joogo sanad iyo bar. Markii la'ii soo jawaabi waayeyna waan ika daayey furidiisa, waxaanan u qaatay in Reer Dhusa-mareeb ay wali jiraan carraddii.
Waxaan arkaa hadda inay dad badanni kusoo biireen
boggan, aad ayaan ugu faraxsanahay, ismaqal wanaagsan dhamaantiin.
-Reer Samanter Yare waxaan ka arkay Maxamoud oo markii iigu dambeysay ku noolaa magaalada Toronto.

Su'aasheydii aan ku furay boggan ayaa garanaya
-Diifax....................Almad?
qofkii garanaya ayaan isku ayni nahay.

Waxa kaloo xusid mudan (Galdhoobaale, Casmacaane,Waaberi,Dayax) war soo sidaas maheyn xaafadahii ugu horeeyey ee D/M.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galdhoobaale

Monday, October 23, 2000 - 07:03 am
Radamir, saxiib waxaan aad iyo aad ugu fraxsanahay in aad inoo furtay beeyjkaan, waana kaaga mahadcelinayaa sida aad isugu howshay in aad furto beej reer dhuusamareeb eey isku wareeystaan adiga oo yiri waxaan ka maqnaay in mudo ah.
marka hore hadii aan uga gudbo mahadnaqii, waxaan kugu dhaliilayaa in aadadan xusin xaafadeeydii waa xaafada (HORSEED).

MARKA AAN UGABAXO INTAA, WAXAANKALOO AAN LAYAABANAHAY SIDA AAN LOO SOO GALIN BEEYJKAAN, OO EEY WALI REER DHUUSAMAREEB U HURDAAN. WAXAAN KALOO JECLAHAY IN AAN ARKO DAD BADAN OO SOOGALA.

UGUDANBEYNTII WAXAAN JECLAA LAHAA IN AAN IDINWEEYDIIYO SUAASHAAN,

REER DHUUSAMAREEBEEDOOW, MAXAAD,DAMACSANTIHIIN DHULKII WAA LAGA SOO DHOOFAYE MAHALMAANTEEN MISE WAAD UMAQANTIHIIN? QORE DHLIYARADA (XERO)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mareergur

Wednesday, October 25, 2000 - 07:09 am
waa lagu salaamay ee saleemaca kaa danbeeya salka dhig.
haddii aad illowdeen magaaladiinii oo waqti hore idinkugu danbeeysey bal aan war bixin kooban idinka siiyo.
dhuso-marreeb waxay noqotay meel aad uga geddisan gobolada kale waayo,waxaa laga qaxiyey kuwii dadka qalan-jirey ee nafta u keenay xilligii kaligi taliyihii..dhalinyaradii waxay raadsadeen in ay dib u soo ceshadaan wax
yaabihii laga bililiqeeystay gobolka galgaduud oo dhan,waxayna u raadsadeen hantidaas maqan illaa xadka kenya,iyadoo qaarna la helay waxna lagu raad joogo,waxaan xasuustaa niman farriin u soo faray odoyaasha gobolka oo weeydiistey in ay meel ay ku xannaaneystaan xoolihii lagala tegey gobolka sida;- maroodi,geri,libaax,shabeel iyo dameer-farow loo diyaariyo,laakiin odayaashii iyo geellaydii ayaa diidey oo yiri arladan xooliheennii faraha badnaa iyo maroodiyaal iskuma dhex dari karnee wax kale keena,nimankii ayaa carooday waxayna balan ku qaadeen in ay soo leexin doonaan webiyaasha shabeelle iyo jubba ciddii hor istaagtana cagta marin doonaan.haddaba dhuusa mareeb ragaeedii waa u maqanyahay.hadana waxaanba ku farax- sannahay in wiil reer dhuusamareeb ah uu dhalada ka fadhiyo hoggaankii soomaali weeyn,waxaan si deg-deg ah doowladda u hor dhigi doonnaa in gobolkan regenaration ku sameeyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galdhoobaale

Monday, October 30, 2000 - 07:31 am
mareergureey seetahay beryahaanba kuma maqline. macaafimaadqabtaa waxaan aad uga xumahay in aadan ogeeyn in soomaliyi hishiisay, maxaayeelay waxxad wali wadaa bililaqo iyo waxbaas oo ale naga koriyey. rabi kacabso ee iska iloow waxaas xun oo qorunkaa waa wixii meeshaas ina dhigaye. mida xigta waxaan kuu sheegilahaa in aadan madaxweeynaha umada soomaaliyeed mdeel uga dhicin oo aadsan is laheeysiin.

ugudanbeeystii saaxiib xasadkaamaihiye waxaan ahay xabiibkaa'e waxba ha uqaadanay warkeeyga waa waana'e. umadii reer dhuusa mareebedna alla haloobaryo inuu isu soo celiyo iyadoo nabad ah.

reer mareegurna nagama foga e waa dadkeenii, ee waxaba ha is calool xumeeyn
waxaan ku weydiiyey adigu ma waxaadtahay reeer mareer gureed mise magacoodaad ku dhiibantahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

barri-kaari

Saturday, November 11, 2000 - 11:45 pm
asalaamu calaykum yaa reer dhuusamareebeed intaa kadib alle ayaa mahad leh iga dhigay reer dhuusamareebeed waxaana maanta sharaf ii ah ninaan halkan kala hadlo dadkii aan la korey ee barbaartii dh/mareeb intaa kadib walaalayaal waxaan ahay nin u ooman akhbaarta dadkii reer dhuusamareeb ahaa dadkaas oo ahaa dad is jecel oo is xurmeeya markaa walla waxaan doonayaa bal inaan idin waydiiyo su,aalahan soo socda koleyna ma filayo inuu ka jawaabi karo qof aan reer dhuusamareeb ahaywaxayna yihiin sidan
xaafadda waabari-mataqaanaan,isniino raran,boodcadde,ciise lugoole,ali cagweyn
xafadda horseed-casho joofey,wiilwaal,siciid gacashe,xashi qarni iyo xaaji kadeed,
ciyaal xerro-mataqaanaan,cirro weyne,cali cosoble iyo xuseen shaarib
xaafada dayax-sheekeeye.mahamed waali,iyo xaandaaf
fadlan waxaan idinka codsanayaa waxii reer d/mareeb ah aad ayaan udanaynayaa inaan hello akhbaartooda marka igala soo xiriira adreska hogolof@hotmail.com
TAKE CARE ALL OF YOU
wabilahi-towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galdhoobaale

Monday, December 11, 2000 - 04:52 am
waxaan aad iyo aad ugufraraxsanahay ineey reer dhuusa marreebeedkii soo kordhayaan
waad salaamantihiin reer dhuusamareebeedoow, markalabaad ninkawax ina suaaloow waxaa is kacad in aad tahay ree dhuusa mareebeed tiq ah. maxaayeelay anigu waxaan ahay reer dhuusa mareebeed hase yeeshee magaranayo waxaan tiradabadan oo aad soo tixday.
laakiin waxaan garanayaa badidood, ciraweeyne wuxuu ahaa cali cosoble seedigii,marka kale aniga magacaagaa igu yaal oo waan maqli jiray "XOGOLOF"
WAXAANA UMALEEYNAYAA IN AAD TAHAY REER WAABERI.
WALAALAYAAL MAXAA LOO LAYAHAY IN REER DHUUSA MAREEBEEDKU U ISTICMAALAAN BEEJKAAN QIIMIGA BADAN OO INOO FURAY WALAALKEEN "Admiral". nabad iyo warsan alaha idin yeelo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMED

Tuesday, December 19, 2000 - 05:16 am
WAAD SALAMAN TIHIIN.WARYAA MAREERGUR DH/MAREEB WAAD IS XIJISEE SIDEE WAX U WADAA? INKASTOO DADKII DAD QALATOOBAY HADANA REER DH/MAREEB WAXAY AHAAYEEN DAD IS JECEL ISNA QADARIYA. WAXAAN KU DHASHAY XAAFADA WAABERI INKASTOON XAMAR U SOO GUURNEY.ISNIINO RARAN WAXAAN XASUUSTAA ALLAHA U NAXARIISTEE IN MARKII LA YIRAAH GAALOOY JAB DHEH AY ORAN JIRTEY MAXAAD U JABINEYSAAN WAA UUN ILAAHEY EE.WAXAAN DEGANAA REER SAMATAR YARE AGTOODA,REER ISLOOW AADEN,REER MAXAMED XASAN. REER KEENII HADA WAA WAX QURBE JIRA IYO KUWO KU NOOL BOOSAASO,IYO GALKACYO.THE MORE I REMEMBER DH/MAREEB THE MORE I WANNA CRY,THAT IS HOW MUCH I STILL LOVE THAT CITY AND ITS PEOPLE.RAMADAN KARIIM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mirig

Friday, February 02, 2001 - 02:17 pm
Reer dhuusomareeb ,,waan idiin salaamay dhamaantiin . Suaalihii uu na weydiiyay barri-kaari dad baan ka aqaan . Isniino raran horta qof kasta oo magaaladda tegay wuu garan karaa , waxaan xasuustaa gurigeedii.
Ciise lugoole .calicagwena waan gartay waa odayadii magaaladda .Dugsigii sare maxaaad ka xasuusataan "Jaaf " yaa yaqaan? Cabdihaara, black,jugjug,carbeey suudi,cismaan kaariye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galdhoobaale

Tuesday, April 10, 2001 - 07:14 am
waa lagu salaamay, mirig. salaan kadib, saxiib waxaan garanay dadka aad soo sheegtay oo dhan, siiba jaaf cali qulaan. mirigoow kawaran magaalada aad maceeda wadato, masidiibaa qarihii ugabaxaa?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.